Garoowe (WDN)- Madaxweynihii hore ee Puntland Md.Cabdiweli Gaas, ayaa maanta si rasmi u wareejiyay xilka madaxweynaha Puntland oo uu muddo shan sano soo hayay. Md Gaas ayaa madaxweynaha cusub Md. Siciid Cabdullaahi Deni, oo bishan Janaayo 8-dii la doortay, ku wareejiyay xilka mdaxtinimada Puntland ee shanta sanoo ee soo socota haddi Eebe ka raali noqdo.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiwali Gaas, ayaa ku hadhay wareegii koowaad ee doorashada madaxweynaha Puntland, isaga oo helay 8 cod, isla markaana noqday madaxweynihii u horeeyay ee Puntland ee ku hadha wareega koowaad ee doorashada.
Md.Siciid Deni ayaa la sheegay in uu balan qaaday in uu soo dhis doono, dowlad kooban, oo leh tayo wacan, islamarkaana la dagaalanta musuqa, isaga oo sheegay in uu adkeyn doona amniga iyo waxqabadka hay’addaha dowladda.
Madaxweynihi hore ee Puntland Md. Gaas oo lagu xasuusto musuq xooggan, ayaa ka codsaday shacbiga reer Puntland in la cafiyo, Iyada oo ay jiraan warar sheegay in dad badani ku howlan yihiin in Md. Gaas lagu soo oogo dambiyo la xidhiidha musuqa iyo canshuuraha (tax evasion).
WardheerNews
Leave a Reply