Qarax xooggan oo lala beegsadey xerada Jeneral Dhagabadan ee maagalada Muqdisho

Qarax xooggan oo lala beegsadey xerada Jeneral Dhagabadan ee maagalada Muqdisho

Muqdisho (WDN)- Qarax xoogan oo uu fuliyey qof naftii hure ah ayaa maanta ka dhacey xerada Jeneral Dhagabadan ee degmada Wada Jir ee gobolka Banaadir. Halkaasi oo ay ka socotey qaadashada askar la doonayo in ay ka mid noqdaan ciidamada gaarka ah ee milatariga Soomaaliya.

Khasaaro xooggan ayaa ka dhacey goobta oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo si rasmi ah aan loo xaqiinin karin dadka ku waxyeelooda. Kooxda Alshabaab ayaana sheegatey masuuliyadda qaraxaan.

Gaadiidka gurmadka degdega ah ayaa goobta kasoo qaaday dhaawac gaaraya 20 oo u badnaa dhalinyaradii doonaysay in ay ka mid noqdaan ciidamada xoogga dalka ee is diiwaangelintooda maanta la qorshaynayey in ay bilaabato,iyada oo uu qof isku soo xirey walxaha qarxa, islamarkaana iridka hore ee xerada ciidanka isku qarxiyey.

Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa muddooyinkaan waxa ay wajahayaan culeysyo kaga imanaya dadka deegaanka oo gacan ka helaya ciidamada xoogga, waxaana gacantooda ka baxey maamulka deegaano badan oo ay ka talin jireen. Qaraxn ayaa u muuqda mid ay kooxdu ku doonayso in culeyska fuuley ay isaga yareyso, ayadoo xoogga saaraysa weeraro ay ka fuliso gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho sida kan maanta xerada Jeneral Dhaganadan ku qaadeen.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.