Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Galmudug: Reer guuraa xoolahooda ay suuq yeesheen markii laga daaweeyay xanuunno ragaadiyay nacfigooda

Xoolaha Cabdi Macalin Fiqi ayaa ka soo kabtay cudurro ay la il darnaayeen, markii uu ka faa’iideystay daaweyn lacag la’aan ah oo wasaaradda xannaanada xoolaha Galmudug ay u sameysay. Waxa uu sheegay in 15 Maarso xoolaha looga daaweeyay cuduro kala ah Jadeeco, Sambab iyo Furuq.

Wuxuu intaas ku daray in cudurada xoolihiisa ay ka dhigeen kuwo liita oo aan laheyn cad iyo caano, maaddama aysan si wanaagsan u daaqi karin naqa ka dhashay roobka Gu’ga. Cabdi ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in isbaddel wayn uu dareemayo tan iyo markii xoolihiisa loo daaweeyay.

Keydka Ergo

“Neefku markuu jiran yahay iyo markuu caafimaad qabo farqi weyn baa u dhexeeya. Markey caafimaad heleen wax badan oo noloshooda ah ayaa is bedelay. Waa naaxeen. Si fiicanbay u daaqaan, beec bey galaan. Wixii irmaan caano fiican bey lee yihiin. Markii hore cudur bey u baqtin jireen. Baahi bey u baqtin jireen. Hadase wax dhib ah ma qabaan.”

Cabdi ayaa tilmaamay in markii hore xoolihiisu ay ahaayeen kuwo cuduradu caato ka dhigeen oo aan iib galin. Xaaladaas awgeed waxaa uu sheegay in qoyskiisu deyn uu ku tiirsanaa lix bil oo xooluhu ay ka xanuun sanaayeen.

Lacag $2,000 ah oo lagu yeeshay ayuu xusay inuu iska guday toddobo boqol oo ka mid ah, taas oo uu ka helay ari 11 ah oo uu iska iibiyay shan iyo tobankii bishan.

Ninkan ayaa sheegay in marar badan uu isku dayay in xoolaha uu daaweysto, balse caqabad ay ku noqotay cudurada haya oo uusan garaneyn.

“Qaab loo daaweeyo ma aqaan, sababtoo ah qof iska reer baadiye ah oo aan aqoon u laheyn ayaan ahay. Daawooyin xataa aan ku duray waxba wey ka tari weysay. Waxaan u maleynayaa inaysan aheyn tii ku habooneyd. Sidaas awgeed ayaa xoolihii dhibta haysatay aan xal ugu waayay.”

Cabdi ayaa 330 ari ah iyo 10 geel ah ku dhaqdaa miyiga deegaanka Kabawar oo hoos taga degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Ninkan oo ah aabbaha lix carruur ah ayaa tilmaamay in soddon neef ay cuduro uga dhinteen sidoo kalana uu ka walaacsanaa in xoolaha u haray oo cudurka is qaad siiyay ay sidaas oo kale uga la’daan, balse xaaladda ayaa is baddeshay, markii uu helay daaweyn uusan fileynhelay oo gurigiisa loogu geeyay.

In ka badan hal milyan iyo toddobo boqol oo kun oo xoolo ah ayaa lagu daaweeyay ololahan oo 30 maalin socday. Waxaa ka faa’ideystay xoolo dhaqato ku nool gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Cabdirisaaq Maxamuud Aadan ayaa ka mid ah xoolo dhaqatadaas. Waxa uu sheegay in isagoo leh 140 neef oo ari ah uu ahaa danyar aan iibsan karin raashiin ay cunaan. Sababta ayaa aheyd xoolaha oo ahaa kuwo liita oo aan iib galin.

Xaaladaas ayuu xusay inuu ka baxay, markii loo daaweeyay, ayna ka soo kabteen xooluhu cudurro kala ahaa candho, sambab, furuq iyo jadeeco. Tan ayuu sheegay inay uga dhigantahay soo kabasho meesha ka saareysa quus uu ka taagnaa xoolaha oo xaaladooda uu maaro u la’aa.

“Maalin dhoweyd nin ogaa xoolaha oo iga xanuunsan ayaa ariga soo dhex maray markii ley daaweeyay kaddib, markaas ayuu i dhahay xoolaha isbeddel weyn ayaa ka muuqda ee maxaad ku sameysay, markaas ayaan dhahay dowladda ayaa ii daaweysay. Marka isbeddelka xataa waxaa fahmi kara dadkii horay iiga war hayay.”

Cabdirisaaq oo ah aabbaha 13 carruur ah ayaa tilmaamay inaysan jirin xoolo cudurku ka dilay, waloow uu sheegay in toddobo bil oo ay ka jirranaayeen aysan tarmin, caafimaad darrada haysay darteed.

Tan iyo deyrtii la soo dhaafay ayuu Cabdirisaaq xusay inuu ku tiirsanaa amaah gaartay $2,500. Sida uu sheegay. Danta ayaa ku riixday, markii xooluhu ay wajaheen abaar iyo cuduro saameeyay.

Labaatankii bishan ayuu iska bixiyay qeyb ka mid ah deyntaas, markii seyladda magaalada Gaalkacyo uu ka iibsaday 13 neef oo iskugu jira orgi jar ah iyo daabax. Waxa uu kala baxay lacag gaareysa $800.

Cabdirisaaq ayaa ah xoolo dhaqde ku nool deegaanka Furaar oo hoos taga degmada Hobyo ee gobolka Mudug. Sanadkii lasoo dhaafay ayuu sheegay in abaartu ka dishay 10 geel ah iyo labo boqol oo ari ah.

Ololaha daaweynta xoolaha waxaa xoogga lagu saaray 25 deegaan oo lagu xushay inay joogaan xoolo badan oo cuduradu ku faafeen. Sidaas waxaa sheegay Dr Suleymaan Maxamed Faarax oo ah agaasimaha wasaaradda xannaaanada xoolaha Galmudug.

Waxa uu tilmaamay in xooluhu noqdeen kuwo u nugul cudurada, markii afar sano oo is xiga abaar ay wajaheen.

Barnaamijkan oo ay ka faa’ideysteen 11,305 qoys ayuu xusay in ujeedadiisu aheyd in xoolaha loo daaweeyo dadka aan awoodin, kuwaas oo uu sheegay in kooxo caafimaad oo wasaaradda ka socota ay uga tageen miyiga, tuulooyinka iyo ceelasha biyaha ay ka cabaan.

Waxa uu sheegay in xoolaha daaweynta u baahnaa ay intan ka badnaayeen, balse intii awoodoodu aheyd ay sameeyeen.

“Deegaanada waxaa loo diray 25 koox oo koox kasta ay ka shaqeyneyso toban tuulo. Si qorsheysan oo nidaamsam ayayna u howl galeen. Waxaa muhiimadda la siinayay meelaha ay ka jirto dhibaato gaar ah.”

Dr Suleymaan ayaa tilmaamay in dhakhaatiirtu ay xoolo dhaqatada siinayeen wacyi galin la xiriirta sida ay uga hor tagi karaan in xoolaha xanuunsan ay cudurka qaad siiyaan kuwa badqaba.

Wasaaradda ayuu sheegay in fulinta ololahan ay la kaa shatay ururka dhakhaatiirta xannaanada xoolaha gobolada dhexe oo la yiraahdo Sareelba. Wuxuu intaas ku daray in bangiga adduunka oo barnaamijkan maal galiyay ay wasaaraddu ka codsatay waji labaad oo ah tallaal iyo daaweyn wada socda.

Xigasho: Ergo Radio


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.