Saturday, April 27, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Ganacsatada Muqdisho oo wajahaya awaamir is diidsan oo ka kala imaanaya dawladda iyo Alshabaab

Muqdisho (WDN)- Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Madaale, ayaa maanta dul dhigey gacacsatada caasimadda amar culus in aysan u hogaansamin awaamiirta uga imanaysa kooxda Alshabaab oo saamayn ballaaran ku leh koonfurta Soomaaliya.

Md. Madaale ayaa amrey in dib aan loo furi doonin albaabka gacansi ee lagu xiro amar kasoo baxey maleeshiyaadka Alshabaab, waxa uuna yiri mar uu warbaahinta Muqdisho maanta la hadlay ” albaabkii ganacsi ee lagu xiro amarka Alshabaab dib looma furi doono, sidoo kale dadka garsoorka u raadsada Muqdisho kuma soo noqon doonaan”

Hadalka Duqa Muqdisho ayaa noqonaya culeys hor leh oo kusoo kordha ganacsatada oo hore uga cabanayey handadaada iyo awaamiirta adag ee ay kala kulmaan maleeshiyaadka Alshabaab, oo lacago ka qaada ganacsadihii diidana uu wajahayo dhibaatooyin kala duwan oo isugu jira burburinta ganacsiga ,xarig ama dil.

Illaa iyo hadda ma jiro wax jawaab ah oo ka yimid midowga ganacsatada gobolka Banaadir, lamana oga qaabka uu u fuli doono amarkaan cusub ee kasoo baxay gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen.

Maxamed Cumar

WardheerNews, Muqdisho


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.