Aweys Saddiiq Mayow waa farsamo yaqaan ku shaqeysta sameynta fadhiyada. Wuxuu ka mid yahay 25 dhallinyaro ah oo ganacsigan furtay bishii May ee sanadkan. Dhammaan waa tahriibayaal dalka ay dib ugu soo celisay dowladda Soomaaliya sanadkii 2023.
Aweys oo 37 jir ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in shaqadan uu ka helo dhaqaale ku filan maareynta qoyskiisa. Wuxuu tilmaamay in muhiimad gaar ah u leedahay in subax kasta uu u kalaho ganacsi uu leeyahay.
“Labaatan iyo shan qof maaddama aan nahay mar waxaa igu soo aadda $350. Mar magaaladu fiican tahay ayaa jirta oo alaabta aad loo gato. Markaas waxaa bishii igu soo aada $400. Xilligan oo kale magaaladu way dansan tahay oo dhaqdhaqaaq fiican maleh waxaa igu soo aadaya $180-$200. Dareenkeyga iyo kan qoyskeyga waxaan ku jirnaa dhoola cadeyn oo sidii hore ma ahin.”
Aweys ayaa sheegay in 8 bil oo shaqo la’aan ahaa uu gaaray heer dabka ay shidan waayeen, dantuna ku qasabtay inuu dawarsado si ay u helaan cunto hal waqti ay karsadaan maalinkii.
Wuxuu tilmaamay in hadda uu ku jiro noloshii ugu heerka sareysay ee abid soo marta. Isbedelka waxaa u hor-seeday $200 oo uu ka soo deynsaday nin ay qaraabo yihiin, kaddibna uu shirko kula noqday dhallinyarada dhiggiisa ah ee ganacsigu ka dhexeeyo.
“Annagoo dhallinyaro ah intaan meel wada fariisanay ayaan dhahnay qof walba farsamo gooni ah ayuu leeyahay. Qof sariiraha ayuu sameyn karaa. Qof fadhiga ayuu sameyn karaa. Anigu hadda shaqsiyan waxaan qorsheynayaa inaan furto meel gooni ii ah.”
Aweys ayaa sheegay in iskuul hoose ay u billaabeen labo carruur ah oo markii hore dhaqaalo darradu ka hor taagneyd waxbarashada. Bishii ayuu ka dhiibaa lacag $25 ah.
Wuxuu tilmaamay in sidoo kale uu caawiyo labadiisa waalid oo ah danyar u xaraashay isaga dhulkii ay degganaayeen, si ay uga sii daayaan magafe jooga dalka Liibiya oo madax furasho uga qaatay lacag $3,000.
Wuxuu xusay in talo xumo u gaar aheyd ay waalidiintiis kala kulmeen dhaqaale burbur, hasa yeeshee uu ku talo jiro sidii ay reerku uga soo kaban lahaayeen.
Carruurtiisa oo shan ah iyo xaaskiisa waxay la noolaayeen waalidkiis muddo sannad ah oo uu ku xanibnaa dalka Liibiya. Go’aanka uu maalinkaas qaatay oo hadda la xun ayuu uga digay qof kasta oo rajo ka qaba waddadaas oo uu tilmaamay in waxa kaliya ee laga dhaxlayo tahay geeri iyo guul darro.
“Tahriib qofkii galay ayaa og wuxuu yahay. Aniga mar waan galay laakiin mar labaad ma rajeynaayo. Dadka tahriib ku fakaraya waxaan dhihi lahaa lacagta aad ku tahriib laheydeen intaad isku darsataan, sidaan yeelnay oo kale inay ku shaqeystaan ayaan ku dheeri galin lahaa.”
Sakariye Maxamed Cali oo ka mid ah dhallinyaradan isha kaliye dhaqaale ee qoyskiisu ku tiirsan yahay waa dhaqaalaha halkan ka soo gala oo bishii ah $250 illaa $300.
Wuxuu sheegay inuu helo dhaqaale ugu filan cunto, waxbarasho iyo baahiyaha kale ee aasaasiga ah ee qoyskiisa oo ka kooban isaga, xaaskiisa iyo siddeed carruur ah.
“Hadda Illaah mahadiisi waaye qadada quracda iyo cashada waan uhelaa. Biilka korontada iyo biyaha waan dhiibaa. Marka farsamadii gacanta ayaa ilaahay wuxuu iiga dhigay mid qurux badan oo nolosheyda badashay.”
Sakariye ayaa xusay in nolosha wanaagsan ee hadda ay ku jiraan ay uga horeysay mid adag oo dhaxal siisay cunno yari iyo isku filnaasho la’aan. Wuxuu sheegay inay ku tiir sanaayeen caawinaadda dariska oo marka ay waayaan ay qadi jireen.
Raadiyow Ergo ayuu uga warbixiyay siday ugu suurta gashay in isagoo aan dabka shidan uu helo lacagta uu ganacsigan ku maal gashaday.
“laba boqol oo Doollar hala ideemiyo ayaan dhahay kooxdan ayaan ku darsanaa oo la shaqeysanaa ayaan dhahay. $200 walashey ayaa sidaas kaga deynsadey, lacagtaas mar hore ayaan iska bixiyey hadda wax lacag ah la iguma lahan.”
Sakariye oo 37 jir ah ayaa dalka Yamen u tahriibay sanadkii 2021. Doon sharci darro ah oo ka qaaday xeebaha gobolka Bari ayuu ku raacay lacag shan boqol oo Doollar ah.
Wuxuu tilmaamay in shaqo la’aan ay ku dhalisay arinkaas. Labo sano oo uu joogay Yamen ayuu xusay in shaqo iyo sharci midna uusan helin, ayna ku adkaatay inuu ka sii gudbo ama dalka uu dib ugu soo noqdo, dhaqaale la’aan darteed.
Wuxuu nasiib u yeeshay inuu ka mid noqdo dad ay diyaarado bilaash ah dowladda Soomaaliya uga soo qaaday dalalka Yamen iyo Liibiya, kuwaas oo laga soo dajiyay magaalada Muqdisho.
Dowladda kama aysan helin taageero dhaaf siisan dib u soo celinta sida uu sheegay Ibraahim Axmed Xuseen oo hormuud u ah kooxdan ganacsiga ku midoobay.
Wuxuu tilmaamay inay la kulmeen shaqo la’aan, ayna ku adkaatay sidii ay wax ku billaabi lahaayeen, maadaama qoysaska ay ka soo jeedaan oo danyar ah aysan ka heli karin kaalmo dhaqaale.
Ibraahim ayaa intaas ku daray in sababta ay ku doorteen ganacsigsan aheyd in xirfadan badankood ay yaqiineen, maaddama ay ka soo barteen dalalka ay u tahribeen oo ay ka shaqeyn jireen goobo farsamo oo nooliga maalinkaas oo kaliya siin jray.
Wuxuu sheegay inay go’aan sadeen inaysan is dhiibin markii ay arkeen dhallinyaro dhigooda ah oo markii ay tahriibayeen shaqo la’aan ahaa, balse ay soo noqdeen iyagoo leh ganacsiyo dhexe iyo kuwo waaweyn oo noloshooda wax ka badelay.
“Markii wadanka nala Keeney ayaa xirfadii meelahaas aan ku soo baranay bilownay inaan ganacsi u badalno si aan hormar ugaarno. Hadda waan isku filanahay. Markii hore rafaad ayaa jirey wixii lasoo marey lama sheego karo, tan hadda la joogo masha Allah aad ayaan ugu faraxsanahay.”
Ibraahim oo 41 jir ah ayaa xusay inay qorsheynayaan in meelo kale ay maal geliyaan si dhaqaalahoodu u kobco. Alaabaha ay farsameeyaan ayuu tilmaamay in dadku ku door bidiyaan kuwa dibadda laga keeno oo ay ka qiimo jaban yihiin.
Ibraahim oo ah aabbaha saddex carruur ah ayaa sheegay in Liibiya oo u tahriibay ay u geysay waayo aragnimo la’aan iyo duruufo ku qasabtay in meel qaldan uu ka raadiyo isbedel nololeed.
Wuxuu sheegay in sannad uu maqnaa aysan soo galin lacag u dhiganta tan bishii oo kaliya uu ka helo ganacsigiisa oo ah $300 illaa $400.
Shaqo la’aanta, caqabadaha amniga iyo musiibooyinka dabiiciga ah sida abaaraha iyo fatahaadaha waxay dhallinyaro badan ku riixeen in dhulkooda hooyo ay ka tahriibaan, balse socdaalkaas in badan oo ka mid ah ayaa naftooda ku waayay
Xigasho: Radio Ergo
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.
WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.
WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.
Copyright © 2025 WardheerNews, All rights reserved