Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Md. Cabdicasiis Lafta Gareen, ayaa magaalada Baraawe ee xarunta rasmiga ee maamulkaasi kulamo kala duwan kula qaatey odayaasha dhaqanka, culuma’udiinka, ganacsatada, saraakiisha ciidamada xoogga iyo bulshada. Waxa uuna ku dhawaaqay in si rasmi ah maamulkiisu u bilaabay hawlgalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, isagoo bulshada Shabeelaha Hoose ku wargeliyey in looga baahanyahay in ay garab buuxda siiyaan ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka.
Md. Lafta Gareen ayaa sheegay in madaxda dawladda federaalka iyo dawlad goboleedyada xubnaha ka ah go’aan buuxda ku gaareen in argagixisada Alshabaab ah ay waajib tahay in dalka laga xoreeyo si dhibaatada ummadda Soomaaliyeed ku hayaan looga dulqaado. Waxa uuna xusey in bulshada Koonfur Galbeed kooxdaasi argagixisada dhibaato ba’an ku hayso, isagoo dadka la macaaamila digniin culus u direy.
Madaxweyne Lafta Gareen waxa uu sheegay in Alshabaab gabalkeedu dhacey, ummadda Soomaaliyeed meelkasta ay ku suganyihiin ay dareemeen in kooxdani argagixisada ah wax naxariis ah lahayn, kaliya ay doonayaan daadinta dhiiga shacabka maatada ah. Waxa uuna ganacsatada Koonfur Galbeed ka codsadey in ay taageero u fidiyaan ciidamada hawlgalka kooxda ka dhanka ah ku jira.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa xaqiijiyey in la mideeyey qorshaha lagula dagaalamayo kooxda Alshabaab, waxaana uu sheegay in hawlgalka si rasmi ah uu uga wada bilowday 3-da gobol ee maamulkaasi uu ka koobanyahay ee kala ah Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose, dhawaanna kooxdaasi deegaanada maamulkaasi kaga suganyihiin laga saari doono lana soo afjari doono.
Alshabaab ayaa saldhigyadeeda istaraatiijiga ah waxa ay badi ku yaalaan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, waxaana dhibaato ku hayaan bulshada ayagoo muddo ku dhaw 10 sano go’doon ku haya magaalooyin iyo degmooyin muhiim ah sida Xudur, Waajid iyo Diinsoor. Waxaana deegaanadaasi ka taagan sicir barar xoog leh, iyadoo badeecadaha kala duwan lagu geeyo dayaarado.
Shacabka Soomaaaliya ay la soo dirsto, islamarkaana wajaha dilka iyo dhibaatada Al Shabaab, ayaa waxa u dheer abaaraha ba’an ee dalka ka jira.
Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho