ISTUNKA AFGOOYE

ISTUNKA AFGOOYE

W.Q. Cabdulahi Axmed (Soomaaliyow)

Odhaahda Tifatirka: Istunka Afgooye waa cutub ka mid ah Buugga Ciyaaraha Hiddhaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed , oo uu qoray Cabdullaahi Axmed (Soomaaliyow). Waa buug xiiso badan oo lagu soo koobay ciyaaro dhaqmeedka ay dadka Soomaaliyeed hiddha u leeyihiin.

——————————-

Istunka
Istunka Afgooye

Istunka waxa uu caan ka yahay magaalada Afgooye oo ku taala duleedka koonfureed ee magaalada Muqdisho. Istunka oo lagu tilmaamo qeyb ka mid ah Dabshidka, isaga ayaa ugu caansan uguna xiisa badan. Dhallnyaro kala mataleysa dadka daga daanta Galbeed ee Wabiga iyo daanka Bari ee magaalada ayaa iyaga oo ah laba saf oo iska soo horjeeda isa soo hor istaaga, kadibna isku qaraaca ulo. Ulaha ay isu adeegsadaan ma ahan kuwo waaweyn hase yeeshee way xanuujin karaan qofka sida ay sheegeen dad ka qeybgalay. Inta lagu guda jiro munaasabadda Istunka, dadku waxay isku eryadaan dariiqyada iyo xaafadaha magaalada iyaga oo istumaya. Waxaa kale oo jira ciyaaro hiddaha iyo dhaqanka ah oo barbar socda Istunka Afgooye.

Taariikh ahaan waxaa la sheegaa inuu Istunku aad u hormaray  waqtigii boqortooyadii Ajuuraan ee Koonfurta Soomaaliya, wuxuuse aad usoo shaacbaxay waayadii uu Afgooye ka talin jiray Suldaankii Geledi, qarnigii 19-aad ee Miilaadiga. Ciyaartani waxay ka mid tahay ciyaaraha qadiimiga ah, waxaana aad looga ciyaara degmada Afgooye. Waa ciyaar sannadkiiba hal mar oo keliya la ciyaaro. Ciyaarta waxaa loo ciyaaraa oo keliya munaasbadda la yiraahdo Dabshidka (Neyruus). Ciyaartu waxay salka ku haysaa caqiidooyinkii Islaamka ka horreeyey, waxayna dadka ciyaaraa aaminsanyihiin in ciyaartu belo xijaab tahay. Waa ciyaar dagaal oo dhex marta laba beelood, ama laba kooxood. Ciyaarta waxaa la isla dhacaa ulo dhuudhuuban. Koox kasta waxaa daba safta oo guubaabo iyo geesinmo geliya gabdhahooda si ay isaga dhiciyaan kooxda kale. Qalabka kala duwan ee ciyaartan loo adeegsado waxaa ka mid ah, buun, sharaqi iyo Malkad. Raggu waxay ciyaartan u xidhaan maro weyn oo tarash leh oo la jeeniqaarto, funaanad iyo biid madaxa lagu xidho.

Ciyaarta Istunka oo hiddo iyo dhaqan u noqotay dadka deggan gobollada Banaadir iyo Shabellada Hoose, gaar ahaan marka loo dabaaldegayo Ciidda Neyruus ama Ciida Dabshidka, ayaa reeraha oo dhan dab shitaan (taasoo ah maalinta koowaad ee sannadka cusub ku beegan). Dadka oo idil, lab iyo dheddigba waxay ka boodaan dabkaasi iyagoo weliba ku ducaysanaya:

Ilaahayo noo dhaaf
In aan gaarno ciiddan ciiddeeda
Iiddan iiddeeda Allow na gaarsi
Iidda ka Shaato Allow na gaarsii.
Dabkan dabkiisa Allow na gaarsii.

Ducadan oo dadka deggan labadaasi gobol ku ducaystaan, waxaa inta badan ku xiga inuu da’o toddobaadkaas roob loo yaqaan Roobkii Dab-demis. Dabadeedna waxaa caado u noqotay dadka reer Afgooye inay bannaanbax dhaqan ay sameeyaan iyagoo ku bishaaraysanya biyo keendida Webiga Shabeelle oo waraabiya isla markaasna barwaaqeeya beerahooda oo ay shaftaan sannadkiiba laba jeer. Webiga Shabeelle waa lafdhabarka noloshooda, wuxuuna u joogaa maqaamka uu Webiga Niil u joogo dadka Masaarida ah.

Ciyaarta istunku sida ciyaaraha kale ee dalka laga ciyaaro, waxay leedahay sharciyo waajib ku ah qofka ka qayb gelaya. Sharciyada la doonayo in aan lagu xadgudbin waxa ka mid ah:

1) Ulaha la isku tumayo oo dhumucdooda la xaddido.

2) Labada kooxood waxay guuldarradu raacaysaa kooxda laga dib mariyo ama la dhaafsiiyo calaamaddii loo jeexay sida xarig jiidka.

3) Cadadka labada kooxood oo la isla ekeeysiiyo.

4) Maamulka iyo dhowritaanka sharcigana waxaa loo xil saaraa guddi ay labada kooxood doorato.

XIISAHA CAYAARTA ISTUNKA

Sannad kasta mar ayaa waxaa loo dabbaaldegaa cayaarta xiisaha badan ee loo yaqaan “Istunka” ee aycaanka  ku tahay magaalada Afgooye. Iyada oo ay magaaladaasi noqoto marka ay ugu mashquulsantahay uguna dad badan tahay, maadaama ay isugu imanayaan daawadayaal iyo ciyaartooy iyagu meelo kale ka kala yimid, si ay uga qayb qaataan cayaartan cajaa’ibka leh ee ulaha laysla dhacayo. Istunka waxaa lays tumaa saddex maalmood oo isku xigta. Maalinta ugu horreysa waxaa la billaabaa galabnimada. Dagaalkan cayaareed waxaa iskaga hor yimaada kooxo dhawr ah oo kala deggan webiga magaalada kala badha labadiisa dhan oo kala ah Bari iyo Galbeed.

Dhan walba kooxaha ka tirsan waxay sameeyaan diyaargarow, ayagoo isugu yimaada shirar ay uga hadlayaan hadba sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyin ku saabsan dharkii la xiran lahaa iyo wakhtiyadii la bilaabi lahaa shiribka. Shiribka waxaa la billaabaa bil ama laba bil ka hor inta aan istunka la gaarin waxaana la shirbaa habeenkuu Jimcuhu soo galayo, maadaama maalinta Jimcaha ah laga nasto shaqada beeraha. Marka ay ka dhiman tahay 7 maalmood waxaa dhacda in ay timaado kala jiidasho lagu samaynaayo laashamiinta shirbaysa kuwooda aftahanka ah ama murtida wanaagsan leh, waxaana loo sameeyaa casuumado iyo ballanqaadyo si ay xirfaddooda xagga shiribka u soo bandhigaan marka xilliga istunku la gaaro. Koox walibana inta ay isu timaaddo ayay ka soo gudubtaa wabiga iyadoo ku shirbeysa, geesinimo iyo ammaan, kuna xifaalaynaysa waxyaabihii dhalliisha mudnaa ee ay kooxda kale ku kacday istunka inta uusan soo dhowaan ka hor. Erayada ama heesaha lagu shirbo waxaa ka mid ah:

Aay ulay ma oodno, albaabna ma saarna
Ninkii isku aado waa imaan karaa
Ruuxa gooye Rabbi waarye
Ka ma roorayo- ha roorin!
Walaalkisa ka roorow wadne weynaan
Waaga laga waaye waaratiina

Front Cover #2 (1)Habeenka ugu xiisaha badan shiribka waa habeenka loo yaqaanno “Dhafarka”. Waa habeen shirib baallaran laysugu soo baxo, hoggaamiyayaalna ay ka yihiin aftahanno ku xeel dheer shiribka oo la yiraahdo “LAASHIN”. Raggii laashimiinta ugu caansanaa shiribka xilliyo kala duwan waxaa ka mid ah Sacdi Muumin Xasan, Xasan Abuukar, Maxamed Cali Cismaan, Cabdullahi Soomow (Ul-qalin), Cismaan Caddow, Murriidi Maaxi Muumin, Cumar Baharow Cali , Aadan Bilaal Cabdalla (Oomane) iyo Cumar Barrow.

Dadka aalaaba taga istunka waxay si fudud u fahmi karaan in uu istunku billaabanayo isla marka ay isha ka qaadaan ninka yeerinaya siimbaarta calaamadda u ah marka la dagaal gelayo. Koox walba ayadoo ulohooda u diyaar yihiin ayay soo aadaysaa kooxda ku beegan. Islamarka foodda lays geliyaba waxaa garoonka ka kacaya boor iyo siigo, waxaana dhacaya qaylo  isugu jirta carrabdhaw iyo guubaabin ay sameeyaan dumarka ka kala socda xaafadaha isu awood sheeganaya ee dagaalamaya. Alalaaska dumarku waxay qiiro galinaysaa ragga oo ayagana iska illalinaya in ay dib u soo gurtaan. Marka muddo daqiiqado ah uu dagaalku socdo, oo la is uleeyo; ayaa la kala qabanayaa koox walbana waxay ku soo noqonaysaa xaafaddeeda iyadoo shirib iyo saanta laysla helayo waxaana dagaal kale laysugu soo noqdaa maalinta labaad oo lays tumayo subaxnimada. Maalinta labaad istunka wuxuu leeyahay xiiso gaar ah maxaa yeelay qofkii maalinta hore wax gaareen wuxuu isku dayayaa in uu isagana maanta aarsado. Waxaa kaloo iyana muhiim ah istunka ka dib oo la soo bandhigo cayaaro ku saabsan dabbaaldegga iyo damaashaadka istunka ee reer Afgooye soo bandhigaan sannadkiiba mar ayagoo xusaya cayaartan istunka iyo kuwa la xiriira oo ay ka dhaxleen awooweyaashood ilaa iyo haddana si isdaba joog ah loo qabto. Galabminada cayaaraha la cayaaro waxaa ugu xiiso badan looguna jecel yahay cayaarta la yiraahdo “AW-DAANGOOLE”. Ciyaarta waxaa wada cayaara wiilal iyo gabdho.

W.Q. Cabdullaahi Axmed (Soomaaliyow}
Email: amaansan@gmail.com