Boqortooyada Sacuudiga oo ka taageereysa dawladda Soomaaliya la dagaalanka kooxaha argagixisada

Boqortooyada Sacuudiga oo ka taageereysa dawladda Soomaaliya la dagaalanka kooxaha argagixisada

Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha DF Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga Boqortooyada Sacuudi Caraabiya, ayaa la kulmay Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudiga  Maxamed Bin Salmaan, iyada oo la sheegay in kalunkaasi la xirriray sare u qaadista xiriirka labada dal iyo taageerada Sacuudigu u fidiyo Soomaaliya. Kulanka ayaa la sheegay in  faham dhinacyo badan taabanaysa uu ku dhmaaday.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay hawlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada maadaama boqortooyada Sacuudiga horey ay ugu guuleysatey ciribtirka kooxaha argagixisada, kadib weeraro dhiig badan uu ku daatey kooxahaasi ka fuliyeen dalka Sacuudiga.

Sacuudiga ayaa wajahdey 2003-2006 weeraro iyo qaraxyo aad u xooggan oo lala beegsadey xarumo muhiim ah oo ku yaalla magaalooyinka waa wayn sida Riyad iyo Jiddah, waxaana dadaalo  badan kadib boqortooyada ku guuleysatey in ay gabi ahaanba soo afjarto kooxahaasi.

Dawladda Sacuudiga ayaa xarumo dhaqan celin u samaysay dhalinyarada maskaxda laga xadey ee afkaarta qaldan laga dhaadhiciyey, waxa sidoo kale ay wax ka qabatey manaahijta dalkaas ayadoo kormeero joogto ah ku samaynaysay xarumaha waxbarashada si da’yarta loo samata bixiyo. Istraatijayadaasi oo saameyn weyn ku yeelatay ciribtirka kooxaha xagjirka.

Sacuudiga ayaa hadda Soomaaliya ka taageeraya sidii ay kooxda Alshabaab uga adkaan lahayd, waxaana ay u ballanqaaday mashaariic horumarineed iyo mid shaqo abuur oo looga badbaadinayo dhalinyarada in ay u gacan galaan argagixisada.

Balanqaadka Sacuudiga ayaa wax badan ka taraya dadaalada dawladda Soomaaliya iyo dadka deegaanka ay wadaan ee la xariira la dagaalanka Alshabaab iyo gaarsiinta adeegyada nolosha asaasiga u ah deegaanada laga xoreeyey maleeshiyaadka Alshabaab, oo weli gacanta ku haya deegaano muhiim ah oo hoos taga maamulada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo Jubbaland.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho