Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

GEERIDII GUULEED YARE (Q.3AAD)

W.Q. Danjire Jaamac Cabdullaahi Caydiid

Waxaa la yiri warka beenta ah dabaylaha ayaa qaada. Reer deris la ah Guuleed Yare reerkooda ayaa gabadhi hooyadeed u sheegtay in ay Facebookga ku aragtay in Guuleed Yare dhintay, oo tacsi tirada ka badatay Facebookga looga dirayo. Islaantiina inta ay Guuleed Yare hooyadii u soo wareegtay, ayay uga tacsiyadaysay geerida wiilkeeda. 

Guuleed Yare hooyadii inta ay yaabtay, oo hadalkii islaanta liqi kari weydey, ayay islaantii tacsida u waddey dib u waydiisay: “Guuleed Yare sow kii xalay oo dhan nala cawaynayey, oo goor dambe oo saq dhexe ah naga tegey!. Goorma ayuu dhintay? “

Iyaga oo hadalkii haya ayaa waxaa u yimi Xasan Madaxey oo Guuleed Yare saaxiibkii ah, oo markaa safar ka soo galay. Xasan markii uu magaalada soo galayba qofkii ugu horreeyey ee uu la kulmay ayaa warka ku taabtay. Ka dibna meel kalaba uma leexane waa kan xaafaddii Guuleed Yare reerkooda ka lug billaabay. Labadii islaamood oo aan weli war kale is dhaafsan ayuu isla soo taagay, bariido ka dibna maamadii u tacsiyadeeyey. “Naa ma anigaa waalan mise Cadan baa laga heesayaa?” ayay si aysan dhaadin u tiri, oo haddana labadoodiiba dib u waydiisay halka ay warka ka soo maqleen. 

Warkii wuxuu dhaafi waayey Facebookga ayaa lagu soo qoray. “Oo yaa ku soo qoray?” ayay mar kale ku celisay. Labadooda midkoodna Facebookga kuma arag. Islaantana inanteeda ayaa u sheegtay, Xasanna weli salkaba dhulka ma dhigin, oo xataa telefoonkii uu saaka Guuleed Yare u soo diray ma uusan arag, maadaama uu keligii gaadhiga uu wato kaga soo jarmaaday magaalo kale.

 Markii warkii meel u bixi waayey ayaa Guuleed Yare hooyadii soo jeedisey in Guuleed Yare laga war doono. Xasan taladaa inta uu aqbalay ayuu islaantii ka codsaday in ay gaadhigiisa soo fuusho. 

Intii ay gaadhiga sii wada saarnaayeen hadal badan la isma dhaafsan. Islaantu iyada ayaa isku maqanayd. Waxaa maankeeda jiitay, oo ay isku mar uga wada fekeraysaa sida ay maanta Guuleed Yare ugu liibaantay iyo dhibkii ay la soo martay. Waxaa hor yimi wixii ay miyi iyo magaalo guure iyo galab carrow la soo martay, oo aad mooddid muuqaallo hor maraya oo ay daawanayso. 

Dhudi marka da’deeda wax laga waydiiyo waxay ku jawaabtaa kolley lixdankii waan dhaafay wax ii dheerse ma garanayo. Waa qof dheer oo jidhkeedu soohanyahay quruxna u dhalatay, waana sababta Dhudi loogu bixiyey. Waxay leedahay ilko isku siman oo sida caanaha u cadcad, oo tan iyo maalintii ay labaatan jirka ahayd iyo maanta oo ay lixdan kor u dhaaftay aysan waxba iska beddelin. Weligeed ilkaheedu sidaas bay ahaayeen, dadka oo dhammina ilkaha Dhudi way wada majeeran jireen. 

Waxay ka dhalatay reer xoolo badan, waxayna u dhaxday reer xoolo badan. Taasi wanaag uma aha gabadha reer miyiga ah. Xooluhu hawl iyo qaxar uun bay iyada u yihiin. Ilaa maalintii ay dab ka baydhay iyo maanta oo ay dhowr iyo lixdan jir tahay isku si bay shaqo xammaalka ka adag ugu soo jirtey. Weligeed maanta ka horow ma ay nasan. Iyada oo saddex jir ah ayaa maqasha la raaciyey, habeenkiina isla maqashaa ayay riyaha iyo idaha u dhigdhigi jirtey. Xoogaa markii ay madaxa soo taagteyna adhiga ayay usha u qaadday. Markii ay gashaanti noqotayna waxay qaban jirtey shaqo kasta oo reerku u baahdo sida dhaanka, reerka raristiisa iyo furistiisa, oodda xoolaha, aroorintooda, iyo samaynta agabka guriga noocyadiisa kala duwan. Markii la guursadayna intaa ayaa in kale loogu sii daray. 

Sideedaba, gabadha reer miyiga ah sababta ugu mudan ee loo guursan jirey waxay ahayd in ay reerka ciidan ku soo kordhiso. Midiba midda ay ka xoog furantahay ugana aqoon badan tahay dhiqista xoolaha iyo maamulka reerka ayaa laga jeclaa. 

Guuleed Yare maaha qofkii ugu horreeyey ee ay Dhudi dhasho. Waxaa ka horreeyey wiil iyo gabadh ka saqiiray. Wiilka oo ahaa curadkeeda fooshii ayuu ku dhintay, gabadhuse gu’gii ay dhalatay xagaagiisii ayay duumo dishay. 

Dhudi markii ay Guuleed Yare dhashay ilaa uu ka koray in uu ka dhinto ayay ka welweli jirtey, Ilaahayse isaga iyo kuwa ka yaryarba wuu u soo badbaadiyey. Isaga carruurta kale way ka jeclayd, waxayna odhan jirtey: “Carruurta waalidku ma kala jeclee iyagaa iskala jeclaysiiya”. 

Waa run oo Guuleed Yare isagaa is jeclaysiiyey hooyadii. Wuxuu ahaa wiil dhego nugul, fariid xoolaha u feejigan, oo waalidkiisa baarri u ah.

Dhudi markii uu yaraa waxay ugu buraanburi jirtey:

Guuleedow guulayso oo weligaa gadaal ha marin.

Oo guullahaan kuu baryaye Eebbe kuu gargaar.

Lagugu soo hirey sidii hoosadii Makaad.

Lagugu soo hirey sida geed hareer ku yaal.

Oo hab wanaagsanow Ilaahay haybad weyn ku sii.

Dhudi intii ay gaadhiga sii saarnayd iyada ayaa isla hadleysey. Xasan wuu maqlayaa hadallada qaarkood danse kama laha, isagaaba isku buuqsan. “Dhaaxaan ka dhursugayey. Maxaan silic iyo saxariir la soo maray. Ma maanta oo aan nabsi gaaxday godolkii sugayey, ayaa geeridiisii la ii soo sheegay?” bay Dhudi kor u tiri, iyada oo aad mooddid in ay dib u milicsatay lixdan sanadood oo dadaalkeedii iyo halgankeedii maanta tacab khasaaray u muuqdo. 

Guuleed Yare reerkooda wuxuu ka guuray markii uu shaqada helay, wuxuuna qol iyo bersad isu furan ka kiraystay meel guriga reerkooda ka yara durugsan. 

Xasan iyo Dhudi markii ay in door ah ka soo socdeen gurigii reerka ayuu Xasan gaadhigii hor joojiyey guri weyn oo albaab balaadhan leh, oo Guuleed Yare qayb ka degganyahay. 

Markii ay u soo galeen waxay la kulmeen isaga oo weli bersaddii fadhiya, oo markaa muuqaalkii uu daawanayey ka sii fekeraya, xaaladdiisuna deggantahay. 

Hooyadii markii ay aragtay wuxuu ula mid ahaa in uu markale u dhashay. Way isku duubtay oo meel walba ka dhunkatay, oo haddana iyada oo labadiisa gacmood midba mid ku haysa kor iyo hoos u eegtay, iyada oo aad mooddo in ay weli hubinayso in uu noolyahay. 

Guuleed Yare isaga laftigiisa waxay u ahayd in uu dib u soo noolaaday. Waa hooyadii qofkan hortaagani, waana ruuxa uu dunida ugu jecelyahay in uu arko. Hadda oo uu xaalad adag galayna waa qofka uu ugu baahida badan yahay. Inta uu indhaha isku qabsaday ayuu laabteeda isku tuuray. 

Aad ayuu ugu baahnaa hooyadii. Maxaa yeelay tan iyo habeenkii uu dhashay dhabteeda meel ka raaxo badan laguma qaban, gosheedana meel ka dugsoon lama gelin, dhabarkeeda meel ka hurdo macaan kuma gam’in, dhididkeeduna wax walba uga udgoon badan. Muddo ayay laabta ku haysey. Markii uu ka soo toosayna wuxuu la mid ahaa qof hurdo uu si fiican uga bogtey ka soo baraarugey. 

Cabbaar ka dib markii xaaladdii lala qabsaday, wax walibana caadi ku soo noqdeen ayay Dhudi hadalka iyada oo furfuraysa inamadii waydiisay: “Warkan beenta ah yaa ku faafiyey Facebookga?”. 

Xasan Madaxey ayaa durbadiiba jawaab aad mooddid in ay hore ugu sii diyaarsanayd ugu jawaabay Dhudi: “Anigu waan garanayaa cidda waxan ka dambaysey. Waa dad ka xun guusha uu Guuleed Yare nolosha ka gaadhay. Isaga oo qaxooti ah oo fara madhan ayuu miyi ka soo galay, maantana wakaa muddada yar nin walba ka hormaray”. 

Oo maandhow yay yihiin dadkaasi? Ayay markale wayddiisey, wuxuuna ugu jawaabay “Eeddo, waa kuwo najaas ah oo deriskeenna ah iyo qaar xaasidiin ah oo lagu sheegay in aynnu ehel nahay.”

 Iyaga oo dooddii ku jira, ayay Dhool telefoonka Xasan Madaxey soo wacday. Markii uu ka qabtayna iyada oo aan salaamin ayay waydiisay: “Guuleed Yare miyuu dhintay?” “Maya wuu noolyahay” ayuu ugu jawaabay. Xasan Madaxey markii ay Dhool su’aalo badan oo kala duwan si darandoorri ah u waydiisay, ayuu telefoonkii Dhudi isaga dhiibay, iyaduna inta gabadhii hadalka u qaboojisey u sheegtay in Guuleed noolyahay uuna ag fadhiyo. Hase ahaatee, Dhool ma qancin ilaa teleefankii loogu dhiibay Guuleed Yare oo uu isagu afkiisa kula hadlay.

Dhool waa da’dii Guuleed Yare ku xigtey. Waxay hadda timi xaafaddii reerkooda, oo ay Jimce walba xilligan oo kale soo booqan jirtey. 

Markii ay guriga soo gaadhay, waxay guriga dibaddiisa kula kulantay dad dumar u badan oo xaafadda tacsi u yimi iyo dhallinyaro Guuleed Yare saaxiibbadii ah, oo aan ka war hayn in uu guri kale u guuray. Waxaa weheliyey dad kale oo dan yar ah oo u yimi in ay axanka ama duugta wiilka dhintay maanta dhadhamo ka helaan. 

Dhool markii dadkii u sheegeen in Guuleed Yare dhintay, hooyadeedna xaafadda ka maqantahay ayay teleefankii gacanta ee hooyadeed wacday, lagamana qaban. Awalba rajo badan kama ay qabin in islaantu teleefoonka ka qabato, oo way ogayd in hooyadeed aysan ku fiicnayn teleefoonka qabashadiisa. Haddana waxay wacday kii Guuleed Yare, isaguna saaka markii arinku qabsaday halkii uu iska dhigay ayuu yaallaa isaga oo sidii uu xalay u aamusiiyey codku uga xidhanyahay. Ugu dambayntiina waa tan kii Xasan Madaxey soo wacday. 

 Dhool waxaa toban sanadood ka hor guursaday nin qurbaha ka yimi, muddo yar kadibna ula dhoofay dalkii uu ka yimi. Waxay u dhashay wiilka iyo gabadha ay saaka daadihinayso. 

Axmed intii uusan Dhool guursan, waxay kala tageen gabadh kale oo lix caruur ah u dhashay. Gabadhaa hore reerkooda ayaa dhoofiyey, iyaduna markii ay sharci heshay ayay Axmed u dacwootey. Haddii qurbaha muddo lagu wada noolaana, waxaa lagu heshiin waayey maamulkii reerka iyo sidii loola qabsan lahaa hab-dhaqanka cusub ee ay ugu yimaaddeen dalkan ay u soo qaxeen, oo aad uga geddisan kii ay ku soo ilma dhaleen. 

Markii dhowr goor la dhex galay, waxaa laga fursan waayey in la kala furo, caruurtiina iyada ayaa reerkooda la hoos gashay, isaguna culays laga furtay ayuu u arkay, oo in uu marmar teleefoon kula hadlo mooyee maalintii baa aragooda ugu dambeysey.

Dhool midabka maariinka ah ee quruxda badan waxay ka sidataa reer aabaheed. Hubqaadka iyo qorqornaantana dadka wax suureeyaa waxay ku soo soocaan Dhudi. Maalintii Axmed lagu daray waxay ahayd gabadh yar oo aan ishu qabanayn, maantase waa soddon jir labo dhal ah, oo dherer iyo dhumucba isu dheeli tiran. Ragga wuu ku yaryahay nin ay Dhool soo hor martay oo aan isha la sii raacin. Ciiddaa ka badan inta nin ee soo hunguraysey oo ay iskaga waabisay “War marwaan ahay, oo waa la i qabaa”. 

Axmed maanta waa siddeed iyo konton jir. Markii uu qurbaha soo galay wuxuu ahaa nin firfircoon. Xilligii dagaalada sokeeye dalka ka socdeen jabhadda beeshiisa ayuu dhaqaalaha uga soo uruurin jirey jaaliyadda reerka, ee daafaha dunida ku kala firirsan. Intaa waxaa u dheeraa in uu meel walba tolka ka difaaci jirey. Waa aftahan golayaasha fadhi-ku-dirirka gar iyo gardarraba dhiniciisa aan dhulka la dhigin. Waxaa lagu bartay, oo uu halhays u lahaan jirey: “Soomaali nin waliba wuu tashaday, ilaa inta Soomaaliyi isu soo noqonayso aniga danta tolkay ayaa la igu ogyahay.” 

Dhool markii labadeeda carruurta ahi soo yara koreen, waxay Axmed ka codsatay in ay carruurta dhowr sanadood dalkii kusoo hayso, si ay dhaqanka iyo afka Soomaaliga u soo bartaan, Axmedna arintaa wuu ka biyo diidey.  

Dhool waxay ku doodday iyada oo dhinacyo badan wax ku tusaysa: “Axmadow, qof aan afkiisa hooyo aqoonin qof jira maaha. Afkiisa iyo dhaqankiisa ayuu qof waliba qof ku yahay. Ma waxaad doonaysaa in carruurtu hadhow garan waydo cidda ay yihiin?” 

Axmed isaga oo xanaaqa isku celinaya ayuu Dhool ugu jawaabay: “Riyihu haddii ay dib leeyihiin dabadooda ayay ku qarsan lahaayeen. Soomaalida aad sheegaysaa haddii ay af iyo dhaqan leeyihiin iyagaa laga arki lahaa. Sow kuwa meel walba qaxootiga ku ah, oo habeen iyo maalin sida dugaagga isu cunaya. Naa afkaaga iyo dhaqankaaga mooyaane carruurta dalkooda u daa, ummadaha hore u maray wax ha la qabsadeene.”

Arrinkaa iyaga oo muddo isku fahmi la’ hadalkuna dhowr goor ka taagtaagmay, ayaa Axmed loo soo sheegay in reerkoodii dawlad goboleed dhisanayaan, isaga iyo dhowr nin oo kalena aan looga maarmayn in ay hoggaanka dawladda ka mid noqdaan. Isaguna maba laba-labayne safar deg deg ah ayuu isu diyaariyey. 

Dhool markii ay ogaatay in uu diyaargarow ku jiro, ayay waydiisay waxa uu reerka ka damcay. Isaguna wuxuu ugu jawaabay: “Waxaan kugula talinayaa in aad Single Mother isku diiwaan gelisid”. Oo Single Mother-ku waa maxay? Ayay iyada oo meel ay u qaaddo garan la’ dib u waydiisay. Markii uu u sharraxayna way la yaabtay, oo ku tiri: “War anigu naag la qabana waan aqaan, mid la furayna waan aqaan, wax u dhexeeyase ma garanayo”. Muran dheer ka dib, wuxuu ugu dambayntii ku yiri: “Naa ama is debber ama meeshaad doontid ka dhac, anigu qarankii dumay ayaan dhismihiisa ka qayb qaadanayaa. Naag iyo murankeedana maanta taag uma hayo”. 

La soco qaybta 4aad

W.Q. Danjire Jaamac Cabdullaahi Caydiid

Eamil: [email protected]

Halkan ka akhri qaybihii 1aad iyo 2aad


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.