Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Madaxweynaha Cusub ee Puntland Md Deni oo maanta xilkii la wareegay

Garoowe (WDN)- Madaxweynihii hore ee Puntland Md.Cabdiweli Gaas, ayaa maanta si rasmi u wareejiyay xilka madaxweynaha Puntland oo uu muddo shan sano soo hayay. Md Gaas ayaa madaxweynaha cusub Md. Siciid Cabdullaahi Deni, oo bishan Janaayo 8-dii la doortay, ku wareejiyay xilka mdaxtinimada Puntland ee shanta sanoo ee soo socota haddi Eebe ka raali noqdo.

Gaas (bidix), Deni (dhexda) iyo Karaash

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiwali Gaas, ayaa ku hadhay wareegii koowaad ee doorashada madaxweynaha Puntland, isaga oo helay 8 cod, isla markaana noqday madaxweynihii u horeeyay ee Puntland ee ku hadha wareega koowaad ee doorashada.

Md.Siciid Deni ayaa la sheegay in uu balan qaaday in uu soo dhis doono, dowlad kooban, oo leh tayo wacan, islamarkaana la dagaalanta musuqa, isaga oo sheegay in uu adkeyn doona amniga iyo waxqabadka hay’addaha dowladda.

Madaxweynihi hore ee Puntland Md. Gaas oo lagu xasuusto musuq xooggan, ayaa ka codsaday shacbiga reer Puntland in la cafiyo, Iyada oo ay jiraan warar sheegay in dad badani ku howlan yihiin in Md. Gaas lagu soo oogo dambiyo la xidhiidha musuqa iyo canshuuraha (tax evasion).

WardheerNews

 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.