Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Farmaajo & Kheyre: Dowladdii ugu Liidatay Taariikhda Soomaaliya

W/Q Iimaam Ahmed Bilaal

Sanadkii 1991 markii xukunka laga tuuray Gen. Maxamed Siyaad Barre ilaa iyo sanadkan 2020 waxa Soomaaliya soo maray lix dowladdood, laga soo bilaabo dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Cali Mahdi Maxamed iyo tan uu hadda Madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Dowladda Farmaajo iyo Kheyre waxa ay xukunka la wareegeen iyada oo howla badan la qabtay ama dalka ka jiraan tan iyo intii burburku dalka ka dhacay, islamarkaana la rabay in ay wax ku kordhiyaan oo hore loo sii socdo, kuwaasi oo ay ugu horeeyaan: Dastuur ku meel gaadh ah, shan (5) Maamul Gobolleed, xaaladda amniga, dhaqaalaha iyo adeega bulshada oo isa soo tarayay.

Haddaba waxaa xaqiiqa ah in dowladda hadda ka talisa Soomaaliya ee uu Madaxweyne ka yahay Farmaajo, Ra’iisal Wasaarena ka ahaa Xasan Cali Kheyre ay tahay dowladdii ugu liidatay ee soo marta taariikhda Soomaaliya marka laga eego dhinacyo badan sida; xiriirka siyaasadda dibadda, siyaasadda guduha, amniga , arrimaha bulshada iyo maamulka iyo maareynta dhaqaalaha.

Haddaba qormadan kooban ayaanu ku soo bandhigi doonaa arrimaha kor ku xusan.

Nocholas Haysom

Siyaasadda Dibedda;

Xiriirka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa gaaray heerkii ugu hooseeyey ka dib markii Bishii Janaayo ee sanadka 2019 ay dowladda Farmaajo dalka ka eriday wakiilkii Qaramada Midoobey u fadhiyey Soomaaliya, Nocholas Haysom. Wakiilka Qaramada Midoobey ayaa ku eedeeyey dowladda Farmaajo xadgudubyo ka dhan ah bani’aadamnimada ka dib markii ciidamada DFS ay 18 qof oo rayid ah ku dileen magaalada Baydhabo iyo 300 qof oo ay ku dhaawaceen. Dalalka Ingiriiska, Maraykanka, Jermalka, iyo Faransiska ayaa walaac aad u weyn ka muujiyey tacadiyada ay geysteen ciidamada Soomaaliya iyo go’aanka ay qaadatay dowladda Raysal Wasaare Kheyre. Waxaa kale oo talaabadan ay qaaday dowladda Soomaaliya ku cambaareeyey Hay’adda Xuquuqda Aadanaha -Amnesty International.

Farmaajo iyo Kheyre

Xiriirka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa gaaray heerkii ugu hooseeyey ka dib markii Bishii Janaayo ee sanadka 2019 ay dowladda Farmaajo dalka ka eriday wakiilkii Qaramada Midoobey u fadhiyey Soomaaliya, Nocholas Haysom. Wakiilka Qaramada Midoobey ayaa ku eedeeyey dowladda Farmaajo xadgudubyo ka dhan ah bani’aadamnimada ka dib markii ciidamada DFS ay 18 qof oo rayid ah ku dileen magaalada Baydhabo iyo 300 qof oo ay ku dhaawaceen. Dalalka Ingiriiska, Maraykanka, Jermalka, iyo Faransiska ayaa walaac aad u weyn ka muujiyey tacadiyada ay geysteen ciidamada Soomaaliya iyo go’aanka ay qaadatay dowladda Raysal Wasaare Kheyre. Waxaa kale oo talaabadan ay qaaday dowladda Soomaaliya ku cambaareeyey Hay’adda Xuquuqda Aadanaha -Amnesty International.

Dhinaca kale waxaa heerkii ugu xumaa maraya xiriirka u dhexeeya dowladda Farmaajo iyo wadamada Islaamka iyo kuwa Carabta. Waxaa gebi ahaanba burburay xiriikii u dhexeeyey dowladda Soomaaliya iyo wadamada Carabta gaar ahaan wadamada Khaliijka, kadib khaliifkii soo kala dhexgalay dalka Qatar iyo dalalka Khaliijka  waxay dowladda Soomaaliya si cad ula safatay dalka Qatar. Sidoo kale Khilaafka mudada dheer soo jiitamayey ee biyo xireenka Webiga Nile ee u dhexeeya dalalka Itoobiya iyo Masar ayaa dowladda Soomaaliya waxay la safatay dowladda Itoobiya ka dib markii Farmaajo iyo Kheyre ay ka horyimaadeen qaraarkii Jaamacadda Carabta ee lagu taageereyey dowladda Masar.

Sidoo kale waxaa jiray shirar badan oo qarsoodi ah oo dhexmaray Kheyre iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Isreal oo ka dhacay magaalada Washington iyo wadamada Yurub. Qaska iyo jahwareerka siyaasadda dibedda ee soo wajahay dowladdii Farmaajo iyo Kheyre ayaa aad u saameeyey wadamada qaaradda Afrika gaar ahaan wadamada ku yaal geeska Africa ee aan deriska nahay sida Jabuuti, Kenya, Uganda iyo Burundi. Xiriirka Dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa xumaaday ka dib markii dowladda Soomaaliya ay ku taageertay dowladda Eritaria dhulka ay dagaalka uga qabsatay dalka Jabuuti sanadkii 2008 iyo markii Madaxweyne Farmaajo booqasho ku tegay dalka Eriteria oo uu ku baaqay in dalka Eritria laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran. Arrintaas oo ay dowladda jabuuti ka muujisay caro aad u xoogan gaar ahaanna uu walaac weyn ka muujiyey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Maxamud Cali Yusuf.

Marka laga soo tago muranka xuduud-badeedka ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, xiriirka labada dowladood ayaa garaay heer ay safaaradaha kala qaataan islamarkaana ay labada dal ciidamo hubaysan ka soo buuxiyeen xuduudda labada dal u dhexeysa. Dowladda Soomaaliya ayaa Bishii Maarso ee sanadka 2020, ciidamo hubaysan u dirtay magaalada xuduudda ku taal ee Beled Xaawo si ay qalaase iyo amni darro uga abuuraan xuduudda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya iyadoo ujeedada ka dambeysa ay ahayd in indhaha shacabka Somaliyeed laga sii jeediyo dhibaatooyinka gudaha dalka ka jira.

Bishii Feberayo ee sanadka 2019 dowladda Soomaaliya ayaa ku wargelisay dowladda Burundi inaan loo baahnayn ciidamadeeda nabad ilaalinta ee Soomaaliya ka jooga islamarkaana ay wadanka isaga baxaan dhammaadka sanadka 2019, taasoo ay dowladda Soomaaliya doonaysey in ciidamada Burundi lagu bedelo ciidamado ka socda dalka Eretria oo ujeedadu a yahay in lagu caburiyo shacabka reer Muqdisho iyo inay ka caawiyaan sidii uu Farmaajo ugu soo bixi lahaa doorashada soo socota ee sanadka 2021-ka. Sidoo kale waxaa heerkii ugu hooseeyey gaaray xiriirka u dhexeeya DFS iyo dowladda Uganda oo ciidamada ugu badan ee AMISON ay ka joogaan Soomaaliya. Madaxweynaha dalka Uganda, Yower Museveni ayaa marar badan ka hadlay sida uusan ugu faraxsanayn xiriirka sii xumaanaya ee Soomaaliya iyo Ugandha.

Arrimaha Gudaha iyo Amniga;

Hawlaha la xiriira arrimaha gudaha iyo amniga ayey dowladda Farmaajo ku fashilantay, iyadoo uu lumay xiriirkii wadashaqaynta ee ka dhexeeyey DFS iyo Maamul Gobolleedyada dalka. Dowladda Farmaajo ayaa colaad, dagaalo iyo qalalaase siyaasaddeed ka hurisay dhamaam maamul gobolleedyada dalka, sida xasuuqii ay ciidamada DFS ku dileen 18 qof oo rayid ah iyo 300 oo qof oo ay ku dhaawaceen ka dib markii ciidamada dowladda ay rasaas ku fureen dad shacab ah oo bannaan bax nabadeed isugu soo baxay magaalada Baydhabo mudadii lagu jirey doorashada madaxweyne ee maamulka Koonfur Galbeed. Dowladda Farmaajo ayaa lacago badan oo laaluush ah ku bixisay doorashadii uu ku soo baxay madaxweynaha Koonfur Galbeed Laftagareen iyo xildhibaanada maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Dowladda ayaa sidoo kale ka geysatay dilal, barakicin iyo gabood fallo xadgudub ah maamul gobolleedyada Galmudug, Hirshabele, Puntland iyo Jubbaland isla markaasna ku bixisay lacago badan oo laaluush ah si xukunka looga tuuro madaxda maamul gobolleedyada. DFS waxay cunqabatayn dhinaca dhaqalaha ay ku soo rogtay maamul goboleedyada ka dib markii ay joojisay dhaqaalaihii ay beesha caalamka u qoondaysay maamul goboleedyada. DFS ayaa cunaqabatayn dhinaca duulimaayada iyo badda ku soo rogtay maamulka Jubbaland, gaar ahaa xilligii lagu jirey bilowga cudurka safmareenka ah ee COVID-19, taasoo sababta dhimasho dad badan oo u dhintay cudurka safmareenka ah.

Dhinaca amniga, Dowladda Farmaajo waxay noqotay tii ugu liidatay oo ku guuldaraysatay hawlaha la xiriira arrimaha amniga iyo adeega garsoorka. Laga soo bilaabo sanadii 2016 markii uu xukunka la wareegey Farmaajo ilaa sanadka 2020, dad shacab ah oo gaaraya 8,000 – 10,000 oo rayid ah ayaa ku dhintay qaraxyo iyo dilal ka dhacay magaalada Muqdisho. Labadii sano ee ugu dambeeyey ciidamada dowladdu waxay magaalada Muqdisho ku dileen 110 – 140 dhallinyarada darawalada ka ah mooto Bajaajka. Tan iyo markii dowladda hadda Xamar ka talisaa ay talada la wareegtay, ayaa waxaa joogsaday isugu socodkii gaadiidka ee magaalooyinka Afgooye iyo Banaadir, Jowhar iyo Banaadir iyo guud ahaan gaadiidkii isaga gooshi jirey gobolada dalka. Ururka Alshabaab ayaa ka taliya 65% Gobolka Banaadir iyadoo dowladda Farmaajo xukunkeeda uu ku soo ururay meelo kooban oo ay ka mid tahay wadada Maka-Al Mukarama, iskaba daa gobollada dalka oo dhulka ugu badan ay ka taliyaan ururka Al-shabaab.

Ciidankii xooga dalka ayaa noqday ciidan aan lahayn awood ay kaga hortagaan ururka Al-shabab ka dib markii dowladda Farmaajo ay shaqada ka cayrisay saraakiishii aqoonta iyo xirfadda ciidan lahaa, islamarkaana ay hubkii iyo dhaqaalihii ciidanka u weecisay la dagaalanka maamul gobolleedyada iyo iska horkeenid beelaha Soomaalida iyo caburinta dadka reer Muqdisho. Waxaa faraha ka baxay kala dambayntii iyo wada shaqayantii hay’addaha amniga sida ciidamada booliiska, nabadsugidda, xafiisyada dambi baarista, xeer ilaalinta iyo maxkamadaha oo aanay ka jirin wax wadashaqayn ah oo ka dhexaysa. Ciidamada NISA iyo kuwa Booliiska ayaa noqday kuwo loo adeegsado khaarijinta wax garadka iyo siyaasiinta iyo caburinta shacabka Soomaaliyeed. Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Qaranka iyo Maxkamadaha Gobolka Banaadir ayaa isu bedelay xafiisyo lagu boobo hantida shacabka Soomaaliyeed.  Gaar ahaan Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Qaranka xilligii uu madaxda ka ahaa Axmed Cali Daahir, ayaa lumiyey haybadii iyo sharaftii adeega garsoorka, isagoo noqday xafiis ay si gaar ah ugu shaqaystaan Kheyre iyo Farmaajo isla markaana u adeega danaha khaaska ah kooxda N&N.

Maamulka Dhaqaalaha;

Dhinaca maareeynta iyo maamulka dhaqaalaha, musuq-maasuqa iyo isdabamarinta ayaa gaaray heerkii ugu xumaa tan iyo intii ay xukunka qabteen Farmaajo iyo Kheyre. Heerka musuqmaasuqa iyo isdabamarinta ee kooxda N&N waxuu gaaray heer ay dhammaan hay’addihii maaliyadda iyo xafiisyadii ilaalinta hantida qaranka ay noqdaan maqaarsaar. Tusaalle ahaan Bishii Nofember ee sanadkii 2018, guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha shacabka, Mahad Cabdalla Cawadayaa kala diray xubnihii gudiga golaha shacabka ee qorsheynta maaliyadda iyo la xisaabtanka hey’addaha dowladda federaalka, ka dib markii ay soo gudbiyeen warbixin muujinaysa in Wasaaradda Maaliyadda ay lunsatay lacag dhan 90-130m USD. Ujeedada ka dambeysay kala dirka guddiga ayaa ahaa in la daboolo heerka musuqmaasaqa iyo xatooyada ee kooxda N&N iyo markii uu baarintaankii lugaha la galay Farmaajo iyo Kheyre. sidoo kale, wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa warqad hanjabaad iyo diginin ah u qoray Agaasimaha Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Qaranka, Faadumo Faarax Cusman si uu ugu cadaadiyo inay u fududayso hawlaha musuqmaasuqa ee uu faraha kula jiro.

Wasiir Bayle

Bishii June 2019, fariin Email ah oo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda u diray Guddoomiye ku xigeenka Bankiga Dhexe, Maryan Cabdullahi Yuusuf isagoo amar ku siinaya in ay lacag dhan 5 million USD ah ugu wareejiso Akoono khaas ah (private accounts), taas oo muujinaysa nadaam daradda ka jirta habka maamulka iyo maareeynta ee miisaaniyadda dalka. Shaqadii Wasaaradda Maaliyadda ayaa gacanta u gashay kooxo dhallinyaro burcad, qurbo-joog ah oo ay Wasiir Bayle qaraabo yihiin.  Wasiirka ayaa isagunu shaqadiisii kusoo koobay safaro aan kala go’ lahayn oo uu ku soo tuugsanayo deeq bixiyaasha, taas oo ka dhigtay in dalka iyo dadka Soomaaliya loogu yeero qabrigii tuugsiga. Wasiirka Wasaaradda Maalyadda ayaa dhaqaale iyo waqti badan ku bixiyey dacaayado iyo warar been abuur ah oo uu ku faafiyo baraha bulshada si uu u marin habaabiyo shacabka Soomaaliyed sida mashruuca soo saarista iyo daabicadda lacagta shilling Soomaaliga ah iyo mashruuca deyn cafinta oo Soomaalidu ugu yeerto beentii qarnigan 21aad.

Baaritaan xisaabeed ay sameeyeen Xafiiska Hanti Dhowka Qaranka, Guddiga Qorsheynta Maaliyadda iyo la Xisaaabtanka Hay’adaha Dowladda Federalka iyo Xisaabiyaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, dhammaantood waxay soo saareen warbixino muujinaya musuq-maasuq baahsan oo ka dhex jiro dowladda N&N. Warbixinta ay soo saareen Xafiiska Hant-Dhowrka Qaranka iyo Guddiga Qorsheynta maaliyadda ayaa laga fahmi karaa qiyaas ahaan wadarta lacagta ee ay lunsadeen Farmaajo iyo Kheyre oo gaaraysa $250-350 million USD. Meelaha ama ilaha lacagta ugu badan ay Farmaajo ka soo gasho ayaa ah safarada uu bannaanka ku aado, sida 4 jeer oo uu booqasho ku tegay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, isagoo afarta jeerba la soo siiyey lacag caddaan ah oo qiyaas ahaan dhan 45 million USD. Dalka Qatar oo uu dhowr goor booqday waxaa gacanta laga saaray lacago caddaan ah oo dhan 60 million USD.

Kheyre ayaa isaguna meelo badan ka helay lacago dhan 150-200 million USD, sida shirkadaha shidaalka, kalluumaysiga, Isgaarsiinta, Dekadda Xamar iyo mashaariic dhowr ah sida mashruuca maareynta musiibooyinka iyo mashruuca Covid-19. Sidoo kale, agaasimaha hay’adda NISA, Fahad Yaasiin ayaa bil kasta waxuu lacag dhan 15 million USD uu ka helaa dowladda Qatar. Lacagtaas oo ay dowladda Qatar u qoondaysay arrimaha la xiriira mukhaabaraadka iyo siyaasadda ayaa badanaa waxay ku dhacdaa jeebka Fahad Yaasiin. Qiyaas ahaan tan iyo markii ay xukunka qabteen kooxda N&N, waxuu agaasimuhu ka helay dowladda Qatar lacag dhan 500 million USD. Dhaqalaha tirade badan ee ay lunsadeen saddexda masuul ee ugu sareeya dowladda N&N ayaa waxaa gacanta ku haya oo maamulo nin ay qaraabo yihiin Farmaajo oo deggan Magaalada Nairobi, iyo laba nin oo ay qaraabo yihiin Kheyre iyo Fahad Yaasiin oo lacagtiisa u dhiibtay walaalkiis oo degan magaalada Nairobi.

Musuq-maasuqa, isdabamarinta, boobka iyo xatooyada xoolaha dadweynaha, kuma koobna sadexda masuul ee ugu saraysa xukuumadda N&N ee waxaa ka samin inta badan xubnaha ama wasiirada ka tirsan dowladda N&N. Wadarta Guud ee lacagta ay lunsadeen kooxda N&N ayaa gaaraysa dhaqaale lagu qiyaasay 600-700 million USD, taasoo ka badan dakhliga ama miisaaniyadda guud ee u soo xarootay DFS labadii sano ee u dambeeyey 2019 iyo 2020.

Xafiisyadda dhaqaalaha ugu badan ka lunsaday dowladda DFS waxaa ka mid ah;

  1. 150-200m USD; Hay’adda NISA
  2. 60-90m; USD Wasaaradda Maaliyadda
  3. 50-70m USD; Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga
  4. 20-30m USD; Xafiiska Madaxweynaha
  5. 15-20m USD; Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Boostada
  6. 10-20m USD; Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka
  7. 10-15m USD; Wasaaradda Beeraha

Sida lagu soo bandhigay warbixinta uu qoray Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka, sanadkii 2018, waxaa jirtey lacag dhan 18m USD oo lagu shubay akoon ama xisaab ka furan Bangi ku yaal dalka Turkey oo la yiraado ZIRAAT BANK, Ankara. Waxaa kale oo jira xisaabaad ka furan Bangiyo ku yaal Dalalka Imaaraadka Carabta (Dubai Islamaic Bank iyo Bangi ku yaal dalka Kenya (Stanbic Bank) oo lacago badan lagu lunsaday. Warbixinta uu qoray Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka ayaa waxa lagu muujiyey in xafiiska Raysal Wasaaraha iyo xafiiska Farmaajo ay diideen inay soo gudbiyaan xisaab xir qarashaadka ku baxay xafiisyadooda, sidoo kalena waxay ishortaageen in xafiiska Handi Dhowrka uu baaritaan ku sameeyo habka loo isticmaalay miisaaniyadii loo qoondeeyey xafiiska madaxweynaha iyo raysal wasaaraha. Warbixinta uu diyaariyey Xafiiska Hanti Dhowrka Qaranka ayaa waxaa ka soo muuqday magacyada shakhsiyaad dhowr ah oo saddex mushaar qaadanayey oo ay ku jiraan shaqaalaha ka shaqeeya xafiiska Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, iyagoo ay ku maqan tahay lacag dhan 500,000 USD.

Dhaqaalaha tirade badan ee ay lunsadeen wasiiradda iyo madaxda ugu sareysa kooxda N&N ayaa lagu wareejiyaa xisaabo aan magacoodu ku qornayn ee ay ku qoranyhiin dad ay shirko ama qaraabo yihiin. Dhaqaalaha faraha badan ee ay lunsadeen kooxda N&N ayaa ah canshuurtii laga qaaday shacabka degan Gobolka Banaaadir, iyo dhaqaale ka laga helay deeq bixiyaasha iyadoo dhammaan dhaqaalahaas ay lunsadeen kooxda N&N lagu maalgeliyey dhulal iyo guryo iyo ganacsi looga furtay wadamada Kenya, Turkey, Imaaraadka, Somaliland, Maraykanka, Ingiriiska iyo Canada.

Iimaam Ahmed Bilaal
Email:[email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.