Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Maareynta Abaaraha iyo Qorshihii Nabi Yuusuf (CS)

W.Q. Xasan Raage

Nabuyu Laahi Yuusuf waxa uu si wacan u maareeyey una maamuley abaar weyn oo soo wajahdey boqortooyadii Faraaciinta ee Masar xiligiisii. Sida aan wada ognahay waxa ay arrintaasi ka billaabantey fasiriddii Yuusuf ee Riyadii boqorka Masar ku riyoodey toddoba sac oo naaxsan oo cunaya toddoba kale oo weyd ah iyo toddoba madax ama sanbuul oo hadhuudh ah oo cagaaran oo ay nuugayaan toddoba qaadhey.

Ka dib markii wadaadadii Macbadka ( Faaliyayaal) iyo kuwii riyada fasiri jireyba kari waayeen ayaa maxbuus hore oo ay Yuusuf wada xidhnaayeen xasuustey, sidaas ayuuna ku fasirey kuna keenay qorshe dhaqaale oo ballaadhan noqdeyna kan ugu muhiimsan uguna wanaagsan qorshe dhaqaale oo ummad lagu samatabixyo.

Qorshaha dhaqaale qaybta hore:

Maareynta qaybtan hore waxa uu Nabi Yuusuf (CS) ku faahfaahiyey qorshe dhaqaale oo looga hortagayo abaarta soosocota, lagagana samatabaxayo dhibka soo wajahan. Qorshuhu waxa uu ka koobnaa shan qodob oo waaweyn, kuwaas oo kala ah:

1. Qorshaha waxsoosaarka ( waxaad beereysaan)

2. Muddada waxsoosaarka oo ah toddoba sano

3. Heerka waxsoosaarka ( waa in uu ahaadaa joogto dadaal badan lagu bixiyey)

4. In la kordhiyo wax kaydsiga ( Qamadiga in lagu kaydiyo isaga oo wata qolofkiisa, bakhaaro gaar ahna lagu kaydiyo)

5. Waxa la cunayo in la xadido ama la yareeyo,( inta yar ee cuntada loogu talo galey kaliya)

Qaybta labaad waa maareynta wixii la isticmaali lahaa:

Waxaa uu Nabi Yuusuf(CS) dajiyey qorshe habeysan oo lagu xakameynayo wixii la isticmaalayo iyo sida ay tahay in loo isticmaalo, kuwaas oo ay ugu muhiimsan yihiin labadan qodob:

1. In la xakameeyo lana nidaamiyo wixii la quudanayo, waana muddada ay abaartu jirto oo ah toddoba sano.

2. In loo diyaargaroobo maalgashi iyo beero falasho, lana kaydsado wixii hadhow la beeri lahaa ama la fajaasi lahaa, waana in si wacan loo kaydiyo midhaha loogu talogaley abuurka.

Qaybta Saddexaad soosaarka ka dib iyo midho goosashada:

Waa qorshe-hage ku saabsan dalagga marka uu soo go’o ee ay tahay in la kaydiyo oo looga faa’iideysto siyaabo kala duwan cunis, iibsi iyo waxa ku kala badalasho, waana marxaladda ay tahay in midhihii suuqyada iyo meelaha kale ee looga baahan yahay lagu camiro.

Waxaa kale oo qorshaha ku jirey in la shaqeeyo saacado dheeri ah si waxsoosaarka iyo suuq-gayntaba loogu helo waqti wacan.

Waxaa kale oo uu Nabi Yuusuf(CS) sameeyey in qaabka kaydsigu ka duwanaado sidii waagii hore wax loo kaydin jirey. Waxa uu hindisey oo uu dhisey bakhaaro waaweyn oo qayb dheer oo sida minaarada oo kale ah leh, kaas oo looo yeeley meeo ay hawadu ka soo gasho si dalagga lagu kaydinayo aanu u xumaan, isla markaa waxa uu u sameeyey daaqado ay qorraxdu ka soo gali karto si aanu cayayaan ugu dhalan.

Markii ay billaabantey toddobadii sano ee abaarta ahayd waxa uu billaabey in ciddii dawladda ka iibisey dalageeda lagu siiyo qiimo jaban, ciddii aan waxba daawladda markii hore ka iibina lagaga gado qiimaha suuqa oo qaali xiligaa ahaa, taasina dawladdu wax ay ka heshay faa’iido badan, iska daa reer Masare ummadii kale ee waagaas deggana bariga dhexe iyo meelo Afrika ka mid ah waxa ay abaartii kaga samata baxeen qorshaas uu keenay Nabi Yuusuf (CS).

Nuxurka Dhacdada:

Innaga waxaa dhawrkii sanaba ina soo mara abaaro baabi’iya xoolaheena iyo dalageenaba, waxyeello badanna inoo gaysta, waxna kama barano oo kama diyaargarowno. Waxaa aynu u baahanahay in aan sheekada Nabi Yuusuf (CS) uga faa’iideysano arimahan soo socda:

  • In aan sannad walba beerno dalag dheeri ka ah inta aan uga baahanahay in aan cunno, si wacanna loo kaydiyo, haddii kale xukuumaddu ay iibsato wixii dheeraad ah ka dibna iyadu kaydiso.
  • In la sameeyo biyo-qabatino waaweyn gaar ahaana laga sameeyo dooxyada waaweyn iyo wabiyada kala duwan ee aan leenahay. loogana faa’idaysto waxsoosaarka.
  • In meelaha oomanaha ah laga sameeyo Harooyin gacan ku sameys ah, si loogu isticmaalo waraabka xoolaha iyo ciddii wax ku beeraysaba.
  • In la beero calafka xoolaha oo aad u badan, hababka casriga ah ee loo kaydinaya la sameeyo, si markii dhib abaari timaado xoolaleyda loogu qaybiyo qiimo yarna laga siiyo.
  • In mar walba la dhiirigaliyo in la kaydiyo biyaha roobka meel kasta oo suura gal ahna lagu kaydiyo.

W.Q. Xasan Raage

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.