W/Q Xuseen Macallin Maxamuud Sheekh-Cali
Muddo dheer kaddib marki dib loo yagleelay dowladnimada Soomaaliya, waxaa aragti istiraatiijiyadeed u ah DFS ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in laga gudbo aragtidi xaaladda degdegga aheyd ee sida kumeel gaarka ah ay ugu shaqeyn jirtay dowladda Soomaaliyeed. Waxaa si dhammeystiran looga guurayaa cinwaankii howsha qaran ee ay dowladdu dalka ka haysay taas oo ku koobneyd “Amni & Difaac,” waxaana loo guurayaa aragti cusub oo ku saleysan “Amni Qaran” (Badqabka iyo baraaraha geyiga iyo muwaadiniinta Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya).
Waxaa diiradda dowlnimada si isu dheellitiran loo saari doonaa dhammaan khataraha ku gadaaman amniga qaranka Soomaaliyeed oo loo aqoonsaday inay xilligaan ugu khatar badan yihiin arrimaha ay ka midka yihiin: Argagixisada, gooni-u-goosadka, dowlad nugeylka, isbeddelka cimillada, xuduudaha beylahda ah, faragelinta shisheeyaha, khataraha bulsho, marinhabaabinta & xogaha been abuurka ah. Wax ka qabashada khatarahaan waxa ay ahmiyad gaar ah u leeyihiin soo kabashada iyo dib-u-dhiska qaranka Soomaaliyeed iyadoo loo howlgalayo si waafaqsan nidaamka dastuuriga ah ee dalka iyo istraatiijiyad qaran oo lagu maareeyo danaha amniga qaranka Soomaaliyeed.
Argagixisada
Si khatarta weyn ee argagaxisada loo cirib tiro, waxaa si dardar leh u sii socon doona gulufka dagaal ee ka dhanka ah argagixisda seddexdiisa qeybood: dagaalka militeri, midka maaliyadda, iyo midka fikirka; si looga xoreeyo dhammaan deegannada ay ku harsan yihiin ee koonfurta iyo waqooyi bari Soomaaliya, iyada oo si degdeg ah lagu gaarsiinayo deegaannada la xoreeyo maamul iyo adeegyo dowladeed.
DFS waxay gacan weyn ku siineysaa Dowlad-goboleedyada sidii ay u hanan lahaayeen amniga deegaannadooda, halka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay si buuxda u gudan doonaan waajibaadkooda dastuuriga ah ee ka saaran difaaca guud ahaan dalka iyo danaha Soomaaliyeed. Maadaama aragagaxisu tahay khatar calami ah, waxaa lama huraan ah in iskaashi buuxa oo intii hore aad uga ballaaran ay DFS la sameyso saaxiibbadeeda caalamka si loo ciribtiro argagixisada caalamiga ah ee ay Al-Shabaab iyo Daacish qeybta ka yihiin.
Isku dayada gooni-u-goosadka
Dadka deegaanka Somaliland in ay maamul iyo kala dambeyn sameystaan waa wax waxtar u leh Dowladnimada iyo sharafta Soomaaliyeed balse aragtida gooni-goosadka ayaa ah mida khatarta ku ah amniga qaranka Soomaaliyeed. Maamulka Somaliland ee doonaya inuu dalka kala gooyo, lana fac-jirsaday burburka dowladnimada Soomaaliya, waxa uu si toos ah u kala dhantaalayaa midnimada dhuleed ee JFS, iyada oo ay Dowladda Federaalka heysato sharciyadda gudaha iyo dibedda si waafaqsan nidaamka dastuuriga ah ee Qaranka laga soo billaabo 1960kii iyo xeerarka caalamiga ah una taagan matalaadda JFS.
Arrintaan oo ka dhigan in gobannimadi JFS uu soo gaari karo dhaawac, maadaama Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan toos uga talin dhulka uu ka arrimiyo Maamulka Somaliland, taas oo macneheedu yahay ineysan si buuxda uga hirgaleynin shuruucda dalka u degsan, dowladda soomaaliyana ay masuuliyad ka saaran tahay wax walba oo ka yimaadda dhulka intaas la eg ee saameynaya amniga gobalka iyo kan caalamkaba.
Waxa ay JFS ku weyn kartaa gooni isutaagga Somaliland, haddii uu taabbagalo, qeybta ugu muhiimsan dhulkeeda marka la eego dhanka istiraatiijiyadda iyo siyaasadda juquraafiyadeed ee gobolka iyo midda caalamka. Ahmiyadda gaarka ah ee uu leeyahay dhulka ee ay ka arrimiyo Maamulka Somaliland waxaa kamid ah in xeebtiisa dheer ee ku teedsan tahay Gacanka Cadan oo ah mid kamid ah marinnada ugu muhiimsan ee caalamka, maadaama uu isku xiro Bedweynta Hindiya iyo Khaliijka Carbeed oo dhinac ah iyo Badda Cas, waxaana si fudud looga xakameyn karaa dhaqdhaqaaqa surinka Baabal Mandab oo leh ahmiyad aan ka yareyn tan Kannaalka Suweys. Rabitaanka gooni goosadka ee Maamulka Somaliland waxa ay si taban dhabbaha ugu xaareysaa in midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda la kala dhantaalo, oo deegaan kasta uu ku hamiyo kuna dhiirado in qayb kamid ah dhulka Jamhuuriyadda uu iskiis ula goosto, sidaas owgeed, waa khatar culus oo ka dhan ah badqabka midnimada dhulleed ee dalka.
Dowlad-Nugeylka
DFS waxa ay hiigsaneysaa wax ka qabashada dowlad-nugeylka ragaadiyay Soomaaliya tan iyo markii ay xornimada qaadatay. Waaa in dib u qaabeyn ballaaran lagu sameeyo fahamka iyo waxqabadka dowladda Soomaaliyeed, iyada oo saldhig looga dhigayo aragtiyo siyaasadeed oo aasaas sax ah u dhigaya dowlad-wanaag ku suntan sarreynta iyo talinta sharciga, hufnaan, daah-furnaan iyo dhowrista xuquuqda aadanaha, si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka, baaqyada iyo heshiisyada caalamiga ah. Waa in dib u habeyn ballaaran iyo horumarin degdeg ah lagu sameynayaa hay’adaha amniga iyo garsoorka dalka oo si dhab ah loo hubiyaa in waxa ay ka shaqeynayaan ay tahay danta qaranka iyo muwaadiniinta oo kaliya si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u taal.
Waaa in la hirgaliyaa hannaan siyaasadeed oo ku saleysan doonista dadka Soomaaliyeed iyo doorashooyin xor ah. Waxaa loo baahanyahay in la dhagax dhigo nidaam dhaqaale qaran oo ay ku wada manaafacsadaan dadka soomaaliyeed si caddaalad ah oo isu dheellitiran. Si guud, waxaa leysku howli doonaa in DFS iyo Dowlad-goboleedyada ay yeeshaan hay’ado dowladeed oo taabbagal ah kuna filan in adeegyo hufan oo loo siman yahay ay siiyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed. Waxaa lagama maarmaan ah in isbeddel weyn lagu sameeyo dhaqaalaha dalka iyada oo kor loo qaadayo dakhliga dowladda si loo abuuro awood dhaqaale oo isbeddel dhab ah lagu sameyn karo. Dhanka kale, DFS waa in ay awoodeeda isugu geyso sidi ay u xakameyn laheyd hubka, rasaasta iyo walxaha qarxa iyada la fulinayo siyaasadaha iyo habraacyada ay Xukuumadda Dan-Qaran u dejisay arrinkaas.
Isbeddelka Cimillada
Abaaraha, daadadka iyo khataraha ay xambaarsan yihiin ee isugu jira cunta yarida, biyo la’aanta, cudurrada faafa, nafaqo darrada iyo raadadka xanuunka badan ee ay ku reebaan nolosha iyo badqabka aadanaha waxa ay khatar ku yihiin geyiga iyo bulshada Soomaaliyed. Sidaa darted, waxaa lama huraan ah in dowladdu ka shaqeyso xakameynta iyo maareynta khataraha ka imaanaya isbeddelka cimillada ee ku dul habsaday dunida oo dhan. Waxaa mudnaanta koowaad leh xal u helidda biyo yarida iyo mashaakilka ragaadiyay wabiyadeenna, waana in la horumariyo waxsoosaarka beeraha Soomaaliya si hoos loogu dhigo cunno yarida khatarta weyn ku ah dadkeenna. Dowladda waxaa sidoo kale la gudboon in ay la timaado aragtiyo iyo siyaasado qaran oo mustaqbalka lagu xakameynayo fatahaadaha iyo daadadka dhibta weyn ku haya bulshada Soomaaliyeed, iyo sidii loo heli lahaa biyo nadiif ah oo ku filan dadka iyo duunyadaba.
Xuduuddaha Beylaha ah
Mas’uuliyadda koowaad ee DFS waa difaaca iyo gacan ku heynta dhammaan xuduudaheeda barriga, badda, cirka, iyo Internet-ka, si loo xaqiijiyo gobannimo dhab ah oo dhameystiran. Si loo xaaqijiyo mas’uuliyaddan, waa in si degdeg ah loo dardargaliyaa dhismaha qeybaha difaaca cirka, xuduudaha barriga iyo ciidamada badda Soomaaliyeed oo lagu qalabeynayo tiknaloojiyadda casriga ah ee ilaalinta iyo la socodka xuduudaha. DFS waa in ay iskaashi buuxa oo xuduudaha iyo socdaalka ku saabsan la yeelato dowladaha dariska oo aan danwadaag ku nahay arrimaha la xiriira amniga xuduudaha. Sidoo kale, waxaa mudnaan gaar ah leh sugidda amniga Internet-ka iyo kan duulista hawada iyo habraacyada amni ee garoommada iyo dekadaha dalka si kor loogu qaado heerka kalsoonida amni ee ka jirta goobahaas.
Faragelinta Shisheeye
Shisheeyaha daneeya Soomaaliya waxaa ay tahay in xiriirkoodu ku salaysnaado axdiyada urur goboleedyada iyo axdiga qaramada midoobay, iyo xeerarka ka dhashay ee lagu maareeyo xiriirada gobolka iyo kuwa caalamiga ah. Dowladdu waa in ay ka foojignaato faragelinta taabaneysa jiritaanka, dib u dhiska iyo horumarka siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo bulsho ee qaranka Soomaaliyeed, iyada oo adeegsaneysa awoodaheeda dastuuriga ah iyo siyaasad arrimo dibad oo la jaanqaadi karto isbedellada gobolka iyo caalamka. Si loola falgalo caadada iyo dabeecada xiriirada caalamka iyo shisheeyaha, waxaa DFS la gudboon in ay ka baaraan dagto sidi ay uga bixi laheyd u nuglaanta faragelinta shisheeye oo dalku dhisto hay’ado xirfad iyo awood ku ilaaliya danaha qaranka.
Khataraha Bulsho
Waxaa khatarahan kamid ah: Haybguurka, Qabyaaladda iyo Dagaallada Sokeeye, Fikir-diimeedka Xagjirka ah, Jahliga iyo Aqoon-xumida, Maandooriyaha iyo Saboolnimada.
Haybguurka ku socda dadka Soomaaliyeed oo si xowli ah u luminaya luqaddooda, dhaqankooda, taariikhdooda, abtirsiimadooda diimeed waxaa uu halis ku yahay midnimada iyo amniga qaranka JFS.
Waxaa nala gudboon in Dowladda iyo bulshada ay ka wada shaqeeyaan sidi loo dabargoyn lahaa aragtida ku saleysan naceybka, gaaleysiinta dadka Muslimiinta ah, rabshadaha, dowladnima-diidka iyo qaddarin la’aanta sooyaalka, dhaqanka, taariikhda iyo culimada sharafta leh ee ummadda Soomaaliyeed.
Horumarka dalka waxa uu ku xiran yahay in la helo jiil ku hubeysan qiyamka iyo mabaadii’da aasaasiga ee Qaranka Soomaaliyeed uu ku dhisan yahay. Dowladda waxaa la gudboon in ay ka shaqeyso tayeynta iyo horumarinta manhajka waxbarashada hoose ee lagu barbaarinayo carruurta Soomaaliyeed. Waxaa sida oo kale dib-u-habeyn iyo nidaamin u baahan tacliinta sare iyada oo xil gaar ah la iska saarayo sidii loo heli lahaa kulliyado iyo macaahid takhasusi ah oo lagu barto noocyada kala duwan ee culuumta casriga ah soona saara aqoonyahan leh hal-abuur, aqoon durugsanna u leh takhasusyada aasaaska u ah horumarka nolosha iyo qarannimada.
Sida oo kale, waxaa mudnaan gaar ah leh in la xoojiyo dadaallada xaqiiqa raadinta, runta iyo dhab-u-heshiinta, si mustaqbalka looga gudbo dagaallada sokeeye iyo colaadaha ragaadiyay dadka Soomaaliyeed ee walaalaha ah.
Khatarta maandooriyaha oo faro ba’an ku haysa dhallinyarada Soomaaliyeed iyadana waxaa lama huraan ah in lagu maareeyo siyaasad qaran iyo qorashayaal lagu xakameynayo maandooriyaha iyo adeegsiga khaldan ee daawooyinka.
Saboolnimada wajiyada badan “Multidimensional Poverty” waa khatar bulsho oo wiiqeysa amniga qaranka Soomaaliyeed, dowladduna waxa ay u baahan tahay in ay la timaado aragti, siyaasado, qorshayaal iyo barnaamijyo is dhammeystiraya, si kor loogu soo qaado heerka nolosha dad badan oo Soomaaliyeed oo ku nool xaalad ka hooseysa seeraha faqriga, waxaana mudnaanta kowaad la siinayaa maareynta barakacayaasha, deegaannada isku raranka ah iyo dhiirri galinta iyo horumarinta beeraleyda, xoola-dhaqatada, kalluumeysatada iyo xirfadleyda Soomaaliyeed.
Marin Habaabinta Warbaahinta & Xogaha Been Abuurka ah
Colaado badan oo dhex yaalla ummadda Soomaaliyeed iyo khataro bulsho oo aad u fara badan oo haysta shacabka Soomaaliyeed waxaa saldhig u ah marin habaabin xooggan oo lagu sameynayo bulshada Soomaaliyeed iyada oo la adeegsanayo qeybaha kala duwan ee warbaahinta gaar ahaan baraha bulshada ee ku xiran Internetka, waxaana marin habaabinta loo adeegsadaa ujeedooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin kicinta dadweynaha, iska horkeenka beelaha iyo kala fogeynta qeybaha kala duwan ee bulshada. Waxaa caadi noqotay caayda iyo aflagaadeynta nasabka iyo qabaa’ilka iyo marin habaabinta dadka Soomaaliyeed iyada oo lagu qancinaayo in beela kale ay si beelnimo ah u colaadinaayaan duullaanna ugu yihiin.
Marin habaabin diimeedka ku saleysan faafinta xogaha iyo fatwooyinka aan saxda aheyn, iyo ka been sheegidda diinta iyo culimada, ayaa iyadana ah nooc been abuur iyo marin habaabin aad u khatar badan oo uu ku bullaalo fikir diimeedka xagjirka ah laguna huriyo colaadaha diimeed iyo is naceybka u dhexeeya wadaaddada Soomaaliyeed, arrimahaas oo hurin kara colaado diimeed lagu lammaaniyey colaadihi beelaha u dhexeeyay ee loo tabar la’aa.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay la timid siyaasad cad oo ku aaddan khataraha jira waxa ayna ku howlan tahay sidii wax looga qaban lahaa khatarahaasi iyada oo raaceysa istiraatiijiyad qoran oo lagu gaari karo “Amni Qaran” oo shacabka Soomaaliyeed iyo Qarankoodu ugu naalloodaan dimoqraaddiyad, xorriyad, iyo nabad waarta.
Guud ahaan aragtida lagu xaqiijinayo amniga qaranka ee ay hoggaaminayaan Madaxweynaha & Ra’iisulwasaaraha JFS ayaa waxaa saldhig u ah xasillooni siyaasadeed, xiriirro caalami ah oo iskaashi iyo furfurnaan ku saleysan, kobac dhaqaale oo waxgal ah, dowlad-wanaag, iyo ciribtir lagu sameeyo argagixisada khatarta ku ah qarannimada soomaaliyeed.
Hufnaan Dawladnimo iyo Feejignaan Umadeed Ayaa Lagu Ilaaliyaa Danaha Qaranka iyo Badqabka Bulshada..
Xuseen Macallin Maxamuud Sheekh-Cali
——
Xuseen Macallin waa La-Taliyaha Amniga Qaranka.
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.
WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.
WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.
Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved