Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

DF oo sheegtay in ay u dhisayso Jubbaland maamul cusub

Muqdisho (WDN)– Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiiradda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in ay taageereen go’aan ay hore Wasaaradda Arrimaha Gudaha DFS ku shaacisay 22kii bishan Ogost in aysan oqoonsaneyn natiijooyinkii kasoo baxay doorashadii Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, ee Kismaayo bishan
Ogost 22 ka dhacday.

Golaha ayaa sidoo kale lagu sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha la faray inay Golaha hor keento ” habraac faahfaahsan oo lagu xallinayo xaaladda Jubbaland, si loo badbaadiyo hay’adaha dowliga ah ee Jubbaland.”

Shirka oo uu guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha DFS Md. Xasan Cali Khayre, ayaa lagu sheegay in goluhu isku raacay in la dhiso “ maamul dimuqaraadi ah oo ka jawaabi kara rabitaanka dadka reer Jubbaland” .

Waxa isla DFS ay horey u sheegtay in xayiraad dhinaca gaadiidka hawada ay ku soo rogtay magaalada Kismaayo, oo dhamaan diyaaradaha taga Kismaayo, Jubbaland, lagu amray in ay aysan toos u tagi karin magalaadaas, oo la rabo in ay sii maraan Muqdisho.

Dhinac kalene Jubbaland ayaa bishan 28-dii u dirtay warqad DFS lagu sheegay baaq ah in la furo wada hadal, si looga tashado oo xal waara looga gaaro isfaham waaga sii kordhaya ee u dhaxeeya DFS iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Arimahan ku soo kordhay go’aanka golaha Wasiiradda DFS, ayaa sii kala fogeeynaya xidhiidhka DF iyo Jubbaland, oo beryahan dambe ka sii darayay, iyada oo laga yaabo in uu saameyn ku yeesho guud ahaan Dowlad Goboleedyada keleeto iyo geedi socodka nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.