Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in jiritaanka Soomaaliya uu ku xiranyahay in laga adkaado kooxda Alshabaab

Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka sheegay kalfadhiga 2-aad ee golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya oo maanta furmay in jiritaanka dawladnimo uu ku xiranyahay in laga adkaado kooxda argagixisada ah ee Alshabaab oo uu sheegay dhibaatadii ugu xumeyd ee ay waajahaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in markii uu qabtey xilka dawladdiisu ay wajahdey laba arrimood oo aan kala dhibaato yareyn, kuwaasi oo kala ah abaarta ba’an ee dalka ku habsatey taasi oo saameysay kala bar shacabka Soomaaliyeed iyo fiditaanka kooxda argagixisada ah ee Alshabaab, waxa uuna tilmaamay in dawladdiisu wax badan ka qabatey arrimahaasi oo uu sheegay in ay la tacaalayaan dhibaatada abaaraha sidoo kalena ciidamada xoogga hawlgalka ka dhanka ah Alshabaab ay qaadeen guulo waa wayn laga gaarey.

Madaxweyne Xasan oo ku dheeraadey hawlgalka ka dhanka ah Alshabaab ee dawladdiisu ku jirto ayaa yiri, ” Maanta dalkeenna iyo dadkeennuba waxa ay ku sugan yihiin meel aan ka noqosho laheyn, meel guul darrada aanu boos uga bannaaneyn, waxaanan go’aansannay inaan u guntanno dagaalka dalka looga sifaynayo AlShabaab, waan soo waayay jid aan ahayn in aan difaacno karaamadeenna , islaanimadeena iyo qaranimadeena”.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalka xildhibaanada golaha shacabka uu maanta u jeediyey intaa ku darey ” Dalka iyo dadku waxay inooga baahanyihiin xil gudasho dhammeystiran oo ah in aan dhinac uga soo wadajeesano halka cadaw ee Soomaaliyada maanta leedahay, waa in aan isku garabsiino shacab iyo dowladba sidii aan dalka oo dhan uga xoreyn laheyn cadawagaas oo wax naxariis ah lahayn”.

Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa guulo waawayn ka gaartey kalana wareegtey kooxda argagixisada ah ee Alshabaab goobo badan ayadoo taageero xooggan ka helaysa shacabka Soomaaliyeed oo ka dhiidhiyey gumaadka kooxdani ku hayso shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed Cumar Sh. Aadan

WardheerNews, Muqdisho