Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

DHABTII JACAYL WAA LOO DHINTAA (QAYBTII 4AAD)

W.Q. Cabdiraxmaan Aadan Cabdi

Ilayn hawl loo dhaqaaqo dalbashada dal-ku-gal ayaa ugu dhib badan?  Dhaqdhaqaaqa bangigaaga na tus. Warqaddii  denbi la’aantu meeday? Xaggaa markaad tagto meeshaad ku degaysay, caddaynteedii meeday?  iyo waxyaabo la mid ah  ayaan maalmahanba ku mashquulsanaa . Laakiin waxa iigu yaabka badnaa waxay ahayd markay “Tigidhka sii socod iyo soo socod ah, soo gooso” igu yidhaahdeen! Sii socodka gartaybee soo socodka maxaa meesha keenay? Ma anigaa soo noqon rababa! Haddaan  dalkan baas doonayo inaan kusoo noqdo  maxaan iminka uga tegayaa?  

Baasaboorka oo fiise lix bilood ahi ku lifaaqan yahay ayaan koomadiinka sariirtayda madaxeeda yaala ku riday. In badan ayaan dad safar ah gegida diyaaradaha amaba xarunta baabuurta geeyay, laakiin markan aniga ayaa saddex cisho ka dib safar ah. Waa markii koowaad ee aan xuduudda dalkayga ka baxayo. Waa markii koowaad ee aan diyaarad raacayo. Inbadan baa ilaalada gegida diyaaraduhu isoo reebeen’e waxay noqon doontaa markii koowaad ee ka dadka laga reebayo aan noqon doono.

Dhismayaasha magaalada ayaan daaqadda diyaaradda ka daawanayaa. Dadkan danbe wax kasta telefoonka ayay ku duubtaan oo ku kaydsadaane anigu maskaxdayga iyo xifdigayga ayaan telefoonka kaga kalsoonahay. Dhaygaggaan magaalada ku dheygagsanaa hadalka shaqaalaha diyaaradda ayaa iga qasay.  “Suumanka xidha.. haddii diyaaraddu dhacdo oksijeen korkiina kasoo dhici doonta afka iyo sanka gashada… halkaas baa laga baxaa..” Markii hore wax baqdin ah ma qabine iminka ayay igu dhalatay. Haddiiba waxan oo taxadir iyo ka hortag ah loo sameeyay ilawba ilow wax baa jira ayaan niyadda iska idhi.

Magaaladaan ku dhashay, ku barbaaray, wax ku jeclaaday ee intaas ku leekaaday siday marba u yaraanaysay waataa iga libidhay. Maya’e  diyaaraddaan saarnaa baa masaafo aanan magaalada ka arki karayn i gaadhsiisay. Markii koowaad ee deegaan aanan qofna ka garanaynayn indhahaygu qabtaan, sankayguna  hawo aan saaxiib iyo ehel toona ila wadaagayn uu  jiido. War dulucdiisu “iminka aaladaha elektarooniga ah  waad isticmaali kartaa” ahaa ayaa sameecadda diyaaradda la nooga sheegay. Dad badan oo aan ka dareemayey inay in badan diyaarad ku safreen oo aan ganacsato u malaynayey ayaa Tablet iyo Kambayuutaro la soo kala baxay. Qaarkood dhabtooda ayay saarteen halka kuwo kalena miiska cuntada ee kursiga ka horeeya ku dhegsan dulsaarteen. Tolow dadkan maxay dalka uga tegayaan? Waxbarasho, ganacsi, dalxiis iyo caafimaad inay u socdaan u badi. Qof sidayda gabadhuu jeclaa oo laga guursaday awgii dalkiisa uga soo tegayaa ma ku jiraa? Aniguba yaanan is dulmiyine dadka caafimaadka u safraya ayaan ka tirsanahay, waayo qalbi la dhaawacay, dareen la tooriyeeyay iyo ballan sida quraaradda la jebiyey oo aan dalka waxba lagaga qaban karin ayaan dalka dibadiisa kusoo dhayayaa.

Daaqaddaan wax ka daawanayey daruur keli ah ayay noqotay oo wax xiiso ah  ma leh. Dhegaha oo marka diyaaraddu soo kacaysay I xanuunay ayaa weli isii guuxaya. Telefishan yar oo kursiga igu horeeya ku dhegsan ayaan yara shuqa shuqeeyay.  Filim i anfaca waa ka waayey. Haddana waxaan la soo baxay wargeysyada isla kursiga iga horeeya jeebkiisa ku jiray. Goobaha diyaaraddu u safarto, xayaysiisyada Hoteelo kala gedisan iyo xeebaha qurxoon oo loo dalxiis tago ayaa aminlahan ka buuxa.

Waxay dheguhu i guuxaanba iminka ayay caadi i noqdeen. Toos ayaan wax u maqlayaa dahaadhkii la moodayey in bac la igaga xidhayna wuu iga kacay. Kuraasta hareerahayga ayaan eegay dadka qaar ayaaba seexday! Waar ilayn yaab looma dhinto anigoo soo jeeda ayaaba baqay’e mise waaba mahlikadan samada heehaabaysa u seexo. Walay ka tahay kolay aniga igama suurtowdo.  Haddaan soo jeedo mala i moodaa haddii wax dhacaan nin wax ka qaban karaya.

Shan saac oo safarkayga ka hadhsan miyaan sidan uun usoo fadhiyi doonaa? Sidan maangal maaha ee waa inaan wax isku mashquuliyo helaa.  Haddaan  sidan moodayo buuggaagta aan shandadda weyn iskaga riday ayaan soo dhawaysan lahaa. Noloshu waa tijaabadaase marka danbe ee aan safar galo ayuun baanan buuggaagta sidaa iskaga fogayn doonin ee gacmaha ama shandada garabka, mid ama laba buug ku ridan doonaa. Waa haddaan diyaarad danbe raaco’e.

Hub ii xaraysnaa oo aanan isticmaalin ayaan xasuustay. Heesaha telefoonkayga iigu kaydsan ayaan waqtiga isku dhaafin karayey, maadaama dhegahaygiina ii bogsadeen, hawlwadeenada markii hore nagu yidhi wixii Elektaroonig ah lama isticmaali karaana oggolaanshiiyo na siiyeen. Isla markay maskaxdayda ku soo dhacday ayay gacmahaygu jeebka surwaalkayga telefoon inay ka raadiyeen u dhaqaaqeen. Jeebka midig telefoonka ayaan ugu tegay, ka bidixna xadhigii codka telefoonka dhegahayga  u soo qaadayey.  Liiska heesaha aan ugu jecelahay oo dabcan Xabiibo Tooxow kaalinta koowaad kaga jirto ayaan ku dhuftay.  Markaan heesta koowaad dhegaystay waxaan xasuustay hees xaaladayda ku haboon oo ay tahay inaan dhegaysto.

Waa ereyadii Xuseen aw Faarax Dubbad. Codkuna  waa inantii Soomaali iyo ajaaniba ka fajaceen, Xaliimo Khaliif Cumar. Haddaad suugaan dhuuxe fiican tahay heestaan u jeedo inaad garatay baan filayaa. Hadaanad weli helin waqti yar baan ku siinayaa ee bal indhaha isku qabo oo  inaad heestaa garato isku day. “Allahayow dal ma aqaan” haa. Waa  heestaa laftigeeda. Ereyadu heesta markan iskama dhegaysanayo ee beyd kasta “Aamiin” ayaan si niyadleh u leeyahay. Wallee qofka fan Soomaali ah haystaa duco , wehel iyo madadaalo toona uma baahna oo intaaba dhaxalka halabuuradaa ayuu ka helayaa.  

“Allahayow dad ma aqaan
Allahayow dal ma aqaan
Qori daad wadaan ahaye
Dowgo hayga raaridin
” Aamiin.. Aamiin yaa Allaah.

Abaaro sideedda subaxnimo ayaan gegida diyaaradaha ee Ankara-magac adag oo aanan qaban karin ayuu leeyahay- cago dhiganay.  Sidaadaan suunka kursiga iskaga furay ee aan shandadda garabka oo gabadha shaqaalaha ahi meel kore iga saartay la soo deg is idhiba, dad badan oo luuqii yaraa ee diyaaradda dhex marayey tuban ayaan arkay. Dadkan xaggee baase ka soo yaaceen? Diyaaraddu iminka uun bay istaagtay’e durtaba goormay alaabtooda soo qaateen ee dhinaca kadinka iska soo xaadiriyeen?

Wiil aan saaxiib ahayn, wiil ay saaxiib yihiin oo uu ii soo diray ayaa gegida diyaaradaha iga soo qaaday. Iminka gaadhigiisa ayaan dhex saaranahay. Wiilku  waa nin furfuran laakiin waa nin in badan dalkan Turkiga degganaa oo sheekadiisa marba erey Afturki ah ayuu ku dhex darayaa. “ walaal aan kula taliyee dalkan ama wax ka baro ama waqti ha iskaga ridine markiiba sidaad hore ugu dhaafi lahayd ka fikir” ayuu mar aan xaaladda dhalinta dalka ku nool ka warsaday igu yidhi.

Ujeeddada aan dalkan u imi waa inaan jewiga bedesho, dhaawaca jacaylkaygana ku dhayo. “waa intaasood hablahaa cadcad ee Turkida ku ilowdaabee” ayaa niyadayda ku jirta laakiin jacaylkaygaas ilama ah  midaan iloowi doono inuu yahay. Intaan barashada luuqadda dalkan, kala barashada magaalada ku fooganahay  inay maankayga ka bixi doonto, markay u yar tahay in aanay iyadu iga soo hor bixi doonin waxay ila tahay inay dhaawacayga wax badan ka tari doonaan.  

La soco qaybta 5aad.

W.Q. Cabdiraxmaan Aadan Cabdi

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.