Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Madaxweynaha Puntland iyo Wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhoweeyay Kismaayo

Kismaayo- Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa siweyn loogu soo dhoweeyay Magaaladda Kismaayo ee Xarunta ku meelgaarka ah ee Jubaland.

Madaxweyne Siciid Deni oo Kismaayo lagu soo dhaweeyay

Wafdiga Madaxweyne Deni oo ka qeybgelaya Caleemasaarka Madaxweynaha Jubaland, ayaa ka kooban Masuuliyiin isugu jira Heer Federaal iyo Heer Puntland, waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole, Xildhibaan Sahro Qoorsheel, Xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda Puntland, Siyaasiyiin hore xilal ugaso qabtay Puntland iyo Soomaaliya, Dhaqan, Ganacsato iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa soo dhoweyn Hab-maamuuskeedu sareeyo u sameeyay Madaxweynaha Jubaland Mudane, Axmed Maxamed Islaam, kadibna waxaa uu Madaxweynuhu u gudbay dhinaca shacabka oo boqolaal dad ah isugu soo baxeen Soodhoweyntiisa.

Madaxweynaha Jubaland Mudane, Axmed Maxamed Islaam ayaa kusoo dhoweeyay Kismaayo Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdigiisa, wuxuuna uga mahadceliyey imaanshaha Madaxweyne Deni iyo ka qeybgalka Xafladda Caleemasaarka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu Jubaland Dowlad iyo Shacaba uga mahadceliyey sida weyn ee ay usoo dhoweeyeen isaga iyo wafdigiisa:

“Aad baan ugu faraxsanahay sida diirran oo Dowladd iyo Shacaba naloo soodhoweeyay, waan ka mahadnaqeynaa, waa waajib na saarnaa maadaama Madaxweynuhu dhowrjeer horey noo soo booqday in aan anagana soo booqano la wadaagno Farxadaha iyo Murugadaba, Waxaan rajeynaynaa hadii illaahay idmo muddada aan joogno in arrimaha muddadii u danbeysay Jubaland ka jiray aan wax ka galno hadii illaahay idmo” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.