Taliska Nabad Sugida Qaranka oo digniin culus soo saarey xireyna 10 qof oo ay sheegeen in ay la macaamileen Alshabaab

Taliska Nabad Sugida Qaranka oo digniin culus soo saarey xireyna 10 qof oo ay sheegeen in ay la macaamileen Alshabaab

Muqdisho (WDN)- Hay’adda Nabad-Sugidda Qaranka Soomaaliya (NISA ) ayaa qoraal ay soo dhigtey barteeda Twitterka, waxa ay digniin culus u dirtey dadka la macaamila xarakada Alshabaab, awaamiirteedana qaadata. Hadalkaan ayaa daba jooga dhawaan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo soo saarey diginin isaga oo xusey in ganacsidihii Alshabaab u taga uusan Muqdisho kusii ganacsan karin, sidoo kale qofkii u garsoor doonta uusan dib Muqdisho ugu soo laaban karin.

Qoraalka NISA ayaa sidoo kale lagu sheegay in hay’addu gacanta ku dhigtey 10 ruux oo ay tilmaamtey in siyaabo kala duwan ula macaamileen Alshabaab, NISA ma sheegin dadkaasi waxa ay yihiin iyo qaababka ay Alshabaab ula macaamileen.

Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa arintan ku noqonaysa caqabad hor leh oo kusoo kororta, mana jirto sida ay u wajihi doonaan amarada is diidaya ee ka kala imanaya hay’addaha dawladda federaalka Soomaaliya iyo maleeshiyaadka Alshabaab.

Inta badan dadka u garsoor taga Alshabaab, ayaa ka ka cawda musuqmaasuqa hay’adaha garsoonka dawladda ka jira ay ku qasabtey in ay cadaalad ka doontaan xarakada Alshabaab, oo u adeegsata fulinta go’aanadeeda awood gaarta heer naf in la gooyo. 

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.