Kulanka Guga ee ay soo Qabanqaabiyaan Bangiga Adduunk iyo Haya’dda Lacagta oo Lagaga Hadley Xal u Helidda Sugnaanta Cuntada

Kulanka Guga ee ay soo Qabanqaabiyaan Bangiga Adduunk iyo Haya’dda Lacagta oo Lagaga Hadley Xal u Helidda Sugnaanta Cuntada

Muqdisho (WDN)- Kulan xog waraysi la xariirta xal u helida Sugnaanta Cuntada (food security), oo barbar socday shirka sanad-laha ah ee Kulamada Gu’ga (Spring meetings) oo ay si wadajir ah u soo wada qaban qaabiyaan Bangiga Adduunka (WB) iyo Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF), ayaa lagu qabtay magaalada Washington ee dalka Maraykanka.

Kulanka Guga ee ay soo Qabanqaabiyeen Bangiga Adduunk iyo Haya’dda Lacagta oo Lagaga Hadley Xal u Helidda Sugnaanta Cuntada

Kulankaa ayaa diiradda lagu saaray siyaabaha wax looga qaban karo sugnaan-la’aanta cuntada oo ka dhalata colaaddaha, saboolnimada, xaalufinta degaanka, fatahaadaha, abaarta iyo arrimo kale. Doodda ayaa waxaa qeyb ka ahaa madaxa Hey’adda Ganacsiga Adduunka (WTO), madax ka socotay Bankiga Adduunka, Wasiirradda Horumarinta Caalamiga ee dalalka Ingiriiska, Denmark iyo masuuliyiin kale, iyada oo dhinaca Soomaaliya uu uga qeyb galay Ergeyga gaarka ah ee JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Ergeyga ayaa kulanka la wadaagay fursadaha iyo caqabadaha is hareer yaal ee Soomaaliya ka saari kara dhibaatada cunto yaraanta iyo ku tiirsanaanta kaalmada shisheeye, isagoo xusay in  Soomaaliya aysan kaalmo raadsi keliya ahayn ee ay miiska soo saarayso khayraad dabiici ah, bulsho hal-abuur iyo firfircooni ganacsi leh, dal ahmiyad juqraafi siyaasaddeed leh iyo dhallinyaro hami sarreeya, firfircooni iyo hal abuur leh.

Ergeyga ayaa horraanba muujiyay muhiimadda ay leedahay maalgalinta mashaariicda dhisaysa adkaysiga bulshada, ka soo kabashada iyo horumarka, sida; in Soomaaliya lagu gacansiiyo maalgashiga dhanka beeraha, xoolaha, kalluumaysiga, macdanta iyo shidaalka si ay u daboolaan baahida conto yarida, loogana kaaftoomo gurmadka degdegga ah iyo deeq aan wax ku ool ahayn.

Kulamada Gu’ga (Spring meetings) oo ay sanadkaan ka dhacaya magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa looga hadlayaa arrimo kala duwan oo quseeya caalamka oo ay ku jiraan ciribtirka faqriga, horumarinta dhaqaalaha, waxtarka gargaarka iyo dhacdooyin kale oo diiradda saaraya dhaqaalaha adduunka, horumarka caalamiga ah iyo hannaanka maaliyadeed ee dunida.

Siciid Maxamed Axmed
WardheerNews