Kenya: Qaxooti Aan Khiyaar Lahayn Oo Soomaaliya Ku Laabtay

Hanjabaadda ah In Xeryaha La Xirayo Ayaa Dhalisay in Kumannaan Qof Ay Ku Laabtaan Goobo Khatar ah

Nairobi (HRW) – Barnaamijka dib u celinta qaxootiga Soomaalida ah ee Kenya, oo ay huriyeen cabsi iyo macluumaad aan sax ahayn, ayaan gaarsiisneyn heerka caalamiga ah ee sida khiyaarka ah ay qaxootiga dib ugu laabtaan, waxaa sidaa lagu sheegay warbixin ay maanta soo saartay hay’adda Human Rights Watch. Qaxooti badan oo ku nool xeryaha Dhadhaab, oo hooy u ah ugu yaraan 263,000 oo Soomaali ah, ayaa sheegay in ay ogolaadeen ku laabashada dalkooda, maadaama ay ka cabsi qabaan in Kenya ay khasab ku rari doonto haddii ay sii joogaan.

refugee-repartriation
Mashruuca dib u celinta Qaxootiga Soomaaliya

Bishii May 2016, dowladda Kenya ayaa shaacisay qorshayaal ay ku dedejineyso dib u celinta qaxootiga Soomaalida ah iyo xiridda xeryaha Dhadhaab ee ku yaalla gobolka Waqooyi Bari marka la gaaro bisha Nofember. Dowladda Kenya iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa wixii markaa ka dambeeyay dardar galiyay Barnaamijka Dib U Celinta Khiyaarka ah ee lagu heshiiyay sanadkii 2013.

Intii ay socotay booqasho bishii Agoosto 2016 ay hay’adda Human Rights Watch ku tagtay xeryaha Dhadhaab, ayaa qaxootiga halkaasi ku nool waxa ay uga warrameen handadaad ay kala kulmeen dowladda Kenya, aamusnaan ku aaddan qaababka kale ee ay kusii joogi karaan Kenya, xog ku filan oo aanay ka helin xaaladda ka jirta Soomaaliya, iyo lacag dhan 400 oo doollar oo ay weynayaan haddii loo tarxiilo Soomaaliya dhammaadka sanadkan. Qaxootiga ayaa sheegay in arrimahaasi ay dad badan ku dhaliyeen in ay hadda isaga laabtaan Soomaaliya, halkaasi oo ay ku wajahayaan khatar, dhibaateyn iyo gaajo.

“Dowladda Kenya ma siineyso qaxootiga Soomaalida ah khiyaar dhab ah oo ay ku kala doortaan joogitaan iyo bixitaan, hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootigana dadkaasi ma siiso macluumaad sax ah oo ku aaddan xaaladda ammaan ee Soomaaliya,” waxaa sidaa yiri Bill Frelick oo ah agaasimaha Human Rights Watch u qaabilsan xuquuqda qaxootiga. “Ma jiro qaab dadkaasi loogu tixgelin karo in ay si iskood ah u laabteen.” ayuu raaciyay Bill.

Xeerka qaxootiga ee 1951 ayaa mamnuucaya, in hannaan kasta oo la maraba, qaxootiga lagu celiyo deegaan khatar gelinaya naftooda ama xorriyadooda. Hannaankaasi kuma koobna marka qaxootiga la diido ama la cayriyo, balse waxaa qeyb ka ah in cadaadis aan toos ahayn lagu saaro in ay u maleeyaan in aanay jirin waddo kale oo u furan oo aan ka ahayn in ay ku laabtaan waddan ay ku wajahayaan khatar naftood ah ama in lagu dhibaateeyo.

Xeerka caalamiga ah ee qaxootiga ayaa dhigaya in dib u celinta ay khiyaari tahay haddii qaxootiga ay haystaan kala doorasho xor ah oo ku aaddan laabashadooda, ayna si buuxda uga warqabaan xaaladda dalkooda hooyo. Human Rights Watch ayaa Dhadhaab ku wareysatay ilaa 100 qof oo qaxooti iyo magangelyo doon isugu jira, waxaana ay ogaatay in labada xaaladood ee kor ku xusan uusan midkoodna fulin barnaamijka dib u celinta khiyaariga ah ee hadda jira.

Tan iyo inta ay dowladda Kenya ka shaacineyso in qaxootiga ka cabsi qaba ku laabashada Soomaaliya ay dalkeeda joogi karaan, ayna UNHCR iyo howlwadaageeda ay si buuxda oo sax ah qaxootiga ugu wargalinayaan xaaladda ammaan ee Soomaaliya, dadka ku laabanaya barnaamijka socda ayaa waxay ka dhigan yihiin kuwo khasab lagu celiyay, ayay sheegtay Human Rights Watch.

Qaxootiga ayaa sheegay in go’aanka ay dowladda Kenya ku xireyso xeryaha Dhadhaab uu ka dhigay kuwo dareemaya xannibaad. Waxay ka cabsi qabaan in ay ku laabtaan Soomaaliya, balse dhanka kale waxay ka baqayaan in la xiro oo la tarxiilo haddii ay sugaan taariikhda kama dambeysta ah ee bisha Nofember. Sidaa awgeed, qaar badan oo ka mid ah ayaa door-biday in ay qaataan afarta boqol (400) ee doollar ee qeybta ka ah kaalmada ay UNHCR siineyso dadka laabanaya, sababtoo ah waxay ka cabsi qabaan in haddii aanay hadda qaadan lacagtaas, si degdeg ah oo aan kharash lahayn lagu tarxiili doono dhammaadka sanadkan.

“Waxaan Soomaaliya uga soo qaxnay dhibaatooyin gaar ah, waana kuwo aan weli dhammaan oo taagan,” ayay tiri “Sahra” oo ah 42 jir kasoo jeeda gobolka Hiiraan, isuna diiwaangelisay in ay dalkeeda dib ugu laabato. “Xilligan kuma haboona in aan dib ugu laabano dalkeena. Balse maalin kasta dowladda Kenya ayaa noo sheegta in aan laabano, UNHCR-na nama siineyso macluumaad ka duwan. Waxaan u sheegay in aan laabanayo maadaama aan khiyaar kale lahayn.” ayay raacisay.

Human Rights Watch ayaa si isdaba-joog ah u weydiisay sarkaalka Kenya u qaabilsan Dhadhaab, ahna gudoomiye ku xigeenka deegaankaasi, waxa ku dhacaya qaxootiga aan ka bixin xeryaha marka la xiro ama in ay sii joogi karaan Kenya. Waxa uu ku jawaabay: “Khiyaarka ay leeyihiin ayaa ah in ay dalkooda aadaan.”

Qaar ka mid ah qaxootiga laga qaaday Dhadhaab ee ku laabtay Soomaaliya ayaa mar labaad dib ugu soo qaxay Kenya, ayagoo kasoo cararay colaadda halkaa ka taagan iyo adeegyada asaasiga ah oo aan jirin. Human Rights Watch ayaa ogaatay in dadkaasi dib ugu soo laabtay Dhadhaab aanay helin diiwaangelin cusub oo qaxootinnimo ama magangelyo doonnimo ah. Taasi ayaa ka dhigtay dad aan lahayn sharci oo aan heli karin cunnada qaxootiga la siiyo.

Qaar badan oo ka mid ah qaxootiga Soomaalida ah ee tiradooda lagu qiyaasay 335,000 ee ku nool xeryaha iyo magaalooyinka Kenya, ayaa kasoo qaxay colaaddii Soomaaliya ka bilaabatay sagaashameeyadii, ama waxaa dhalay dadkii kasoo qaxay dagaalladaasi ama carruurtooda ayaa sii dhalay. Tobankii sano ee lasoo dhaafay, waxaa jiray qaxooti cusub oo kasoo barakacay abaaraha Soomaaliya ka dhacay, amni darro iyo tacaddiyo ay kala kulmeen ururka Al-Shabab ee dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya.

Cadaawadda iyo tacaddiyada ay la kulmaam qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool Kenya ayaa si weyn u kordhay tan iyo markii uu ciidanka Kenya galay Soomaaliya sanadkii 2011, iyo weerarradii xigay ee ay Al-Shabab dadka badan ku dishay gudaha Kenya muddadii u dhexeysay 2011 ilaa 2015. Dowladda Kenya ayaa 6-dii Mey 2016 si rasmi ah u shaacisay in ay xireyso xeryaha Dhadhaab; ayadoo eegeysa “ammaankeeda qaran ayay go’aansatay in ay soo afjareyso martigelinta,” waxaana ay ku baaqday in “xeryaha lagu xiro sida ugu dhaqsiyaha badan.”

Bishii Nofember 2013, dowladaha Kenya, Soomaaliya iyo hay’adda UNHCR ayaa kala saxiixay heshiis ku aaddan dib u celin aan khasab ahayn oo loo samaynayo qaxootiga Soomaalida ah, waxaana labada dal iyo UNHCR-ba ay sheegeen in ay xaqiijinayaan in dib u celinta ay ku dhacdo si khiyaari ah oo sharaf leh. Xaaladda ay hadda ku sugan yihiin qaxooti badan oo ah Soomaalida ku jirta Dhadhaab ayaa si weyn u khilaafsan ballaanqaadkaasi, ayay sheegtay Human Rights Watch.

Mas’uuliyiin UNHCR u qaabilsan Soomaaliya ayaa u qiray Human Rights Watch, in qiimeyntooda ay muujineyso in xaaladda hadda ka jirta Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya aanay u wanaagsaneyn in qaaxooti tiro badan si ammaan ah oo sharaf leh loogu celiyo. Qiimeyntii ugu dambeysay ee ay UNHCR samaysay bishii Mey ayaa lagu ogaaday in “Dadka rayidka ah ay weli si weyn u saameyso colaadda, ayna jiraan warar sheegaya in dad rayid ah ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen rabshado colaadda la xiriira, isla markaana ay jiraan tacaddiyo galmada ah iyo kuwo lagula kaco dumarka iyo carruurta, askareynta carruurta iyo barakacin ballaaran.”

Macluumaadka ay UNHCR siiso qaxootiga Dhadhaab ee doonaya in ay go’aan xog-ogaalnimo ah ka qaataan dib u laabashadooda, ayaa ah mid aad u kooban oo waqti hore la diyaariyay, mararka qaarna marinhabaabineysa qaxootiga, waxaa sidaa tiri Human Rights Watch. UNHCR oo qeyb ka ah heshiiskii 2013 ee dib u celinta “khiyaariga ah” ayaa si muuqata ugu howlan fududeynta laabashada kumannaan qaxootiga Dhadhaab ah oo ku noqonaya Soomaaliya.

UNHCR ayaa sheegtay in aanay dhiirigelineynin dib u celinta, balse ay u fududeyneyso Soomaalida dooratay in ay si xor ah dalkooda ugu laabtaan, waxayna farqigaasi u sharraxdaa dadka ay ka caawineyso in ay ku kaabtaan goobaha ay u aragto in aanay ammaan ahayn.

Dowladda Kenya iyo UNHCR ayaa wadda olole xaqiijin ah, si ay u yareeyaan tirada qaxootiga u diiwaangashay in ay ku nool yihiin Dhadhaab, ayaga oo go’aan ka gaaraya in dadka ku nool xeryaha ay mudan yihiin in ay halkaasi joogaan. Waxaa xaqiijinta lagu saaray dadka horay isaga diiwaangeliyay xeryaha balse aanu shaqeyneyn kaarkooda cunnada, kuwa magangelyo doonka ah ee aan loo ogolaan in ay isu diiwaangeliyaan qaxooti ahaan iyo dadka la ogaado in ay yihiin muwaadiniin Kenyan ah. Inta uu socday ololahan, ayaa dhammaan dadka la xaqiijiyay in ay yihiin qaxooti Soomaali ah waxaa la weydiiyay in ay rabaan ku laabashada Soomaaliya oo ay diyaar u yihiin sanadkan. Sida ay sheegtay UNHCR bishii Agoosto, tirada qaxootiga Soomaalida ah ee Dhadhaab ku nool ayaa dhan 263,000 oo qof, halka dhammaadkii bishii Luuliyo ay tiradaasi ahayd 338,000 oo qof. Waxaa muuqata in ay tirada qaxootiga ay isdhintay 75,000 oo qof.

Markii la joogay bartamihii Agoosto, in ka badan 24,000 oo ah qaxootiga Soomaalida ah ee Dhadhaab ayaa ku laabatay dalkooda tan iyo markii uu bilowday hannaanka dib u celinta bishii Disember 2014. Tiro ah 18,110 qof oo qaxooti ah ayaa laabtay sanadkan 2016, ayadoo 10,000 oo dadkaasi ka mid ah ay baxeen ka dib markii bishii Mey ay Kenya shaacisay in ay xireyso xeryaha Dhadhaab. Dowladda Kenya ayaa u sheegtay Human Rights Watch bartamihii Agoosto in maalin waliba ay dib u noqoshada ka caawiyaan qaxooti ku dhaw 1,000 qof. 29-kii Agoosto, maamul goboleedka Jubaland, oo ah maamul kumeelgaar ah soohdinna la leh Kenya, ayaa hakiyay qaxootiga dib loogu celinayo. Wuxuu sheegay in qaxootiga tirada badan aanu si ku filan wax ugu tari karin. Waxaa socda wadaxaajood ku aaddan sidii dib loogu bilaabi lahaa dib u celinta qaxootiga.

“UNHCR waa ay ogtahay in Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya aanay u wanaagsaneyn in dib loogu celiyo qaxooti tiro badan,” ayuu yiri Frelick oo intaa ku daray “UNHCR waa in aanay fududeyn dib u celin kale tan iyo inta ay dawlada Kenya ka sheegeyso in dadka ka cabsi qaba ku laabashada dalkooda ay sii joogi karaan gudaha dalkeeda, ayna UNHCR ka siineyso qaxootiga macluumaad sax ah oo ku aaddan xaaladda ay wajahayaan marka ay dalkooda ku laabtaan.”

Xigasho: HRW

 

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.