Bishan Oktoober 4dii, 2015, waxay Guddida Ururka Qorsheynta Maraykanku (American Planning Association – APA) guddoonsiisay aqoonsiga abaalmarinta ugu saraysa ee xirfadeed (Excellency in Planning) Md. Faysal Cabdi Rooble. Abaalmarintaasi oo lagu guddoonsiiyay shir sanadle ah oo lagu qabtay magaalada Oakland, Kaliforniya. Shirkaasi oo ay ka soo qeyb galeen labaatan kun (20 kun) oo aqoonyahano ku takhasusay cilimiga qorsheynta, naqshadaha magaalooyinka iyo kobcinta dhaqaalaha.

Faysal waxa uu qorshenyta magaalada Los Angles, ee gobolka Kalifornia ka shaqaynayay muddo dhan 29 sano, isagoo ma’suuliyado kala duwan ka soo qabtay. Waxa muddo laba sano ka hor magaaladu ay ku maamuustay go’aan ama digriito ay soo saartay oo ay Faysal u aqoonsatay maamule dhinaca qorsheynta hawlo badan oo wax ku ool ah ka qabtay deegaanka balaadhan ee Los Angeles, gaar ahaan dawlad deegaanka magaalada oo ay ku nool yihiin dad gaadhaya 9.5 malyuun.
Shahaadadan ugu dambaysay ee uu Faysal ku guulaystay waxa uu ku mutaystay isaga oo si xirfad ku dheehantahay usoo maareeyey qorshe dib usoo dhisaya xaafad ka koobnaan doonta 1,800 oo guri, isuguna jira 700 oo kiro ah, 700 oo kale oo iib ah, iyo 400 oo lahaasho loo gadi doono (700 for market rate rental, 700 affordable units, and 400 ownership units). Intaa waxaa dheer dukaamo, xafiisyo,dugsiyo cusub, iyo jardiino nasasho leh.
Mashruucan marka la dhamaystro 2018, waxa uu ku kici doonaa lacag dhan $1.2 billion oo lacagta adag ah. Waxa la qiyaasayaa in uu mashruucani (The Jordan Downs Village Specific Plan) uu yahay mashruuc noocan ah kii ugu weynaa ee laga hirgaliyo dalkan Maraykan. Waxa la filayaa in uu mashruucu keeno dib usoo noolayn xaafada la yidhaa Watts oo dadka ku nooli ahaan jireen dad cadaan ah, balse 50kii sano ee ugu dambeeyey ay xoog u korodhay tiradda dadka madow iyo dadka ka soo jeeda Mexico (Mexican Americans).
Faysal xilal badan ayuu ka qabtay magaalada; mar waxa uu ka tirsanaa golaha gaadiidka magaalada (Mayoral Transportation cabinet). Haddana waxa uu yahay Maareeyaha Guud ee Qorsheynta iyo Hirgalinta Mashaaraiic ee Magaalada Los Anjeles ee ku taal Gobolka Kaliforniya.
WardheerNews
