Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray dalka Itoobiya

Muqdisho- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Addis Ababa ayaa waxa Garoonka Diyaaradaha ee Bole si diirran ugu soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed.

Farmaajo iyo Abiy

Madaxweyne Farmaajo ayaa casuumaad ka helay Ra’iisul Wasaare Abiy, waxa ayna ka wada hadli doonaan adkeynta xiriirka labada dal iyo guud ahaan xaaladda iskaashiga gobolka ee dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha. Wafdiga Madaxweynaha la socda ayaa iyana kulammo la yeelanaya dhiggooda dalka Itoobiya, si loo xoojiyo wadashaqaynta ka dhexaysa labada dhinac.

Safarkan waxa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Mahad Ciise Cawa, Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Mudane Cabdullaahi Sheekh Cali iyo La-taliyayaal ka tirsan Madaxtooyada Qaranka.

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.