Tuesday, March 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow
  • Talk of the town

Madaxweyne Farmaajo oo sumcad xumo xukunka ku sii sagootinaya

W/Q Khaliil Cabdiraxmaan Xasan

Jaalle Siyaad iyo Aadan Cadde

Ma aha madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan ka uu sawirkiisa xafiiska sudhay sida uu jeclaan lahaa in lagu sifeeyo, mana ahan Maxamed Siyaad Barre sida ay mucaaradkiisu ku sheegaan iyagoo ugu soo gabbanaya inay isku qabiil ka soo jeedaan, rabona in uu nidaam kelitalis ah ka hirgeliyo dalka sidii kacaanka.

Maxaa yeelay ma aha mas’uul sidii Aadan Cadde leh magac, maamuus iyo kalsooni uu shacabka ka kasbaday ama shakhsi xoog  xukunka ku qabsaday cid uu ka haybaystaana aanay jirin sidii Maxamed Siyaad. Sidoo kale Soomaaliyada uu madaxweynaha ka yahayna waa mid aad uga geddisan middii ay labadaas mas’uul hoggaamin jireen.

Wax faraha ugu jira ayaaba iska yar. Xataa Raadiyo Muqdisho oo madaxtooyada ka soo horjeedaa gacantiisa wuu ka baxay iyo Telefishanka Qarank (SNT)

MW Farmaajo

 Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxa uu ku yimid xukunka doorasho beishii Feb 8, 2017, waxaana la rajaynayay in uu ku tago doorasho haseyeeshee taasi maanta ma muuqato oo shaki badan ayaa ka jira.

Waxaa shaki badan laga qabaa in uu rabo qabashada doorasho horseedda in xukunka si nabadgelyo ah la isugu wareejiyo sidii isagaba loogu wareejiyay. Waxaa jira shaki maalinba maalinta ka dambeysa sii xoogaysanaya, habdhaqankiisuna sabab u yahay.

Iskudaygii muddo-kororsiga ee sida weyn looga horyimid ka dib waxaa la wiiqay awooddiisii madaxweynenimo. Haseyeeshee waxa uu khabiir ku noqday, kuna caanomaalay siyaasadda Soomaalida ee ilameeraysada ee jiho loo raaco iyo natiijo laga gaadho midna aan lahayn. Taasi ayaana u suurtogelisay isagoo muddoxileedkiisii dhammaaday sannad iyo dheeraad ka hor in uu weli xafiiska sii fadhiyo, rajana ka qaba in uu sii fadhin doono.

Waxa uu ahaa madaxweynihii ugu fursadda fiicnaaa ee dalka soo mara wixii ka dambeeyay burburkii dawladdii Soomaaliyeed sannadkii 1991kii. Soodhaweyn iyo rajo aan hore loo arag ayay shacabku muujiyeen markii xukunka loo doortay madaxweyne Farmaajo.

Rajadaasi maanta waa mid meesha ka baxday, shacabkuna ku hungoobeen. Shan sano ka badan oo uu villa Soomaaliya fadhiyay ka dib, waxa uu xukunka ku sii sagootinayaa sumcad xumo iyo guuldarro ay taariikhdu ku xusi doonto baal madaw.

Nasiibdarro ma aha nin weli xaqiiqsaday xaaladda dhabta ah ee waddanka ka jirta, waxaanu u muuqdaa shakhsi ku jira riyo maalmeed, aaminsanna in uu yahay dhibbane laga gardaranyahay oo wanaag iyo waxqabad badan dalka iyo dadkaba u horseedday muddadii uu xilka hayay. Waxqabad aan dhaafsiisnayn halkudhegyo u eeg kuwii kacaanka.

Wax walba uu ballanqaaday iyo eray kasta oo uu sheegay xilligii uu u ololeynayay xilka madaxweynanimo, waxay noqdeen maanta kuwo beenoobay iyo hal bacaad lagu lisay.

Waxa uu ku faanaa in uu soo celiyay wax uu ku tilmaamay hankii iyo haybaddii dawladnimo ee Soomaaliya lahayd, haseyeeshee han iyo haybad midna kama muuqdo xilligan Soomaaliya. Hanka keliya ee aan madaxweyne Farmaajo ka aragnay intuu xilka hayay ee uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulayna waa sidii uu Villa Soomaaliya ugu nagaan lahaa gar iyo gardarroba.

Waxaa halis ku jira wax walba oo laga soo qabtay dib u yegleelidda dawladnimada Soomaaliyeed, waxaana dadka maskaxdooda ku soo dhacaya in dib loogu noqon doono xilliyadii burburka iyo dawlad la’aanta haddii uu Farmaajo xukunka isku sii dhejiyo. Burbur ay adagtahay in dib looga soo kabto sababina kara in meel fog laga raadiyo dib udhalashada dawlad Soomaaliyeed.

Shaki kuma jiro in madaxweyne Farmaajo waddanka geliyay xaalad adag oo dal iyo dibadba werwer laga muujinayo. Xaalad aanay weli muuqan tabtii iyo ciddi ka badbaadin lahayd dalka.

Madaxweyne Farmaajo maanta waxa uu haystaa rajo keliya si uu kursiga ugu sii fadhiyo, waana mucaaradkiisa. Waa mucaarad ujeeddo badan ah oo isugu jira Puntland, Jubbaland iyo shakhsiyaad xildoon ah oo waxa keliya ee mideeyaa yahay nacaybka Farmaajo.

Maamul goboleedyo iyaguba ku fashilmay in ay si caddaalad ah u qabtaan doorashada oo si cad u boobay kuraasta baarlamaanka, ayaa iminka Farmaajo ku eedaynaya in uu wax boobayo. Shuqulxumadii ay billaabeen ayuun baa weli socota.

Midawga Musharixiinta

Shakhsiyaadka kale ee mucaaradku waa kuwo badankood horey loo soo tijaabiyay, xilal qaran oo ilaa heer madaxweyne ahna soo qabtay. Nasiib darro waa shakhsiyaad isku urursaday qabiil, kuna hawgala siyaasado beelaysan oo dhammaantood ka liita kana sumcad xun Farmaajo. Shakhsiyaad mid walba ay taariikhdiisa ku suntanyihiin baro madaw.

Mucaaradkan oo isugu yeedha magacyo kala geddisan habdhaqankoodu waa midka sababay in Farmaajo xilligan soo gaadho, yeeshana taageerayaal badan .

Waxay isugu yeedhaan badbaado qaran haseyeeshee cidda keliya ee ay  badbaadiyeen waa madaxweyne  Farmaajo, isaga ayaana kun jeer ka fursad fiican in uu mar kale ku guulaysto madaxtinimada dalka.

Su’aasha haddaba isweydiinta mudan ayaa waxay tahay ma la heli doonaa tolow shakhsigii dalka ka badbaadin lahaa Farmaajo iyo mucaaradkiisa.

Ma muuqdo hadda laakiin rajada Alle Lagama quusto.

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.