Friday, December 06, 2019
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Dibumilicsiga Kaydka WDN: Hayb-sooc (Gabay)

Abwaan Maxamed Hiirad

Odhaahda Tifatirka: Gabayga Hayb-sooc oo uu tiriyay Abwaan Maxamed Hiirad, kuna soo baxay degelka WDN bishii Juun, 2007, waa gabay si qotodheer u iftiiminaya cunsuriyadda aan wax macnao ah ku dhisnayn ee ay Soomaalidu ku hayso qayb dhan oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed.

Iyadoo hadda laga joogo in ka badan 12 sano xilligii uu abwaanku gabaygan u soo bandhigay shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa nasiib darro ah in xaalka hayb-sooca aanay jirin habayaraatee wax iska bedelay. Sidaadarteed waxaan jeclaysanay mar kale in aan bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigno murtida weyn ee uu xanbaarsanyahay gabaygani.

Haddaba gabaygii iyo faallo uu xilligaas raaciayay Khaliil Cabdiraxmaan X. Xasan waa kan:

Hayb sooc ama takoorku waa dhaqan liita  oo lid ku ah  bani’aadanimada isla markaana si cad uga soo horjeeda waxyaabaha ay inna farayso diinta Islaamka ee muqaddaska  ah ee  Soomaalidu aaminsantahay.

Waa dhaqan soo jireen ah oo aan garawshiiyo lahayn, kana simantahay guud ahaanba Soomaalidu meel kasta oo ay ku nooshahay. Waa xad-gudub iyo goddob weyn oo laga galay qayb ka mid ah Soomaalida oo habayaraatee aanay jirin wax ay kaga geddisanyihiin bulshada inteeda kale.

Haddaba isagoo hayb-sooca ay Soomaalidu ku soo dhaqmaysay muddo dheer ayaa haddana inta ka dhiidhiday dhaqankan xun culumo iyo caamo mid kay doontaba ha ahaatee ay aad u yaryihiin. Taasi ayaana sababtay in dhaqankani muddo dheer soo jiro oo uu ilaa casrigan soo gaadho.

Haddaba muddooyinkan dambe waxaa jirtay in Soomaali badani ay dareemeen dhibta iyo xaqiraadda lagu hayo qabiilooyinka la hayb-sooco ee aan macno iyo xaqiiqo midna ku dhisnayn.

Inkastoo ay adagtahay in dhaqan muddo dheer soo jiray si dhib yar lagu tirtiro haddana waxaa waayadan dambe soo baxayay ifafaale muujinaya bislaanshaha bulshada Soomaaliyeed ee ku aaddan cidhibtirka dhaqamada liita ee hayb-soocu kawga ka yahay..

Haddaba gabaygan oo si qotodheer uga hadlaya hayb-sooca iyo macnaraddiisa  ayaa abwaanku dhinacyo badan ka eegayaa dhaqankan, isagoo isla markaana bulshada u soo bandhigaya su’aalo ay habbboontahay in qof kasta oo Soomaaliyeed jawaab waafi ah u raadiyo.

Waxaan filayaa inta laga maansooday hayb-sooca in aanu jirin qof sida abwaan Hiirad si qurux badan oo murti weyn ka dambeyso u soo bandhigay macna darrada hayb sooca.

Waxaan faalladan kooban ku soo qaadan doonaa qaybo ka mid ah gabaygan oo aan si gaar ah u eegi doono , ka dibna waxaan idiin soo bandhigi doonaa gabaygii oo idil.

Abwaan hiirad waxa uu ka amabaqaaday ugu horreynba sinnaanshaha bani’aadamka, taasi oo aanay jirin cid cid ka sareysa  iyadoo waxa keliya ee lagu kala horreeyaa ay tahay uun cabsida  Eebe. Tuduccyada soo socda ayaa arintaas si cad u qeexaya.

Siday tahay Calow inan rag waa   inuu sinnaadaaye

Ilaahii sameeyee khalqaa  siiyey sharaf weyne

Sinjigoodu waa Aadan iyo  sawjadduu qabaye

Sagaal bay kusoo wada dhashaan   bila sid hooyaade

Sargooyada diyada qoonta   iyo siman qisaastiiye

Sadbursiiyo weyn iyo ammaan   saayid lagu yeesho

Waa saamax Eebbiyo cabsidii,  ruux u saahidaye

Wixii kalee na kala saarayaa   waa sir iyo beene

Iyadoo haddaba uu abwaanku sidaa u aaminsanyahay sinnaanta bani’aamka ayaa waxa uu garawsan la’yahay in Soomaalidu ay qaybo bulshada ka mid ah xaqirto, islamarkaana aan laga dhiidhiyin sidii loo cidhibtiri lahaa dhaqankaas silloon ee haybsooca iyo xaqirraada ku dhisan. Waa kan abwaanka oo arrimahaas inoo iftiiminaya:

War Soomaali badankeed xaqii,  seege oo naca e

Waa saancad dhaqankii xun aad,  sii waddaa abide

Surma seegto qaar lagu hayaa,  soo taxnaan jiraye

Waxaa in badan la is weydiiyaa waxa ay dadka la hayb-sooco kaga geddisanyihiin Soomaalida inteeda kale?

Ma midab gaara ayay leeyihiin? Ma af gaara ayay ku hadlaan? Ma diin gaar ayay aaminsanyiin? Ma muuqaal ka duwan soomaalida inteeda kale ayay leeyihiin? 

Marka aad u dhabba gasho su’aalahan waxaa kuu soo baxay sabab la’aanta iyo macno darrada ay aragtida  hayb-soocu ku dhisanyahay.

Haddaba abwaanka ayaa sidoo kale waxa uu  ka yaabban yahay waxa keenay faquuqa lagu hayo dadkaas. Isagoo arimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi

Dad sokeeye saafiya ahoo  soo jireen nala ah

Oo aan sadcaal noogu iman,  saafir iyo geeddi

Oo nooga socon meel kaloo   ciidda nala saanya

Oo diinta saami u leh oo  sugaya towxiidka

Sunne iyo salaad faral kuwaa  nala sujuudaaya
Oo saalixiin wada ah oo  suufi iyo shiikh leh

Iyo qaar saraakiil ah oo saajacnimo sheegtay

Sikhinimo kuwaa lagu yaqaan,  soorta huriddeeda

Suugaan iyo abwaanimo kuwaa   saatir ugu deeqay

Oo suurad iyo nagala mida,  sawdka iyo caado

Midab suluba sanqaroorka iyo  saynax timahoo ah
Sogsoyada sarraxa taaganlee  siman dhammaantoodba

Kuwa aan nalaga soocahayn,  sawrac iyo fiiro

Sumcad xumo maxaa loogu yidhi,  waa sab iyo naaqus?

Maxaa loo sagsaagaa markuu sawjad naga doono?

Maxaa looga saahiday gabdho ah wada suleekhooyin?

Waa su’aal dadweynaha jawaab  laga sugaayaaye

Abwaanku uma arko oo keliya in dadka la hayb soocaa ay la simanyihiin Soomaalida inteeda kale, balse waxa uu aaminsanyahay inay yihiin kuwa bulshada ugu waxtarka badan loona baahnaa in si gaara loo ciseeyo.

Waxa uu abwaanku si qurux badan u soo ban dhigay waxqabadka beelaha la hayb sooco iyo kaalinta muhiimka ah ee ay ku leeyihiin adeegga bulshada.

Dadka kale sancada kii yaqaan waw sadburiyaaye

Billadaa la siiyaa martabad saaran abidkoode

Innagana midkii saar tumaa,  soo dhoweyn mudane

Safan cidhibta saafiyo ragaad   suulka jabinaaya

Sammad cagagub saydhiyo cagaag, dhiiggu salaqleeyo

Sunta bahalka hoosiyo hurgumo   saaqda bedenkoo dhan

Ka soo samata saaraha dadkii silic wixii haystey

Ee saanta xoolaha ka dhigay  suuman kabo maasa

Iyo kii biraha ugu sakhiray, sida la doonaayo

Warmo samay leh soodh iyo amley   seefta dananeysa

Gudin sawir leh yaambiyo masaar   jidibo soofaysan

Mindi sikhil la marshiyo mudaa  sabarad fiiq dheer leh

Mudac lagu sifsifo doobiyada   saabley iyo dhiilo

Saaniciinta dhaqankeenna wacan  soo wadaye haysey

Intii lagu sarraysiin lahaa   saayaqnimadooda

Sinnaan iyo haddii laga dafiray   saami saransooran

Waxa lagu saluugay dhimeen   yaa na solan siiya?

Ma waa kuwii wax soo saaray baa    sababta loo maagay?

Waa su’aal dad weynaha jawaab  laga sugaayaaye

Soomaalida siiba kuwa gobnimada ku faanaa kumaanay ekaan Soomaalinimada ay iskula qabka weyn yihiin ee ay walaalhooda kale ku faquuqayaan ee waxaa jirta in beel waliba ay meel kale iyo qawmiyado kale isha ku hayaan sheegtaana in ay halkaas ka soo jeedaan.

Abwaanka oo arintaas aad ula yaabban ayaa waxa uu isweydiinayaa yaa haddaba Soomaali noqonaya haddii sidaa looga wada cararayo

Sab haddii la yidhi sooma galo   magaca Soomaali

Oo qaar salool ugu tagaan carabta   reer  suura

Qaar kalana saadiyo noqdaan   nebi saxaabtiisa

Qaar soo hankaabsaday hadduu   ina Sucuud sheegtay

Oo qaar sawaaxili noqdeen   sananka waaweyn leh

Oo qaar yuhuud u suntanaa   saaka la ogaaday

Singa singe qaar lagu xantana   soo baxeen maanta

Inta kalana sahankii u raray   saylad lagu biiro

Soomaali yaa noqon dadyahow  laysu wada seexshey

Waa su’aal abwaanada jawaab   laga sugaayaaye

Waxaan shaki lahayn in abwaanku uu hab murti weyn ku dhisan uu ku muujiyay arinta hayb sooca qofkasta oo si aadda u dhuuxaana ay waano uu wax ku qaato u noqonayso.

Abwaan Maxamed Hiirad oo gabaygii oo dhan bulshada u soo bandhigaya, kana hadlaya sababta ku kaliftay tirinta gabaygan, iyo madashii ugu horeysay ee uu ka tiriyay ayaa waxa uu yidhi:-

Gabaygan waxaan ka mariyey xaalad soo jireen ah oo Soomaalida dhaqamadeeda xun ka mid ah. Taas oo ah takoorka dadkeenna dhexdiisa ka jira.  Waxaa jirtay in aan la yaabi jiray takoorka, in badana isweydiiyay maxaa dhacay oo dadka qaarkiis loo xaqiraa? Hase yeeshee jawaab i qancisa ma helin. Sidaa darteed waxaan rabaa in aan dadka Soomaalida ah gabay ku weydiiyo sababta uu takoorku dexdheenna uga jiro.

Waxa gabaygani soo baxay bishii  Abril, 18, 2002.  Laba magac baa gabaygan ku jira. Mid waa ninka aan ku halqabsaday oo ah Cali Cabdi Nuur (Cali Dhoof) oo jooga dalka Kanada, kan kalana waa Maxamed Xasan “Dillaal” oo aanu isku magaalo deggenahay. Labada ninba waa rag aanu saxiib nahay. Gabaygiina waa kan:

Caliyow ninkii subaxya badan,   soo jiraye nooli

Wuxuu soo ogaan jiray hadduu  sabab u raadceeyo

Oo samada eegoo wax badan,  sananiyoo reemo

Waxaan laba sugayn buu mar uun,  sahal u sheegaaye

Marka hore salaan iyo walaal  duco san aamiinso

Sodcaal iyo negaanshiyo fadhiga, seexashiyo taagni

Midkii aad ku sugan tahay Ilaah,  kugu salaameeye

Saxariirka aakhiro Rabbigeen sahalo,  kuu yeelye

Kuu sakhir sareedada adduun   saami waafiyahe

Saaxiibtaa Ilaah kaaga yeel,  suubban baarriyahe

Ubadkana saciidiin ka yeel diinta saacida e

Dabadeedna sowdkayga weri,  iyo su’aashayda

Siday tahay Calow inan rag waa   inuu sinnaadaaye

Ilaahii sameeyee khalqaa  siiyey sharaf weyne

Sinjigoodu waa Aadan iyo  sawjadduu qabaye

Sagaal bay kusoo wada dhashaan   bila sid hooyaade

Sargooyada diyada qoonta   iyo siman qisaastiiye

Sad bursiiyo weyn iyo ammaan   saayid lagu yeesho

Waa saamax Eebbiyo cabsidii,  ruux u saahidaye

Wixii kalee na kala saarayaa   waa sir iyo beene

War Soomaali badankeed xaqii,  seege oo naca e

Waa saancad dhaqankii xun aad,  sii waddaa abide

Surma seegto qaar lagu hayaa,  soo taxnaan jiraye

Surinkaad walaalkaa dhigtaa   waa ku sugayaaye

Dulmigaa la saaciday xaqaa,  sula la waydaartay

Waa waxa surkii ina jariyo,  seedihii dhabare.

Qaxootiga sunsumay waakan tuban siibadaha gaale

Dad sokeeye saafiya ahoo  soo jireen nala ah

Oo aan sadcaal noogu iman,  saafir iyo geeddi

Oo nooga socon meel kaloo   ciidda nala saanya

Oo diinta saami u leh oo  sugaya towxiidka

Sunne iyo salaad faral kuwaa  nala sujuudaaya
Oo saalixiin wada ah oo  suufi iyo shiikh leh

Iyo qaar saraakiil ah oo saajacnimo sheegtay

Sikhinimo kuwaa lagu yaqaan,  soorta huriddeeda

Suugaan iyo abwaanimo kuwaa   saatir ugu deeqay

Oo suurad iyo nagala mida,  sawdka iyo caado


Midab suluba sanqaroorka iyo  saynax timahoo ah
Sogsoyada sarraxa taaganlee  siman dhammaantoodba

Kuwa aan nalaga soocahayn,  sawrac iyo fiiro

Sumcad xumo maxaa loogu yidhi,  waa sab iyo naaqus?

Maxaa loo sagsaagaa markuu sawjad naga doono?

Maxaa looga saahiday gabdho ah wada suleekhooyin?

Waa su’aal dadweynaha jawaab  laga sugaayaaye

Sax inaynu nahay iyo inaan   saaruf  nahay waalan

Kala saari waayoo anigu   waan sahwiyayaaye

Haddii seere guur jiro hablaha   sumalxad loo diiday

Maxaa gaal sarkhaaniyo kufrigu  saami ugu yeeshay?

Yaa siiyey madaw saaqidiyo   sal iyo hoy laawe?

Waa su’aal dadweynaha jawaab,  laga sugaayaaye

Afartaa salaan sharaf leh iyo   saarid calankeen dheh

Suugaan aan sir iyo xeel lahayn  soo bandhigiddeed dheh

Sayid Aadan Carab iyo sidii  Samatar maw sheegay

Samadoon xaqoodii sugnaa   siin ma ka higaadshey

Sadar kalana waa xaajo aan  sabab u soo waayey

Dadka kale sancada kii yaqaan waw sad buriyaaye

Billadaa la siiyaa martabad saaran abidkoode

Innagana midkii saar tumaa,  soo dhoweyn mudane

Safan cidhibta saafiyo ragaad   suulka jabinaaya

Sammad cagagub saydhiyo cagaag, dhiigu salaqleeyo

Sunta bahalka hoosiyo hurgumo   saaqda bedenkoo dhan

Ka soo samata saaraha dadkii silic wixii haystey

Ee saanta xoolaha ka dhigay  suuman kabo maasa

Iyo kii biraha ugu sakhiray, sida la doonaayo

Warmo samay leh soodh iyo amley   seefta dananeysa

Gudin sawir leh yaambiyo masaar   jidibo soofaysan

Mindi sikhil la marshiyo mudaa   sabarad fiiq dheer leh

Mudac lagu sifsifo doobiyada   saabley iyo dhiilo

Saaniciinta dhaqankeenna wacan  soo wadaye haysey

Intii lagu sarraysiin lahaa   saayaqnimadooda

Sinnaan iyo haddii laga dafiray   saami saransooran

Waxa lagu saluugay dhimeen   yaa na solan siiya?

Ma waa kuwii wax soo saaray baa    sababta loo maagay?

Waa su’aal dad weynaha jawaab  laga sugaayaaye

Afartaana saymaha gugiyo   sagal aruuryaad dheh

Sool iyo Sanaag iyo Shaxdiyo   sadaradii hawd dheh

Xaq la seegay qaar laga sir galay    saani ma u sheegay

Sawd kalena waa  xaajo aan    sax u malayn waayay

Duulkii salleeliya murtidu   waa ka sibiqdaaye

Been bay sad moodaan runtuna   waw sun iyo hooge

Waxaan suura gelin bay waqood    kuu sawirayaane

Sab haddii la yidhi sooma galo   magaca Soomaali

Oo qaar salool ugu tagaan carabta   reer  suura

Qaar kalana saadiyo noqdaan   nebi saxaabtiisa

Qaar soo hankaabsaday hadduu   ina Sucuud sheegtay

Oo qaar sawaaxili noqdeen   sananka waaweyn leh

Oo qaar yuhuud u suntanaa   saaka la ogaaday

Singa singe qaar lagu xantana   soo baxeen warar ah

Inta kalana sahankii u raray   saylad lagu biiro

Soomaali yaa noqon dadyahow  laysu wada seexshey

Waa su’aal abwaanada jawaab   laga sugaayaaye

Anigana siday ila tihiyo   maan salkaba gaadho

Maan soo gunaanado murtida   sii wad lagaroone

Kala soconayaa oo dad kale   sidig ku raacnaaba

Kala soocannaa oo badhkeen  sabo ku sheegnaaba

Suuraddaa Ilaah noo khalqiyo  sawdka hadalkeenna

Iyo magacan uu sugay intuu  soohdin nagu beeray 

Cid uu siiyey may jirin horteen  sugina maysaane

Innagaa wax kala saar wadniyo  kala sarrayntaase

Innagaa midkii sebiyo badan    kibir sarkhaamaaye

Innagaa midkii seben dhergaa   talada seegaaye

Innagaa midkii sado helaa seef   la kacayaaye

Innagaa midkuu seegay calaf   samir darraadaaye

Innagaa sokeeyaha nacnoo  waabna geed sare e

Siinleydan aan daabiciyo  sadaradaan qeexay

Mar haddaan sadriga loo furayn  samo ninkii doona

Soomaali weyntii haddii  laga  sabool haaday

Sugi maayo calan lay sudhiyo   sidasha faankiise 

Sugimaayo xeer loo sinmiyo   diin la saacido e

Sida uu Dillaal yidhi ra’yigu  waa sad qaaliya e

Bal inay saqiiradu xuquuq siman ku naalooto

Ubadkaad siddaan iyo kuwaa  soo socda u meersha

Anigana sawaab iyo ajraa  Eebbe igu siine

W.T. Abwaan Maxamed Hiirad

Email: [email protected]

Faalladii: Khaliil C. Xasan

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2019 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.