Garoowe (WDN)- Fadhi uu maanta yeeshay Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa qodoba la xidhiidha doorashooyinka lagu ansixiyay, furista iyo wax ka badelka dastuurka Puntland.

Fadhigaasi oo ay soo xaadireen 60 xildhibaan oo ka mid 66 xildhibaan ee golahu ka kooban yahay, ayaa cod aqlabiyad ah 54 wakiilo ku meelmariyeen wax ka badelka dastuurka.
Qodobka 46 oo tirade xisbiyada ku soo baxaya doorashada ku koobayay 3 xisbi, ayaa la balaadhiyay, iyada oo lagu badelay dhamaan urur siyaasaddeedyadii ka qeyb galay doorashooyinkii golayaasha deegaanka.
Sidoo kale qodobka 64 ayaa la badaley, kaasi oo dhigayay in doorashada Madaxweynaha iyo M/xigeenka Baarlamaanku doorto, iyada oo lagu badelay in uu dadku toos usoo doorto.
Cod dhiibashada wax ka beddelka dastuurka waxaa u codeeyey 54 Xildhibaan, waxaa diidey 6 Xildhibaan.
Arinta doorashayinka iyo wax ka badelka dastuurka ayaa 20 Juun, 2023- ka dhalisay Puntland qalalaase siyaasaddeed oo dhimasho iyo dhaawac keentay, isla markaana sababtay in dib loo dhigo doorashadii golayaasha degaanka qaar kamid ah magaalooyin ka tirsan gobolka Nugaal.
WardheerNews