
Muqdisho, Madaxweynaha dalka Uganda Md. Yoweri Kaguta Museveni ayaa ku bogaadiyey dowladda Federaalka Soomaaliya guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaartay dagaalka ka dhanka Al-Shabaab iyo deegaannada laga xoreeyey, waxa uuna si rasmi ah u caddeeyey in dalkiisa garab taaganyahay dawladda federaalka, diyaarna ula yahay taageero dhanwalba si kooxdaasi looga saaro deegaanada weli ay kaga suganyihiin Soomaaliya.
Hadalkaan ayuu madaxweynaha Uganda ka sheegay kulan uu la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah magaalada Kampala ee caasimadda Uganda ku tagey isla markaana ka qeybgalay munaasabadda 62 sano guuradii kasoo wareegatey markii dalkaasi uu xornimadiisa ka helay gumaystihii Ingiriiska.
Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mahadceliyey taageerada dawladda Uganda, waxa uuna sheegay in marnaba aysan illoobi doonin taageerada ay Soomaaliya u fidiyeen, kaasi oo ku aaddan xasilinta dalka iyo dib usoo celinta dawladnimada Soomaaliya, waxaana Uganda Soomaaliya ka jooga kumanaan askari oo qeyb ka ah hawlgalka midowga Africa ee ATMIS ee nabad kusoo dabaalidda Soomaaliya, waxayna dagaallo adag kula jiraan maleeshiyaadka Alshabaab oo ka taliya qeybo muhiim ah oo gobolada Koonfurta Soomaaliya ah.
Madaxweyne Xasan ayaa wada dadaallo xooggan oo uu taageero ugu raadinayo kacdoonka dadka deegaanka ah iyo hawlgallada ciidamada xoogga dalka ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Alshabaab, kaasi oo suurto geliyey in deegaano badan ay kooxda kala wareegaan, waxaana sii kordhaya caddaadiska ka dhanka ah ee kooxdaasi oo si guud ah gobollada dalka uga bilowdey.
Maxamed Cumar
WardheerNews. Muqdisho
Leave a Reply