by Jibril Osman
Qoyska Xasan Maxamuud Goodax wuxuu tan iyo shantii bishan uu wajahayaa hoy xumo iyo cunno yari. Waxaa saameyn ku yeeshay fatahaad uu sameeyay wabiga Shabeelle. Waxay dantu ku qasabtay inay ka barakacaan deegaan la yiraahdo Bacaad oo magaalada Baladweyne u jira 23 km.
Xasan oo ah beeraley ayaa tilmaamay inaysan wax raashiin ah u oolin guriga, balse maalinkii hal waqti ay dabka ku shitaan raashiin ay ku caawiyaan dadka ku nool deegaanka Guryo-cade oo uu ku soo barakacay.
Qoyskiisa oo ka kooban isaga, xaaskiisa iyo toban carruur ah ayuu sheegay in aysan haysan hoy ay ka galaan roobka, qabowga iyo qoraxda maalinkii.
“Hal geed jinni oo caleenba aan laheyn hoos tiisaan ayaan joogaanaa.Hoy malahan, musqul malahan, caawa hadduu roob yimaado celin maayo. Marka xaaladdu caadi maahan. Quruxdo markey soo baxdana meel lagaliyo malahan carruurta.”
Xasan ayaa sheegay in barakaciisu uu ku soo beegmay xilligii ugu muhiimsanaa ee tacbashada beeraha, maaddama xilli roobaad lagu jiro, balse uu ku qasbanaaday, markii biyo xooggan ay soo galeen gurigiisa oo ahaa jiidgad.
Musiibada saameyay oo uu sheegay inay aheyd mid aysan u sii diyaar garoobin ayuu tilmaamay inuu awoodi waayay inuu ka bad-baadsado agabkii guriga oo iskugu jiray hu’, weelkii cuntada iyo kii jiifka.
Qoyskiisa oo faro-maran ayuu sheegay inuu kula soo cararay gaari uu $50 ugu kireeyay nin ay qaraabo yihiin.
Ninkan ayaa xusay in fatahaadda uu ku waayay beer afar hektar ah oo ay uga baxayeen dalagyo uu ku beeray horraantii bishii Feberaayo, kuwaas oo kala ah qare, batiiq iyo yaanyo.
Qarashka uu galiyay dalaggan ayuu sheegay in uu dayn ku lehay isla markaana dadkii siiyay ay ka sugayaan, taasi oo walwal ku haysa. Raadiyow Ergo ayuu u sheegay in filashadiisii hore ay badashay marxalad uu xusay in ka soo kabashadeedu ku adag tahay.
“Beertii waa biyaysan tahay. Wax laga soo bixiyay malahan, qarashna ma harin oo haddii biyuhu ka baxaan wax qarash ahoo lagu falo malahan. Abuur malahan.”
Xasan ayaa tilmaamay in deegaanka uu joogo oo ah mid yar aysan ka jirin fursado shaqo oo uu ka sii dabbaro nolosha reerka, kii uu ka yimidna uusan hadda ku noqon karin fatahaadda wabiga oo wali socota awgeed.
Qoysaska arintan saameysay oo degganaa hareeraha wabiga waxaa il dhaqaale u ahaa beeraha oo ay noloshoodu ku tiirsaneyd.
Carabo Cumar Cabdulle waxay ka mid tahay beeraleyda daadku u geystay burburka hantiyeed ee hadda wajahaya hoy xumo iyo cunno yari. Aqal cooshad ah oo aan xajin karin qoraxda, qabowga iyo roobka ayaa hoy u ah, kaas oo ay ka dhisatay deegaanka Shiir-Kaneeco oo ay soo dagtay tobankii bishan, markaas oo ay ka soo barakacday tuulada Leeboow.
Waxay sheegtay in horraantii bishan uu qoyskeedu ahaa midaan ka warwarin hilitaanka cuntada dabkana ay shidan jireen saddexda waqti, balse hadda ay hal waqti karsadaan raashiin uu deyn ugu soo qaaday nin qaraabo la ah, kaas oo ahaa 45 kiilo oo ka kooban bur, bariis iyo sonkor.
Waxay xustay in aysan ku filnayn toban beri oo hadda kadib ah raashinka u haray. Maal maha xiga iyo siday u maareyn doonto nolosha waa walaaca ay qabto Carabo oo ah hooyada 12 carruur ah.
“Ilmahaas qoraxda iga joogo oo raashiin ii haysanin ayaa nolosheenna ugu daran. Wax yaalahaas ayaa iska jirta Ilaahay waa naga bixin karaa.”
Carabo ayaa sheegtay in caqabadaha ee haysta ay ka mid tahay helitaanka biyaha oo ku adag. Deegaanka ayay xustay inuusan laheyn ceel biyood, balse dadku ay cabaan biyo barkado ay ku keydsadaan iyo kuwo booyado ay ka soo dhaamiyaan masaaso u jirta illaa 20km.
Fuustadii ayay sheegtay in lagu iibinayo $3, taas oo aysan awoodin darteed waxay xustay in dantu ku qasabtay inay cabaan biyo ay sheegtay inay wasaqoobeen, kuwaas oo roobka guga ka dhashay kuna jira dhul gudan ah oo deegaanka ku yaalla.
Carabo ayaa sheegtay in fatahaaddu ay ka jartay beer shan hektar ah oo ay beertay bartamihii bishii Diseembar ee sanadkii hore. Dalagyada uga baxayay oo ahaa yaanyo, qare, bocor, basbaas iyo basal ayay xustay in korriimada ay dhammeysteen, balse nasiib darro xilligii gurashada ay biyuhu galeen.
Waxay intaas ku dartay in beertu aheyd isha kaliya ee dhaqaale ee qoyskeedu ku tiirsan yahay. Seygeeda ayay tilmaantay inuu yahay waayeel xanuunsan oo aan shaqeyn.
Guud ahaan qoysaska ku barakacay fatahaadda ayaanan helin gargaar sida ay sheegtay wasaaradda gargaarka iyo maareeynta musiibooyinka maamulka Hirshabeelle.
Cabdisalaan Faarax Axmed oo ah isku-duwaha wasaaraddaas ee gobolka Hiiraan ayaa Raadiow Ergo u sheegay in qoysaskan ay yihiin kuwo jilicsan oo u baahan in deg deg looga caawiyo cuntada iyo hoyga. Wasaaradda ayuu tilmaamay inaysan hadda ka jawaabi karin baahidooda.
“Waxaana soo ogaanay oo aan kasoo qornay baahiyaha ugu daran xaalada ay ku sugan yahiin dadkaasi. Madaama ay wasaarada meel waxba u uulin waxaan arintaasi la wadaagnay madaxda Hay’adaha samafalka, Maamulka Hirshabeelle, iyo Dowlada Soomaaliya. Runtii ka wasaarad ahaan waxaa naga go’an in dadkaasi gurmad deg deg ah oo dhinacyada Hoy’ga, Cunada iyo Biyaha laga Caawiyo.”
Cabdisalaan ayaa sheegay in deegaanada ugu badan ee laga barkacay ay kala yahiin Bacaad, Qooqane, Garaash, Leeboow iyo Shiniile. Dadka deggan dhulka gudanka ah ee wabiga Shabeelle u dhow ayuu ugu baaqay in taxadar dheeraad ah ay muujiyaan.
Xigasho: Radio Ergo
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.
WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.
WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.
Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved