Diyaarad ay leedahay Ethiopian Airline oo shil ku gashay garoonka dayaaradaha Aadan Cadde

Muqdisho (WDN)- Wararka aanu ka helayno ilo ku sugan garoonka dayaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacey shil dayaaradeed waxaana la arkayey qiiqa dayaarad dab uu ka kacey, laga leeyahay Ethiopian Airlines.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dayaaradda shilku qabsadey ee Ethiopian Airlines, uu dhacey kadib markii mid ka mid ah garbaha dayaaradda ay dhabaha garoonka ku dhufatey halkaasi waxyeelo kasoo gaartey.

Rakaabkii iyo shaqaalihii saarnaa dayaaradda ayaa shilkaasi laga badbaadiyey, balse waxaa la arkayey qiiq ka baxaya dayaaradda mana jirto faahfaahin intaasi ka badan oo ku saabsan shilka dhacey heerka uu gaarsiisanyahay.

Ma jirto wax war ah oo ay kasoo saareen masuuliyiinta hay’adda duulista hawada iyo laamaha amaanka garoonka Aadan Cadde, waana dayaaraddii labaad oo sanadkaan gudihiisa shil ku gasha garoonkaasi.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.