Wednesday, April 24, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Dhanbaal kusocda Ergada, Xildhibaannada & Musharixiinta doorashada soo socota

WQ: Xamdi Wardhere Maxamed

Dulmar

Tan iyo markii dib loo yag-leelay hannaanka dowladnimo ee Soomaaliya kadib burburkii, lagana gudbay xilligii kumeel gaarka ahaa, waxaa dalka u billowday waaya cusub oo dhanka siyaasadda ah, waxaanan markale noqonay dal iyo dad aayahooda ka tashan kara, qorta sharuucdooda, udubada u taagay haykal dowladnimo oo heerar iyo waajibaad kala duwan leh, xal aan gacan kahadal aheyn oo Soomaalinimo u raadiya khilaafaadka dhexdooda kajira, islamarkaana doorta madaxda hoggaamineysa afartii sannaba mar. Inkastoo, lagu tillaabsaday guulo waaweyn oo uu garan karo qofkasta oo darsay ama usoo joogay dal iyo dad kasoo kabanaya burbur rubac qarni ah, haddana dad badan ayaa qaba in la tiigsan karay yool ka wanaagsan midka lagaaray. Wallow uusan masuuliyadda eedda dhinac gaar ah laheyn, misna meelaha sida gaarka farta loogu goday waxaa kamid habka doorasho ee aysan shacabku inta badan aragti iyo cod kulaheyn xubnaha matelaya, aqoonsiga siyaasadeed iyo matalaada qabaa,ilka oo wali ka awood badan mida deegaanka ama xisbiga, madaxda maamul goboleedyada oo mararka qaar caqabad kunoqda ama kumilma hardanka siyaasada heer federal iyo hormarka adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada oo wali liita ama meelaha qaar aanan abuurneyn-ba. 

Xilligaan oo ah xili xasaasi ah oo loo jaheystay ololaha doorashada heer federaal oo iskugu jirta doorashada xildhibaanada labada aqal iyo mida madaxweynaha dalka ayaa la dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo iska soo horjeeda oo u dhaxeeya musharaxiin mucaarad ah oo dhamaantood si gaar gaar ah ugu taagan qabashada xilka madaxweynaha iyo madaxda dowlada hadda ka arrimisa dalka oo xusul-duub ugu jirta sidii ay kusoo laaban lahaayeen. Haddaba, qormadaan waxay xambaarsan tahay farriimo dardaaran oo ku wajahan Ergada soo dooran doonta xildhibaannada soo socda ee 11-aad, Xildhibaanada 11-aad ee nasiibka u helay inay matalaan xuquuqda cod-bixineed ee shacabka iyo Musharaxiinta faraha badan ee u taagan xilka madaxweynenimo ee dalka.

1. Farriinta ku wajahan Ergada dooran doonta xildhibaannada soo socda ee 11-aad

Ergada soo dooran doonta xildhibaannada soo socda dabcan waxay xambaarsan yihiin masuuliyad weyn oo natiijada ka dhalata ay saameyn gaar ah ku yeelan doonto nafta shaqsigaas, midda mustaqbalka qoyskiisa iyo guud ahaan nolosha iyo horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo dhan. Waana waajib nafsiyan ah inuu yeesho aragti kadheer midda shillimaadka dhaqaale, raaligalinta shaqsi gaar ah iyo qabyaalad ama xamaasadda aanan cilmiga ku fadhinin oo codkiisa qiimaha iyo miisanka leh meel qaldan u weecin karta. Waa inuu shaqsiga ergayga ah gartaa in codkiisa ay ku lammaan yihiin xaquuqda cod-bixin oo malaayiin Soomaali ah, codkaas oo ku dhaca meel aan mudneyn-na ay dadka iyo dalkaba u horseedi doonto 4-sano oo dib u dhac iyo jahwareer ah.

Haddii aan tusaale usoo qaadano dhacdo quseeysa kala xulashada ama codsiinta siyaasiga waxqabadka iyo horumarka hoggaamineed leh iyo midka heeryadiisa cunaha ah oo aan cashar dhaxalgal ah ka baran karno, waxaan dul istaagaynaa dhacdo cajiib ah oo ka dhacday dalka Nigeria ee galbeed Africa. Sannadkii 2015-ka waxaa doorasho aad u adag ay dhexmartay madaxweynaha hadda talada dalkaas haya ee Muhammadu Buhari oo xilkan horey afgambi military ugusoo qabtay sannadadii u dhaxeysay 1983-1985-kii iyo Goodluck Jonathan oo horey usoo noqday madaxweyne kuxigeenka dalka intii u dhaxeysay 2007-2010-kii ugu danbeyna xilka madaxweynaha hayey sannadadii 2010-2015-ka kadib geeridii ku timid madaxweynihii markaas xilka hayey Umaru Yar’Adua. Nigeria waa waddan leh taariikh dheer oo khilaafaad iyo isku dhaca qowmiyadaha iyo diimaha ah, waana sababta marwalba isha loogu hayo musharraxa xilka dalka qabanaya iyo halka uu kasoo jeedo ayadoo ay xusid mudan tahay in labadaan musharax kasoo kala jeedaan diimaha Islaamka iyo Masiixiga.

Ololihii doorashada 2015-ka markii ay ku loolameen Buhari iyo Jonathan, waxuu ugu danbeyn tartankoodii ku soo biyo shubtay deegaanka Ogbia oo ah halkii uu ku dhashay madaxweynihii waqtigaas xilka kasii dagayey ee Goodluck Jonathan, islamarkaana ah deegaan ay dadkiisu haystaan diinta Masiixiga. Markii uu Jonathan yimid deegaanka, waxuu la kulmay dadkii il-dheer garadka ahaa, ganacsatadii iyo siyaasiyiinta deegaanka asagoo u sheegay inuu yahay wiilkooda la wadaaga deegaan, dhalasho iyo diin intaba, sidaadarteed inay siiyaan taageeradooda iyo codkooda. Markii uu hadalka dhammeystay, waxaa hadalka qaatay bulshadii deegaanka, waxayna u sheegeen in waddada laamiga ah ee uu markaas Jonathan ku yimid uu dhisay ninka asaga la tartamaya ee Buhari xilligii 1983-1985-kii taasoo kamid ah horumarka la taaban karo ee uu deegaankaan ka qabtay asagoo aan nala wadaagin deegaan iyo diin midna, halka adiga oo wadar ahaan mudo 8 sanno ahaa madaxweyne iyo madaxweyne kuxigeenba aadan waxba u qaban deegaanka aad maanta xasuusatay ee aad sheeganayso, sidaa darteed waxaan hortaada ka caddeynaynaa inaan codkeena iyo taageeradeenaba siin doono Muhammadu Buhari oo aan diin, deegaan iyo lahjad midna nala wadaagin, taasoo ay ugu danbeyn ka rumeeyeen.

Haddaba, waxaan ka bulsho ahaan dhacdadaan ka baran karnaa in dhaqanka siyaasadda dalkeena ee salka ku haya xamaasadda iyo jibada reeernimo oo ah waxa ay siyaasiyiintu inta badan ku beerlaxawsadaan bulshada ay matalaan xilliga ay cod doonka yihiin uusan la jaanqaadi karin horumarka uu dalkeenu tiigsanaayo. Ujeedku ma ahan in qabaa’ilka waqtigaan laga gudbo oo aanan lagu saleyn doorashada xilligeeda lagu jiro dabcan waqtigan qabaa’ilku waa aqoonsiga siyaasadeed ee loo gartay inuu jaangoyn karo awood qeybsiga dadka Soomaaliyeed inta laga helayo xalal kale oo badala, laakiin ujeedku waa in ay ergada wax dooran doonta miisaan kala saaraan siyaasiyiinta ay u codeynayaan ee isla beeshooda ah ayagoo sal uga dhigaya waxqabadkoodii hore, aqoonta shaqsiga, sharafta uu bulshada ku dhex leeyahay, sida joogtada ah oo uu ugu xiran yahay deegaanka iyo bulshada uu doonayo inuu matalo iyo gudashada waajibaadkiisa qaran. Waxaa ceeb adduun iyo mid aakhiraba ah in qayimka iyo go,aanka ergada wax dooranaysa lagu jaangooyo shilimaadka siyaasiyiinta kabaxa balse uusan jaangoyn dhibaatada amni, dhaqaale iyo shaqo la’aaneed ee bulshadiisa iyo dalkaba ka jiri karta.

Dhabtii waxaa muuqata dayacaad mas’uuliyad wadareed ah oo ay qeyb ka yihiin dhammaan qeybaha bulsha sida culumada, aqoonyahanka, il-dheer garadka iyo dhallinyarada taasoo ah inaysan si saxan u qaadan mas’uuliyaddooda marka ay taladu gacanta ugu jirto ka beel ahaan iyo ka bulsho ahaanba, laakiin qeylo, eed iyo catoow lasoo shirtagaan waqti yar kadib. Haddaba, aan isla qaadanno oraahdii aheyd ‘Alif kaa xumaaday Albaqra kaama haro’ oo aan talo la ruugay iyo siyaasi aan hubno sifaha wanaagiisa iyo waxqabadkiisa talada u dhiibano intay taladu nala gudboon tahay.

2. Farriinta ku wajahan xildhibaannada soo socda ee 11-aad

Hay’adda sharci-dajinta ama baarlamaanku waxay ka mid tahay hay’adaha ugu awoodda sarreeya hay-kalka dowladnimada casriga ah, waana hay’adda sida gaarka ah ugu qaabilsan dajinta sharuucda dalka lagu maamulayo, dul-joogteynta habka loo fulinayo, la xisaabtanka hay’adda fulinta iyo howlo kale oo tiir-dhexaad u ah dowladnimada dalka. Marka howlaha kale ee loo idmaday baarlamaanka Soomaaliya laga soo tago, waxaa sidookale in muddo ah gacanta ugu jiray masuuliyadda go’aan ka-gaarista doorashada madaxweynaha dalka maadaama wali uusan dalku kuguuleysan doorasho qof iyo cod ah oo awoodda dib ugu celin laheyd shacabka. Wallow uusan fulay xantiisa moogeyn, haddana doorashooyinkii dalka soo maray waxaa farta lagu godayey hufnaanta iyo go’aan qaadashada xildhibaannada ayadoo si gaar ah la iskugu xiro xiriir hoose oo ka dhaxeeya dhaq-dhaqaaqa jeebka iyo codka.

  • Maxaa fududeeya jalaabashada shillimaadka xilliga doorashada?

Marka laga soo tago eedaha damaca dhaqaale ee la tuhunsan yahay in la is-dhaafsado xilliga doorashada, haddana waxaa jira waddooyin farabadan oo u fududeynaya inuu mas’uulku dhaqaale ka abuuro maalinta codbixinta doorashada madaxweynaha, taasoo ay ka mid yihiin in marka qofku uu damco inuu u tartamo kursiga xildhibaanimo caqabadaha ugu horreeya ee soo wajaha ay ka mid tahay dhaqaalaha ku baxaya ololaha doorashadiisa, haddana sida caalamka lagu arko aysan dalkeena ka jirin xisbiyo leh akoono furan oo ay taageerayaashiisu yabooh dhaqaale ku gaarsiiyaan musharaxiinta heerarka kala duwan u tartamaya, taasoo caawin laheyd musharraxiinta baarlamaanka. Waxaa sidoo kale meesha ka maqan taageerada dhaqaale ee ay siyaasiyiinta ka helaan daneeyayaasha siyaasadda sida ganacsatada oo maalgalin hoose ku sameeya ololaha doorashada musharraxiinta ugana badasha inay siyaasiyiintu dhankooda ka caawiyaan dano gaar ah oo ay doorbidayaan markii ay kuraasta ku guuleystaan.

Waxaa intaas dheer in dalku yahay sabool oo aysan isku dheeli-tirnayn damaca siyaasadeed iyo dhaqaale ee qofka, taasoo ku qaadda inuu qofku raadiyo waddooyin kale oo aan munaasab aheyn balse uu u arko inuu ku gaari karo yoolkiisa. Waxaan meesha ka marneyn in ergada wax dooranaysa aysan ku saleyn xulashadooda aqoonta iyo waxqabadka qofka midna balse laga yaabo inay ku qiimeeyaan miisanka dhaqaale ee musharraxa. Hab-dhaqanka iyo anshaxa guud ee bulshada ayaa qudhiisa dhiirigalinaya dabeecadaha wax is-dhaafsiga cod bixiyaha iyo cod raadiyaha maadaama sharaf iyo dabasocod loo muujiyo shaqsiyaadkii kusoo baxay habkaas foosha xun. Haddaba, ayadoo ka warheyno inay jiraan culeysyadaas oo dhan, misna marnaba ma xalaaleyn karto in dantii ummadda looga faa’ideysto danta shaqsiga ah. Dabcan ololaha doorashadu ma guulaysanayo haddii uusan dhaqaale haysan balse ahmiyaddu waxay tahay hufnaanta ama xalaal-nimada isha dhaqaalahaas laga keenayo.

  • Maxaa la gudboon xildhibaannada soo socda?

Xildhibaanada sharafta leh ee soo socda siday rabaan-ba ha kusoo baxaane, waxay tahay inay ilaaliyaan waajibaadka insaan-nimo, muwaadin-nimo iyo midda Islaam-nimo ee ka saaran dalka iyo dadka Soomaaliyeed, taasoo ay kitaab ugu dhaarteen. Waa inay codkooda miisaanka leh bulshada ugu dooraan shaqsi ay aaminsan yihiin inuu leeyahay tayo aqoonneed, waaya-aragnimo, waddaniyad, dulqaad iyo tanaasul, fahmi karana waaqaca amni, siyaasad, dhaqaale iyo wada noolaanshaha bulshada. Mudane/ marwo xildhibaan, inta aadan codkaaga ku ridin sanduuqa cod-bixinta, iskuday inaad waqti kooban ka fakarto hooyada, ubadka iyo waayeelka gaajoonaya ama ka soo hayaamay guryahoodii, ku fakar dhallinyarada 80% lagu qiyaasay ee mustaqbalka idinka sugaya, ku fakar caqabadaha amni ee ku xeeran nolosha ummadda Soomaaliyeed, ku fakar inaad adiga iyo inta maalintaas fursadda haysta inaad noqotaan kuwii horseedi lahaa sahanka mustaqbal ifaya oo lagu hago Soomaaliyada berri. Mudane/marwo, waxaad damac walba oo kaa leexin kara dhabbaha toosan ku ilowdaa inay adduun iyo aakhiro kala badan yihiin, su’aalna aad maalinta khiyaame ku mudan doonto haddii aad ku tagri-fasho mas’uuliyadda laguu idmaday.

3. Farriin ku socota musharrixiinta xilka madaxweynaha

Doorashada xilka madaxweynaha waxaa sannadkaan u taagan musharraxiin aad u fara badan, taasoo marka dhanka fur-furnaanta siyaasadeed iyo dimuqraadiyadda laga eego horumar wanaagsan oo dhanka siyaasadda laga gaaray muujinaysa, balse marka la eego kala socoshada iyo wax isku quurid la’aan-tana muujinaysa habac-sanaan fahamka dhanka siyaasadda ah. Ololaha doorashada waxay u baahan tahay inuu musharraxa tartamaya fahan balaaran ka haysto xilliga munaasabka ah ee uu fursadda leeyahay iyo xilliga laga leeyahay, waana inuu daraasad iyo qiimeyn ku sameeyaa cidda uu codka ka raadinayo, cidda tartanka kula-jirta, taageerada ku xeeran iyo awoodda dhaqaale iyo saxaafad ee ololihiisa. Sida doorashooyinkii horey dalka usoo maray laga bartay, waxaa tartanka madaxweynaha isku soo sharraxa musharraxiin aad u badan oo aan miisaan iyo mug siyaasadeed midna laheyn laakiin qaab boos-buuxin lagu tilmaami karo iskugu dara liiska musharraxiinta.

Muhimaddu waxay tahay inay musharraxiintu marka hore aqbalaan inuusan kursiga madaxweynuhu qeyb-samin oo mid qura yahay laakiin ay jiraan xilal kale oo aad muhiim ugu ah dalka iyo meeqaamka shaqsigaba oo lawadaagi karo sida xilka raysul-wasaaraha, wasiirrada, danjireyaasha, xog-haynta iyo kuwakale. Maadaama ciyaarta siyaasaddu tahay ‘ii miis aan kuu miisee’ waxaa musharraxiinta la gudboon inay taageeradooda ku biiriyaan musharraxa markaas ugu tunka weyn ayadoo gor-gortanka awood qeybsiga lagu jaangoynayo meeqaamka musharraxiinta hadba inta uu la eg yahay, taasoo sahli karta doorasho xiiso leh, musharraxiin kooban oo la darsi karo shaqsiyaddooda iyo cidda ku xeeran, meeshana ka saari karta isbar-baryaaca jira.

Sida aan ka baranay doorashooyinkii nasoo maray, musharraxiinta markaas mucaaradka ah waxay qudbadahooda kusoo bandhigaan ballan- qaad aad u badan oo ay tuhmayaan inay xukuumadihii hore ku guuleysan waayeen, taasoo marka la dhageysanayo kusoo jiidaneysa laakiin marka si hoose loo dhuuxo su’aal aadan jawaab u heleyn kugu reebaysa sida loo hirgalin karo iyo wadiiqooyinka lagusoo ogaaday in la hirgalin karo markii horeba. Xaqiiqdii, inta badan ballan-qaadyadaasi waxay kusoo dhammaadaan ayagoo aanan lagu guuleysan, taasoo jahwareer ku reebta maskaxda shacabka oo ah dhibbanaha ugu weyn inuu ka lasaari waayo musharraxa la rumeysan karo iyo kan kale. Haddaba, waxaa dhammaan musharraxiinta la gudboon inaysan ballan-qaadin waxqabad uu mugdi kaga jiro fulintiisa oo ay ka run sheegaan hadba inta ay awooddooda waxqabad gaari karto, sababtoo ah waa tii uu Alle (SWT) nagu yiri:                                                                                                          

(يا أيها الذين آمنوا لم تقولون مالا تفعلون ، كبر مقتآ عند الله أن تقولوا مالا تفعلون)

Marwalba waa kala labo waxa aad jeclaan laheyd iyo waxa xaqiiqda ah ee ku horyaala, dabcan inta badan siyaasiyiinta damiirka leh way jeclaan lahaayeen Soomaaliya oo adduunka ugu hormarsan laakiin waa inaan aqbalnaa inay ka horreyso hawl adag oo dheer. Waxaa kale oo xusid mudan inaan fahanno in marka maamulka dowliga ah bannaanka laga taagan yahay iyo marka gacmaha lagula jiro ay kala duwan yihiin annagoo hubna in musharraxiin badan oo maanta howshu la sahlan tahay aragti kale qaadan doonaan markay maamulka qabtaan.

Haddaan tusaale usoo qaaddano dhacdo xiriir dhow la leh ballan-qaadka siyaasiga iyo sida ay wax ula fudud yihiin marka uu bannaanka ka joogo maamulka dowliga ah iyo culeyska uu dareemo marka qudhiisa xilka loo dhiibo, waxaan tusaale usoo qaadanaynaa Moncef Marzouki oo ah siyaasi ruugcaddaa iyo gayfane xuquuqda aadanaha ah oo u dhashay dalka Tunusia kaasoo xilli dheer mucaarad ku ahaa hab maamulkii adkaa ee hoggaamiyihii waqtiga dheer dalkaas xukumayeyBin Ali. Qoddobada uu aadka carrabka ugu adkeyn jiray Marzouki xilligii uu hoggaaminayey iskusoo baxyadii xukunka ka tuuray Bin Ali, waxaa ugu muhiimsanaa la dagaalanka musuqa iyo shaqo la’aanta dhallinyarada Tunusia taasoo uu ku kasbaday taageero farabadan oo markii danbe horseeday in loo doorto madaxweynaha kumeel gaarka ahaa muddadii  2011-2014-ka.

Kadib 3 sanno oo uu hayey xukunka dalka, Marzouki waxuu asagoo wareysi siinaya TV-ga Al-Jazeera laanteeda afka English-ka gaar ahaan barnaamijka (Talk to Al-Jazeera) la weydiiyay su’aal aheyd; intii ay socdeen bannaan-baxyadii lagu tuuray Bin Ali waxaad cod-dheer ku sheegi jirtay la dagaalanka musuqa iyo shaqo abuuridda dhalinyarada, 3 sanno kadib ma muuqdaan wax isbadal ah, maxaa u sabab ah?. Marzouki ayaa ku jawaabay in markii uu bannaanka ka taagnaa maamulka dowliga ah uu fududeysan jiray waxka qabashada dhibaatooyinka markaas muuqday laakiin markii uu xukunka qabtay la kulmay fatahaado caqabado ah oo ay tahay in mid walba iskeed loo xaliyo. Jawaabta siyaasigan waxaa laga dheehan karaa farqiga u dhaxeeya marka xilka dibedda laga taagan yahay iyo culeyska la wajahayo marka aad dhex-gasho xukunka, taasoo ay tahay inay cashar ka bartaan musharraxiinta ballan-qaadyada faraha badan sameynaya xilliga doorashada iyo kuwa dura waxqabadka xukuumadaha markaas jooga.

Waxaa sidoo kale habboon inay siyaasiyiinta iskuhaya talada dalku kala gartaan inay jirto maslaxad u dhaxeysa wadajirid iyo kala tagid siyaasadeed oo ah wada noolaansho aanan la isku xad-gudbeyn. Maalmahan waxay shacabku maqlayaan farriimo iyo baaqyo aan u wanaagsaneyn dhagaha. Sida la ogyahay majiro siyaasi moog waxii dalka ka dhacay iyo dhibaatadii lagasoo maray isku keenistiisa. Dhabtii, dadka dalkaan xiiso uma hayo abuurista iyo sacab tunka qalalaase siyaasadeed oo laga leeyahay dano gaar ah oo waa ay ka daaleen. Haddaba, waxay tahay in labada dhinac-ba gartaan mas’uuliyaddooda hoggaamineed iyo inay dalkaan wada leeyihiin kuna xalin karaan kala aragti duwanaanshahooda wadahal iyo isku tanaasul ugu danbeyn dhabbaha u xaara doorasho la isku raacsan yahay.

Gunaanad 

Sida muuqata dalku waxuu ku tallaabsanayaa guulo siyaasadeed oo qori isku dhiib ah ayna tahay in qofwalba ku yabooho doorkiisa talo iyo toosineed. Shaki kama jiro inay jiraan dul-duleello u baahan fahan guud iyo sixitaan si horey loogu socdo laakiin waa in laga fogaadaa waxkasta oo hagar-daameyn kara guulihii lagu tallaabsaday. Waa inaan isla garanaa in doorka yag-leelidda siyaasad xasilloon aysan laheyn dowladda iyo siyaasiyiinta oo qura balse ay tahay mas’uuliyad wadareed kasoo bilaabata wacyiga iyo garaadka shaqsiga, qoyska iyo bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale shacabku waa inay ka feejig-naadaan inay ku kala dhintaan taageeridda siyaasiyiinta isku haya talada dalka oo aysan noqon xaabadii dabka lagu shidi lahaa. Waa wax caadi ah in xilliyada ay jiraan ololaha doorashada siyaasiyiintu kala aragti fogaadaan ama hawada isku mariyaan kalmado xanaf leh, maalmo yar kadibna wada qaxweeyaan. Sidaa darteed, shacabow waxaa adiga kuu dan ah Soomaaliya xasilloon, hormarsan oo aad adiga iyo qoyskaagu nabad iyo xornimo ugu noolaataan.

W/Q: Xamdi Wardhere Maxamed

Facebook: Xamdi Wardheere

Gmail: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.