Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Gobannimo iyo Garasho

W/D: Idiris M. Cali

Dr. Maartin Luuder Kiing

Bisha koowaad, Sanni (Isniin) kasta oo saddexaad, waxaa dalka Maraykanka laga xusaa Maalinta Adeegga ee Dr. Maartin Luuder Kiing Yr. Yuu ahaa hanadkan madow, ee nabadda ka dhigtay gaashaanka, islamarkaasna ka tuntay galacyada uu cunsurigii nooga yureeyay?

15ka Jannaayo 1929 ayuu ku dhashay Adlaanta, Joorjiya. Waxaa iska dhalay wadaad iyo bare, Maartin Luuder Kiing Wy. iyo Albeerta Wiilyamis Kiing. Nolol ladan, buug akhris badan, ayuu ku soo koray, jeer uu kansho u helay inuu Jaamacadda Moorhaws iska xaadiriyo isagoo 15 jir ah. Wuxuu islahaa dakhtar ama qareen noqo, oo caafimaadka iyo sharciga ayuu jaamacaddaas ka bartay, balse wuxuu ugu dambayntii qaatay inuu wadaad noqdo, sida aabbihiis.

Jaamacadda Boston ayuu 1955 ka baxay, isagoo Dr. magiciisa laga hormarinayo. Intuu Boston ku sugnaa waxay is barteen, Koredha Iskood, oo ahayd heesaa wax ka baranaysay Jaamacadda Niw Iglan Koonseerfatori of Miyuusig. Magaalada Moongomeri, Alabaama ayayna ku aqal galeen 1953. Waxay magaaladaasi, isla sannadahaas, ahayd xudduntii kacdoonka dadka madow. Dr. Kiingna waxay u ahayd meel uu ka soo shaacbaxo, ka dib markuu majaraha u qabtay kacdoonkii lagu diiddanaa takoorka basaska, siiba markay Roosa Baarkis xabsi ku gashay diidmadii ay diidday inay kursigeeda u bannayso ninkii caddaa ee baska soo koray, dabayaaqadii sannadkii 1955.

Halkaas wuxuu Dr. Kiing kala soo baxay halkudheg ah “iska caabbin nabadeed” oo uu dadkiisa u laqimay si ay xuquuqahooda madaniga ah ugu soo dhacsadaan. Wuxuu toban sano iyo dheeraad dadkiisa ka dhaadhicinayay: guri aad qol kaga jirtaan oo dab meel ka haysto ha sugina inta uu dabkaas idiinku soo galayo qolkiinna, ee dabka bakhtiiya! Waa falsafaddiisan midka caanka ka dhigtay ee darteed illaa maanta loo xusayo! Wuxuuna ku helay billadda Noobalka ee Nabadda 1964.

Halkaas ma taagnaan, oo nin koraya buu ahaaye markuu “figta buurta” u baxay ayuu ogaaday in saddex arrimood dunidu u ciirayso: cunsurinimo (necbaanshaha midabka madow oo xitaa dadkii madoobaa lagu tallaalayo), ciidamin (dagaal joogto ah oo wadammada soo koraya lagu hayo) iyo cunaqabatayn (danyarta oo la gaajaysiinayo). Wuxuu ogaaday in dalkiisu saddexdaaas “cadow” dunida ku hoggaamiyo. Markaas buu u guntaday inuu dadkiisa ka waaniyo dhibahaas, oo uu lug ku maro 1965 magaalada Selma illaa magaalada Moongomeri, isaga oo ay weheliyaan mintidiintii madoobaa oo uu u horreeyo Kawaame Tuure.

Labo sano ka dib, 1967, ayuu cod dheer ku sheegay in dagaalka Fiidnaam uu Maraykanku ku qaaday xaqdarro yahay. Tan iyo markuu jeediyay qudbaddiisii caanka ahayd ee “Waxaan ku Riyoonayaa” ee 1963, oo ay FBI-da madaxdeedu qortay inuu yahay, “Neegarka ugu khatarta badan ee Ameerika,” waxaa isa soo taraysay necbaanshaha ay dadweynaha ladan ee Maraykanku nacayeen. “Runeey lagu neceb!” Haddaba, isagoo Memfis, Tanasii, ku sugan 4-Abriil-1968 ayaa waxaa toogtay nin loo soo diray inuusan dilin Dr. Kiing oo qudhee, balse uu aaso aragtidii Dr. Kiing ee uu maalmo ka hor u sheegay saaxiibkiis Haari Balafoonte, ee uu yiri: “dadkayga waxaan ku soo guray aqal gubanaya!”

Kaas buu ahaa Dr. Kiing. Iyadoon la illoobayn siduu nabadda u jeclaa, haddana aragtidiisan uu la dhiman doono waxay wax weyn ka baddali kartay aayaha dadka madow ee dalkan—aayaha dad kasta oo cagta hoosteeda lagu hayo, oo dunida ku dhibaataysan, Falastiinba ka bilow—oo illaa waagaas dhibban. Isagoon nabadda ka tanaasulin, haddana siduu gurigaas gubanaya nooga dooni lahaa inaan dabka ka daminno, misana ka dhiganno guri naga wada dhaxeeya oo aan lagu kala sarreynin, xaqiiqo waa mid uu ka soo dhalaali lahaa, haddaan la afjigin, oon la nololjarin.

Maanta, haddaba, maxaan ka baran karnaa Dr. Kiing iyo halyeeyadii kale ee nabadeed ee dunida soo maray, haddaan nahay Soomaali? Jiiftada hoosta ku xusan baa noo tilmaamaysa dawga. Curiyuhu waa Axmed Xaaji Ciise, waxa uuna jiiftadan hordhac uga dhigay: “Maansadan waxaan tiriyay Jannaayo 17, 2011, maalintii xuska Dr. Maartin Luuder Kiing Jr., anigoo ka duulaaya Dhaqdhaqaaqii Xorriyadda Madaniga, ee ku salaysnaa nabadda, oo maanta mirahay nooga tageen carruurteennu ku naalloonayaan. Sheekaba sheekay kuu geysaaye, waxaan si xanuun leh u milicsaday sida dadkeennu labaatankii sano ee tegay u xalaashadeen dhiigga, xoolaha iyo xuquuqda ehelkood, ee aanay wax nabad ihi uga soo naasa caddayn.”

Iyadoo Soomaalidu nabadda macaankeeda murti badan ka samaysay (“Gaaliyo Islaam nabaddu waw gogol nasteexeede”—Maxamed Fiin), dareensanna macaankaas qiimihiisa, ayay haddana colaaduhu ragaadiyeen. Waa maxay sababtu? Waa caddaalad darro! Sidee ayay caddaalad ku helaysaa? Si nabadeed, oo aan ahayn tubaha colaadaha ee ay wali ku taagan tahay, oo ah waxa ay illaa maanta garanayso! Tubta nabadda ee caddaaladdoonka waxaa tusaale fiican u ah halgankii Dr. Kiing iyo halyeeyadii kula jiray. Haddaba jiiftadan, “Gobannimo iyo Garasho” ha noo bidhaamiso tubtaas:

Soomaaliyeey guban
Soomaaliyeey gudhan
Kanaa gabanki iga dilay
Kanaa geelal iga dhacay
Gardarro iyo garabkeed
Godob iyo gar eexaad

Innagays garaacnee
Innagays gablaminnee
Gobannimadi waa taa
Gebi dheer ka duushee

Wa taa geedaheennii
Gudimmadu idlaysee
Goos goos yar mooyee
Gebigeed ugaadhii
Gerigiyo biciidkii
Geyigii ka yaacee

Guyaal iyo guyaal badan
Wixii gumucu uu jaray
Ama gaajo u bakhtiyay
Ama golongol reer kale
Gacmaha u hoorsaday
Tiro laguma gaadhee

Geyigeenna bilicdii
Waa taa ka guurtee
Wa taa gabannadeennii
Badda lagu guraayee

Guutooyin diririyo
Hobiyaha gurxamayiyo
Naafaha gurguurtiyo
Gablan reero ba’ay iyo
Gawdiyo colaadaha
Door laguma gaadhee

Inay nabaddu gebigaba
Adoo gaajo kaw yidhi
Ama oon la golangolay
Hoobaan ad guratiyo
Geel kuu irmaanood
Gaawaha ku maashiyo
Geedka hadhaca weynee
Guurtidu ku ururtee
Talo lagu gorfeeyee
Shirka lagu gudoonshiyo
Gurgurshaaga awrkiyo
Guri lagu negaadiyo

Inay gogol macaanoo
Hurdo aad ku gama’doo
Gabannada ad dhigatoo
Nafta aad u garatiyo
Naas aan gudhaynoo
Marna gaaggaxayniyo
Halka ay ku gorortiyo
Galshadeeda noloshiyo

Inay tahay gargaar aan
Galab lagu hungoobayn
Geesiyadi hoggaanshee
Samaa soo gardaadshee
Gees kastaba adduunyada
Micnaheeda geliyee
Iyagoo an reer gubin
Amaan guluf ku weerarin
Gobannimo ku gaaree
Garashada adeegsaday

Gaandiyo Mandeeliyo
Garaadbadanti Roosee
Takoorkii ka gubatee
Go’aankeedi dheeraa
Basaska loo giriifiyo
Geesigi Martiinee
Gees iyo ka geestaa
Gobollada Ameerika
Geeddiga socdaalka ah
Isu gaasabixiyee
Khudbadihiisi gaaxsamay
Buuraha gilgilayee
Dunidu ay u guuxdee
Shahaadada guddoontiyo
Kuwa garab istaagee
Geesaha adduunyada
Dulmilowga gaadee
Nabadda u garaabee
Iyagoon dad kala gurin
Xaqa gooba weydii!

FIIRO GAAR AH: Ogaan ayaa loo Soomaaliyeeyay magacyada magaalooyinka, dadka iyo jaamacadaha iyada oo laga dab qaadanayo sida loogu dhawaaqayo Ingiriisi ahaan—inkastoo Martiin iyo Maartin, ka hore uu miisaanka jiiftadu ku qummanaaday, sidaasna loogu daystay markuu jiiftada ku jiro!

Waxaa gabayaaga lagala xiriiri karaa dhanjiciisa: [email protected]

W/D: Idiris M. Cali
Dhanjac: [email protected]    


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.