Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Gorfeynta Buugga: Elmi’s Medical Encylopedia

Qoraha Buugga:  Dr. Leyth Guuleed  Cilmi 

Gorfayntii: Dr. Yaasiin Maxamed Cabdi 

Hordhac

Dr. Leyth Guuleed Cilmi, waxa uu dhowaan qoray buug muhiim ah oo la magac-baxay Elmi’s Medical Encylopedia. Waa buug aan noociisa hore loogu arag maktabadaha iyo  fagaarayaasha bandhigyada buugaagta Soomaalida. Elmi’s Medical Encylopedia waa Qaamuus aqooneed mug leh oo la xidhiidha cilmiga daawada ama daawaynta xanuunnada, cudurrada iyo dhaawacyada. Waxa uu ku qoran yahay  saddex luuqadood oo kala ah: Ingiriisi, Carabi iyo Soomaali. Waxa uu ka kooban yahay  ama ku jira in ka badan 8500 erey oo eraybixinta caafimaadka ah. Xagga tirada bogagga, waa 393 bog marka lagu daro  hordhaca iyo lifaaqyada. Sida uu qoraagu ku caddeeyey hordhaca buugga ama aad ka fahmaysid akhriskiisa, buuggan waxa loogu talogalay ardayda ka dhigata jaamacadaha cilmiga daawada iyo sayniska, dugsiyada kalkaaliyayaasha caafimaadka, machadyada daryeelka caafimaadka, dugsiyada sare, iwm ee dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba. Waxa sidoo kale, uu aad u anfacayaa xirfadlayaasha caafimaadka, hawlwadeennada wax ka tarjuma ama ka afceliya goobaha daryeelka caafimaadka iyo dhammaan cid kasta oo danaysa arrimaha caafimaadka.

Qaamuus aqooneedkani, waxa uu ka soo maaxday maskaxda caalim sare Dr. Cilmi oo aqoon gaar ah oo durugsan u leh maaddooyinka sayniska caafimaadka isla markaana khibrad sare iyo waayo-aragnimo ka badan 20 sano leh. Dr. Leyth Guuleed Cilmi, waa bare idman oo ka dhiga maaddooyinka Biological Science, Bioinformatics, iyo Mathematical Biology, jaamacado kala duwan oo ku yaal dalka Maraykanka. Dr.Cilmi waxa uu waxbarashadiisa ku soo qaatay University of St. Thomas, Rutgers University in New Jersey, Wright State University, Dayton.  Dr. Cilmi waxa uu aqoonta sare ka gaadhay shahaadada ugu sarraysa ee Post-doctoral-ka oo uu ku sameeyey CBRN (Chemical, Biological, Radiological and Nuclear Defense),  PhD (Doctorate)-ka oo uu ku takhasusay Biomedical Science, MSc  (Master)-ka oo ay daraasaddiisu uu gaadhay ahayd (Design and Development Digital Media), kolka lagu daro [Master] kale oo ku saabsan (Curriculum and Instruction), iyo shahaadada koowaad (Bachelor of Science) oo uu ku qaatay cilmiga loo yaqaan (Biochemistry).  Dr. Cilmi  waxa uu 20kii sano ee la soo dhaafay ka shaqaynaayey mashaariic (projects) la xidhiidha tayaynta, taaba-gelinta, iyo horumarinta barnaamijyada Biological Scienceka ee kulliyadaha waxbarashada sare, iyo tan ugu muhiimsan arrimaha barnaamijyada sida gaarka ah u khuseeya technology integration, immersive learning environment, mobile learning activities, iyo International collaborative learning opportunities.

Qaamuus aqooneedkan caafimaadku waa mid si weyn loogu jeellanaa helitaankiisa. Waayo, waxa baahi weyn loo qabaa fahamka caafimaadka iyo xanuunka. Sidaas awgeed, waa wax muhiim ah ama lagu farxo in la helo ereybixin caafimaad oo sugan iyo maclumaadka caafimaadka oo ku qoran luuqadda Af-Soomaaliga. Runtii, arrintani ma’aha hawl fudud waana wax ka miisaan weyn qof iyo labo. Waa barnaamij ay dawlad iyo hay’adaheeda kala duwani hirgelin karaan ama fulin karaan. Ereybixinta caafimaadka ee af-Soomaaligu weli waa qabyo. Waagii la qoray afka Soomaaliga aqoonta caafimaadka iyo sayniskuba aad bay innoogu yaraayeen marka maanta loo eego.  Hadda waxa jira Soomaali badan oo rag iyo dumar ah oo maaddooyinka waxbarashada ka gaadhay heerarka ugu sarreeya aqoonta (doctoral levels), in kastoo wax soosaarkoodu yar yahay oo ay ku dabran yihiin dalalka shisheeyaha duruufaha Soomaaliya ka jira awgood.

Xilliga hadda lagu jiro horumarinta cilmiga iyo afka Soomaaliga, waxa curyaamiyey burburka ku dhacay ummadda Soomaalida iyo nidaam la’aanta soo wajahday taas oo keentay in xataa jiritaankii afka Soomaaligu uu sii dabar go’aayo. Sidaas darteed, meelaha luuqadda Soomaaligu ka jabtay waxa ka mid ah u adeegsiga afka Soomaaliga ereyada daryeelka caafimaadka kuwaas oo loo isticmaalo siyaabo khaldan ama aan habboonayn. Waxa intaas raaca, in af Soomaaligu yahay luuqad reer guuraa oo uu ka madhan yahay ama ay ku yar yihiin ereyada loo isticmaalo cilmiga gaar ahaan sayniska caafimaadka iyo technolojiyada casriga ah. Dhammaan arrimahaasi waxay sababeen in lagu jaah-wareero adeegsiga afafka qalaad iyo af Soomaliga gurran ama gurracan ee aan is lahayn. Isticmaalka magacyada iyo ereyada caafimaadka ee aan saxda ahayni waxay horseedi kara inay gudbiyaan farriin khaldan iyo waxan loo jeedin. Waxa tubta toosan ah, in la baadho oo la fahmo ereyada noocyadaas oo kale ah si loo gaadho ujeeddadii iyo hadafkii la rabay ama laga lahaa. Taasina  waxay suurtagal noqon kartaa ama iman kartaa, marka la helo buugag iyo Qaamuusyo sayniska caafimaadka ah oo ku qoran afka hooyo ee luuqadda Soomaaliga. Kuwaas oo sharraxaad iyo qeexitaan ka bixinaya ereyada muhiimka ah isla markaana iftiiminaya macnahooda iyo  adeegsigooda ama isticmaalkooda.

Xal u helidda dhibaatooyinkaas aan kor ku soo sheegnay, waxa dareen togan ka bixiyey Dr. Cilmi oo lulaha u qaatay isla markaana dhexda u xidhay soo saarinta  Qaamuus  aqooneed casri ah oo ku qoran afka hooyo. Waxa hubaal ah in Elmi’s Medical Encylopedia inuu kaalintaas bannaan si mug iyo misaan leh u buuxin doono isla markaana uu daboolayo baahiyo badan oo la xidhiidha fahamka mawduucyada aasaasiga ah ee ku saabsan sayniska caafimaadka. Waxa qoraagu si cilmiyaysan isugu dubbariday ereyada sayniska caafimaadka iyo macluumaadka ay xambaarsan yihiin. Wuxu sharraxaad faah-faahsan ka bixinayaa ereyo badan oo aynu si joogto ah ugu isticmaallo xaaladaha kala duwan ee caafimaadka iyo qaar innagu cusub. Waxa laga yabaa inay dad badani ereyada qaarkood u adeegsan jireen siyaabo aan sax ahayn ama khaldan iyo macnayaal aan ku habboonayn isticmaalkooda. Fahamka kelmadahaas iyo mawduucyadaas la xidhiidha ereybixinta sayniska caafimaadka ee ku duugan buugga Elmi’s Medical Encylopedia waxay akhristayaasha u sahli doontaa inay baahiyo iyo caqabado badan kaga baxaan buuggan kana faa’iidaysan doonaan, isla markaana ay la  jaanqaadi doonaan aqoonta casriga ah ee  sebankan iyo qarniga 21aad.

Ka hor Inta aynaan gudo gelin buugga, waxa mudan inaan is xusuusinno waxa ay ku kula duwan yihiin ama farqiga u dhexeeya Dictionary iyo Encylopedia. Dictionary ama Abwaanary/Qaamuus waa buug qora luuqad ereyadeed si isku daba-tax ah alif ilaa ba’ada, macne, hab ku dhawaaq, iyo xogo kale oo badan. Tusaale ahaan, English-Somali Dictionary translates English words into Somali. Dictionary, waxa kale oo uu noqon karaa diiwaan ama buug xog goonni ah ururiya/aruuriya, tusaale ahaan,  A Dictionary of Somali Proverbs. Si kale, haddii loo dhigo Dictionary ama Qaamuus waa buug ama agab elektiroonig ah oo liis gareeya ereyada luuqad (sida caadiga ah alifbeeto ahaan) oo macnahooda ku siinaya, ama ku siinaya ereyo u dhigma luuqad kale, badiyaa sidoo kale wuxu bixiyaa macluumaad ku saabsan ku dhawaaqa, asalkooda, naxwahooda iyo adeegsiga ereyadaas. Guud ahaan marka laga hadlayo, Qaamuusyadu waxay bixiyaan macluumaad luuqadeed oo ku saabsan ereyada laftooda iyo macnehooda. 

Dhanka kale, Encylopedia waa buug ama buugaag silsilad xidhmooyin ah oo xog ka ka bixiya dhammaan laamaha aqoonta ama xog guud oo badan haya. Encylopedia waxay ka bixiyaan ama laga helaa macluumaad ku saabsan maaddooyin badan ama dhinacyo badan oo ku saabsan hal maaddo oo sida caadiga ah qaab alif ah ama xuruuf ahaan  ah loogu diyaariyey. Encyclopediayadu waxay diiradda saarayaan waxa ereyadaasi u taagan yihiin iyo qeexitaankooda oo faah-faahsan ama la balbalaadhiyey. Qaabka xarfaha ku jira Qaamuus aqooneedka,  si xaraf raac ah ama alif-ba’da ah ayay u kala soocan yihiin waxaana erey kasta loo sharraxay si cilmiyan ah. Mararka qaarkood waxa laga yaabaa in ka hadalka iyo faah-faahinta hal erey iyo mawduuciisu inay qaadato ama ay buuxiso dhawr bog oo qoraal ah. Buugagga Encyclopediayadu waxay isku dayaan inay aqoonta ku soo koobaan maqaallo gaagaaban iyaga oo dulmar guud ka bixinaya mawduucyada iyo inay jawaabaha ku soo koobaan qaab xaqiiqooyin fudud ah. Taariikh ahaan, Cali Ibn Rabban Al-Tabari, oo ahaa caalim diinta Islaamka ah iyo dhaqtar caafimaad ayaa qarnigii 8aad soo saaray medical encyclopedia-yadii ugu horreeyay ee caafimaadka kaas oo ka koobnaa dhawr qaybood oo ah cilmiga sayniska caafimaadka. Qaamuus aqooneedkaas caafimaadka waxa lagu magacaabi jiray Firdous al-Hikmah ama Paradise of wisdom. Ereyga ama kelmada  encyclopedia waxaa laga soo qaatay Greek (enkyklios paideia), kaas oo macnahiisu yahay waxbarashada guud (General education). Sidaas darteed, Qaamuus aqooneedyada wax baa laga bartaa waxana loo isticmaalaa waxbarasho ahaan.

Elmi’s Medical Encylopedia

Haddii aan hore u gudagalno ama u gondadegno  buugga iyo nuxurkiisa, waa buug  dhif iyo naadir ah oo aan hore cid kale u qorin noociisa oo kale inta ogaalkayga ah.  Elmi’s Medical Encylopedia, waa Qaamuus aqooneed sayniska caafimaadka ah oo ku qoran af Ingiriisi, Carabi iyo Soomaali. Waxaad ka helaysaa ereybixinta qaybaha sayniska caafimaadka oo  si dhammaystiran u qeexan isla markaana si cilmiyan ah oo hagar la’aan ah loo diyaariyey. Erey kasta oo Ingiriisi ah waxa ku xiga macnihiisa oo luuqadda Carabiga ah iyo macnaha la midka ah oo af Soomaali ah. Intaa waxa raaca ereyga macnihiisa ama wax u dhigma oo qeexitaankiisa ah iyo macluumaad dheeri ah oo la xidhiidha mawduuca iyo xaaladaha caafimaad ee laga hadlayo ama eraybixintu ku saabsan tahay. Elmi’s Medical Encylopedia, waa tixraac aad u wanaagsan oo dhaxalgal ah oo uu  Dr. Leyth Guuleed Cilmi ugu talogalay inay ka faa’iidaystaan ardayda iyo shacabka Soomaaliyeed. Qaamuus aqoooneedkan, Dr. Cilmi waxa uu si xirfad leh ugu sharraxayaa ereyo badan oo sayniska caafimaadka ah kuwaas oo ardaydu fahamkooda baahi weyn u qabeen. Qaamuus aqooneedkani sidoo kale, waa kayd ama khayraad aqooneed cajaayib/cajaa’ib leh oo loogu talogalay dadweynaha guud ahaan kuwaas oo si fudud u xiisayn doona macluumaadka faraha badan ee ku duugan buuggan.

Dr. Cilmi waxa uu u habeeyey  sharraxaadda iyo faah-faahinta ereybixinta caafimaadka sidii ururinta qoraallada akhriska, waxana uu ku xoojiyay ereyo cilmi ah oo ku saabsan mawduucyada kala duwan ee ku saabsan maaddooyinka cilmiga caafimaadka ee casriga hadda lagu jiro la xidhiidha. Tusaale ahaan: Aids, Alcoholism, Alkalosis, Allergy, Anatomical, Antibody, Bacteriology, Biopsy, Blood pressure, Breast cancer, Cancer, Chemotherapy, Communicable disease, Dehydration, Diabetes, Dialysis, Echography, Eclampsia, fertility, Genetic, Geriatric, Hormonal, Hemophilia, Immunisation, Infection, Jaundice, Leukaemia, Mental, Mutation, Obesity, Pathology, Pshycosis, Quarantine, Resuscitation, Stress, Stroke, Toxicology, Vaccine, Weight gain, Zoonosis, iwm.  Sida ay muujinayaan ereyadan xagga sare ku qorani,  Dr. Cilmi qoritaanka iyo soo saarista buugga wuxu ku sameeyey aqoon baadhis qoto dheer iyo ogaal-ururis badan.

Sida aan kor ku soo aragnay, Dr. Cilmi wuxuu si fiican oo wax ku oolnimo ah xoogga u saaray soo ururinta iyo soo  xulista ereyada  muhiimka ah iyo sharraxaadooda kuwaas oo uu u soo bandhigay qaab fudud oo farshaxannimo ku dheehaan tahay. Qaamuus cilmiyeedkani waxa uu siinayaa akhristayaasha xiisaynaya cilmiga sayniska caafimaadka iyo laamihiisa kala duwan aqoon caafimaad oo ka soo burqanaysa il keliya oo si fudud loo fahmi karo, la heli karo, oo si aad u wanaagsan loo qoray. Ereybixinta caafimaadka iyo faah-faahinta macnahooda waxa  ay u nidaamsan yihiin sida ay xarfuhu isugu xigaan (alphabetical order), erey kastaana waxaa la socda boggiisa ugu dambeeya tixraacyada/raadraacyada (references/bibliography) mawduucyada iyo ilaha xogta ama macluumaadka la xiriira laga heli karo kuwaas oo loogu talogalay akhris dheeri ah oo ku saabsan mowduucyada kala duwan ee xarafku ka hadlaayo. Ereyada qaarkood gaar ahaan kuwa muhiimka ah waxa ay leeyihiin ereytus (index) muujinaya ereyga buugga ku qoran iyo bogagga kale ee laga heli karo haddii loo baahdo.  Qorista habkan oo kale ah, waxa ay muujinaysaa in Dr. Cilmi buugga qoristiisa waqti badan iyo maskax toojis dheeraad ah geliyey soo saarista iyo diyaarinta buugga. Waxadna mooddaa inuu Dr. Cilmi dareensan yahay baahida loo qabo buugaag noocan oo kale ah.  Waxa xaqiiq ah in baahi weyn loo qabo buugaag cilmiga ah gaar ahaan kuwa  sayniska iyo sanaaciga. 

Elmi’s Medical Encylopedia, waa buug kooban oo  macluumaadka iyo xogta ku jirtaa ay aad  u qaro weyn yihiin. Wuxu ku qoran yahay af-Soomaali fudud oo la wada fahmi karo,  aqoonta iyo cilmiga ku qoran iyana waa mid qofka caadiga ahi uu si sahlan u garan karo. Waxa intaas u dheer waa buug yare jeebka lagu qaadan karo oo meel walba lagu akhrisan karo ama loo qaadan karo haddii loo baahdo.  Waa buug mustaqbal fiican leh oo si intan ka mug iyo qaro weyn looga gudbi karo daabacaadda labaad taas oo ah mid baahi weyn loo qabo. Daabacadda hadda waa ibofurkii, waayo waa markii ugu horeysay ee Qaamuus aqooneed noocan oo kale ah cidi soo saarto. Tallaabadaas Dr. Cilmi horseedka u noqday waxan rajaynaynaa inay cariso ama godliso maxkaxo fara badan oo ay soo baxaan buugag cilmi ah oo tayo iyo tiroba leh kuna qoran afka hooyo. Waayo, murtida Soomaaliyeed ayaa inna faraysa in biyo gacmahaaga lagaga dhergo iyo inaan  af qalaad aqoontu ahayn.

Elmi’s Medical Encylopedia, runtii  waa buug aad loo tifaftiray oo guud ahaan aan lahayn wax badan oo goldaloolooyin ah. Waxa jira waxyaabo yar yar oo u badan khalad xagga daabacadda ah, higgaadinta, macnaha ereyada iyo macne aan ku habboonayn oo aad  meelaha qaarkood ku arkaysid. Taas oo ah mid laga filan karo daabacaadda koobaad ee buug kasta gaar ahaan buug cilmi ah oo lagu qoray luuqad kale.  Haddiise laga tegi waayo waxyaabaha lagu dhaliili karo  ama qadafka ah ee ku qoran Qaamuus aqooneedkan,  waxa ugu weyn ereyada af guriga ah ee qoraagu qaybo badan oo buugga ka mid ah aad ugu isticmaalay sida ereyga gaadh oo laga yaabo  in degaannada Soomaalida qaarkood lagu yara jaahwareero. Gaadh oo inta badan Soomaalidu u taqaan gaar ama khaas ah (sida  Radio Muqdisho, barnaamaj gaar /khaas ah). Gaadh waxa la isku khaldi karaa ilaaliye/waardiye ama qof meel gaadh ka haya. Laakiin qoraagu wuxu u jeedaa gaar oo qofka af yaqaanka ahi waa fahmayaa ama ku nool degaannada gaar looga yaqaan gaadh. Sidaas awgeed, waxa qurux badnaan lahayd in Dr. Cilmi isticmaalo ama adeegsado ereyga gaadh ama gaar si cid waliba u fahamto ujeeddada. Waxa kale oo ka mid ah, ereyada af guriga ah sida cirbado (oo inta badan loo yaqaan irbado), biidhid (biirin), qanjir (qanjidh), iwm.

Intaas waxa sii raaca, meelo kooban oo ay ishaydu ku dhacday intaan dhex maraayey buugga oo aan is leeyahay waxa habboon ama loo baahan yahay in dib loo eego ama la saxo haddii ay qumanaato. Ereyada xagga macnaha Soomaaliga ama sida guud ahaan loo yaqaan ay isku yara dhex qasan yihiin  waxa ka mid ah:

  1. Chickenpox iyo Smallpox waxa qoraagu labadoodaba ugu wada  yeedhay Busbus. Chickenpox waa Busbus, waxa kale oo loo yaqaan Hablobaas iyo Furuq-biyood. Smallpox  waa Furuq, waxa kale oo lagu magacaabaa Fanto.
  2. Dysentery waxa qoraagu ku sheegay shuban, qulqul. Waa sax laakiin shuban iyo qulqul waa astaan ama calaamad lagu arko cudurrada ama xanuunnada shubanka leh oo dhan sida Daacuunka iwm. Dysentery waa Xundhur, waxa kale oo la odhan karaa axal dhiig oo looga jeedo labaad nooc ee Dysenteryga (bacterial dysentery iyo amoebic dysentery). Bacterial dysentery shubanka waxa la socda dhiig halka Amoebic dysentery uu la socdo shubanka axal.
  3. Amenorrhoea waa saxa sida qoraagu u sheegay ama u sharraxay macnaha. Laakiin waxa lagu garan  og yahay Cisogoys ama Caadodaah.
  4. Anthrax waxa qoraagu ku magacaabay Dhimbil-dixeed. Waa sax sharraxa qoraalku laakiin weligay ma maqal Dhimbil-dixeed. Anthrax waa cudurka loo yaqaan Kudka. Badanaa geela ayuu ku dhacaa (geeljiruhu wuxu geela ku habaaraa Kud Iyo Kaare ku dil).  Meelaha qaar waxa looga yaqaan  Qanje.
  5. Parasite waxa qoraagu ku sheegay Gooryaan. Gooryaanku waa ka mid noocyada parasiteka, Parasite waa Deriskunoosha ama Dulinka.
  6. Meningitis sida qoraagu u sharaxay waa sax laakiin magaca rasmiga ahi waa Qoorgooye.
  7. Pancreas sida qoraagu u sharaxay waa sax laakiin magaca rasmiga ah ee loo yaqaan xubintan waa Ganaca.
  8. Pneumonia waa sax sida qoraagu u sharaxay laakiin magaca rasmiga ahi waa Jeeni-wareen/Oof-wareen. Waxa  kale oo loogu yeedhaa Wareento.
  9. Whooping cough waa sax sida qoraagu sheegay, Xiiq-dheer. Waxa kale oo qoraagu sheegay in loo yaqaan kaf, hore uma maqal laakiin waxa kale oo guud ahaan loo yaqaan Kix.
  10. Syphilis waa sax magaca waraaboow. Waraaboow waxa looga yaqaan gobollada koonfurta Soomaaliya, Xabbad ayaa looga yaqaan gobollada waqooyi/Somaliland, Bajo ayaa looga yaqaan gobollada Soomaalida ee Ethiopia. Waxa kale oo loo yaqaan Isfiilato.
  11. Endocrine waa sax sida qoraagu u sharaxay laakiin magaca rasmiga ahi waa qanjidhada marinka la’a (ductless glands).
  12. Positive: waa sax sida qoraagu u sharaxay laakiin  ereyga Habban hore uma maqal.  Magaca rasmiga ahi waa Togan halka negative ka yahay taban.
  13. Infection: waxa qoraagu ku magacaabay Caabuq iyo Fasfas. Waa sax sharraxa qoraalku laakiin Caabuq waa nabar xumaaday ama bukooday oo dheecaan/hurgumo yeeshay ama malaxi (pus) gashay (infected wound/abscess). Infection ama eadwaa (عدوى) waa cudur waxana sababa noolaha yar yar ee ili-ma’aragtayda ah (microorganisms/microbes) ee loo yaqaan jeermiska (germs) gaar ahaan kuwooda cudur dhaliyayaalka ah (microbial pathogen).

Ereyga caabuq waa mid soo jireen ah, asalkiisu wuxu ka soo jeedaa ama ka yimid dhankaa iyo baadiyaha ama miyiga. Xoola dhaqatada  iyo dadka reer guuraaga ah  ayaa ku isticmaala marka neefka xoolaha ah ay raafuhu dillaacaan ama nabarrada addimadu bukoodaan ama boogta yeeshaan. Caabuq, waa magaca ay ku sifeeyaan nabarrada xumaada ee hore u bogsan waaya iyo kuwa soo baxa ah ama boogta noqda ee xoolaha lagu arko.  Sidaas awgeed, dadka xoolo dhaqatada ah ayaa magaca caabuq u bixiyey xaaladdaas. Waa sidaas, sida uu magacani ku yimid magaaladana ku soo gaadhay aakhirkii. Ereyga caabuq markii magaalooyiinka la degay ama uu soo gaadhay xagga benderka wuxu noqday erey af suuqdi ah oo aan loo aabbe yeelin. Laakiin nasiib wanaag kama mid noqon ereyada sida joogtada ah lagu isticmaalo xagga hannaanka caafimaadka, warbaahinta,  maamulka, iwm.  Nasiib darro waxa kelmadda caabuq isticmaalkeedu bilaabmay wixii ka dambeeyey burburkii dawladdii Soomaaliya iyo xilligan warbaahinta baraha bulshadu ay aqoonta iyo wararka hagaan ama laga soo xigto. waxa adeegsigiisu soo shaac baxay muddo ku siman dhawr iyo toban sano oo aynu aad uga dhegaysannay warbaahinta qaybaheeda kala duwan gaar ahaan raadiyaha iyo telefishannada. Haddaad dib u eegtid hore loogama maqli jirin qaybaha warbaahinta iyo bulshada toonna. Markii ugu horraysay ee sida aadka ah loo istimaalay waxay ahayd xilligii  2013/2014 ee cudurka Ebola fayras ka dillaacay galbeedka Afrika.

Dr. Cilmi wuxuu aad ugu dedaalay inta karaankiisa ah inuu turxaanbixiyo Qaamuus aqooneedkan sayniska caafimaadka. Waxa uu sida ugu habboon ee ugu quman cilmi ahaan ugu sharraxay ama u faah-faahiyey dhammaan ereybixinta caafimaadka ee ku jirta buuggan. Keliya waxa qummanaan lahayd in meelaha uu qoraagu ku bilaabay sharraxa ama qeexitaan qudhaata ama keliya inuu ugu horraynta sheego magaca  Soomaali ahaan loo yaqaan, intaa ka dibna uu raaciyo sharraxaadda uu ka bixinaayo ereyga laga hadlayo si ay akhristayaashu si fudud oo dhib yar ugu fahmaan. Waxa kale oo ka muuqaata buugga inaan qoraagu inta badan  tixraacin buugagga cilmiga ah iyo qoraallada ku qoran afka Soomaaliga ah. Waxa kale oo iyana jirta in  Elmi’s Medical Encylopedia uu u janjeedho ama u xaglinaayo dhanka akhristayaasha ku nool waqooyiga Maraykanka sida ku cad tusaalooyinka iyo lifaaqyada/ladhadhka (appendixes) buugga ku jira gaar ahaan lifaaqyada buugga dhammaadkiisa ah.

Qodobka ugu muhiimsan ee aan akhristayaasha dareensiinayaa ee mudan inay fiiro gaar ah u yeeshaan waa inay ogaadaan  inaan buuggani Qaamuus caadi ah  ama Dictionary ahayn laakiin uu  yahay Qaamuus aqooneed ku saabsan sayniska caafimaadka oo waxa laga hadlayaa yahay sayniska iyo ereybixinta caafimaadka. Marka labaad, bartilmaameedka akhristayaasha buuggani waa ardayda Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool gaar ahaan kuwa wax ku barta  luuqadda Ingiriiska ee aan afka hooyo aqoonta sare u lahayn.

Ugu dambayntii, aad iyo aad ayay u habboonaan lahayd haddii lagu dari lahaa Elmi’s Medical Encylopedia jaantusyo  iyo sawirro faah-faahin dheeraad ah ka bixinaya waxyaabaha muhiimka ah sida daawooyinka, tallaallada, xanuunnada iyo cudurrada kala duwan ee ku dhaca dhismaha jidhka aadanaha.  Jaantusyada iyo sawirradu waxay ka mid yihiin waxyaabaha ka  caawiya akhristayaasha xagga fahamka mawduucyada aasaasiga ah ee iftiimiya ama  fududeeya barashada maaddooyinka sayniska  gaar ahaa sayniska caafimaadka iwm. Waxan rajaynayaa in lagu dari doono daabacadaha mustaqbalka ama soo soocda. Marka laga tago dhaliilahaas yar yar  ee aan sare ku soo xusnay, sida xaqiiqda ah Qaamuus aqooneedkani wuxu noqonayaa buug lama huraan u ah ama lagama maarmaan u ah waxbarashada sayniska caafimaadka, xarumaha cilmibaadhista, xarumaha iyo goobaha caafimaadka.  Waxan hubaa inuu arday iyo akhristayaal fara badan ka haqab tiri doono baahi aqooneed oo ay u qabaan inay helaan Qaamuus aqooneed  casri ah oo ku qoran afka Soomaaliga.

Gunaanad 

Guntii iyo gebogebadii, waxan isla qirsannahay dhammaanteen sida aynu ku aragnay halista iyo dhibaatada cudurka COVID-19 ee adduunka gilgilay, in caafimaadku yahay waxa ugu muhiimsan nolosha aadanaha. Sidaas darteed, waxa hubaal ah in loo baahan yahay  macluumaad sax ah iyo weliba inay daruurri tahay in la fahmo xogtaas si loo isticmaalo ama loo adeegsado. Buugga Elmi’s Medical Encylopedia waa kaalinta uu buuxinaayo waxaana taas ka marag kacaaya dhumucda iyo mucda ay leeyihiin ereyada iyo faah-faahinta macnahooda ee buuggani soo bandhigaayo. Inta ogaalkayga ah sidaan hore u soo sheegay, ma jirto cid hore ugu dhiiratay qoritaanka buug noocan oo kale ah. Haddii si kooban loo qiimeeyo, waa buug cinwaaankiisa iyo buuggu ay is leeyihiin, dhumucda qoraalkuna ay noqon karto Qaamuus aqooneed,  farta uu ku qoran yahay waa mid ku habboon, ereyada, weedhaha, macnaha ereyada iyo qeexitaankoodu si sax ah ayay isugu xidhan yihiin. Waa buug duluc iyo ujeeddo wax gudbineysa oo laga faa’iidaysanayo xambaaarsan.

Dr. Leyth Guuleed Cilmi, waxa uu xoogga  saaray iftiiminta ereyada miisaanka leh ee sida caadiga ah maalin walba la isticmaalo. Waxa la socda macnahooda, qeexitaankooda, sharaxooda, faah-faafintooda, tusaaleyaal iyo tilmaamo wax ku ool ah oo ardayda u hawl yaraynaaya fahamkooda iyo adeegsigooda. Runtii waa buug waxtar badan leh isla markaana anfici doona jiilal badan.  Sidaas awgeed, waxan halkan hambalyo iyo bogaadin uga diraynaa walaalkeen Dr. Cilmi oo aan ugu hambalyaynayno  geesinnimada iyo dhiirranaanta  uu muujiyey soo saariista Qaamuus aqooneedkan oo ku soo beegmay waqtigii  baahidiisu ugu badnayd.

Elmi’s Medical Encylopedia waa aqoon iyo xog isku sidkan oo mudan in bulshadu si fiican uga  faa’iidaystaan sidaan aniguba uga faa’iiday. Waxan ku tilmaami karaa buuggan wehelka ardayda (The students’ companion) ama ifiye. Waa Qaamuus aqooneed lagama maarmaan ama ma huraan u ah inaan  arday ama macallin uusan ka maarmi karin. Dhan waa ka buug, qayb waa ka Qaamuus, docna waa ka Qaamuus aqooneed caafimaad (Medical Encyclopaedia) oo kooban.  Waa hal xidhmo oo mug leh oo  jeebka lagu qaadan karo isla markaana ku habboon in lagu isticmaali karo meel kasta. Ugu dambayn  waxan Dr. Cilmi ku dhiirigelinaynaa inuu dedaalka halkaas ka sii wado oo qoro buug kale haddii Alle idmo.

Qoraha Buugga: Dr. Leyth Guuleed Cilmi,

Daabacadda: NESCO  Press of  Minnesota, USA,  2020  bb. 393

Gorfayntii: Dr.  Yaasiin Maxamed Cabdi,

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.