Muqdisho (WDN)- Inta la xaqiijiyay laba qof ayaa ku dhimatay, laba kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxa ka dhacay duleedka magaalada Jowhar ee xarunta KMG ah ee maamulka HirShabeell,e sida wararka halkaasi ka imaanaya ay tilmaamayaan.

Qaraxa oo ay mas’uuliyaddiisu sheegatay ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab. ayaa waxa uu ahaa miinada dhulka lagu aaso, taasi oo la dhigey inta u dhexeysa Garoonka Diyaaradaha ee Maxamed Dheere Airport iyo magaalada. Waxaana lala beegsadey gaari ay saarnaayeen Maareeye ku-xigeenkii Garoonka iyo Askar la socotay.
Labada qof ee qaraxa ku dhintay ayaa kala ahaa maareeye ku-xigeenkii Garoonka Diyaaradaha Jowhar Mahad Muxidiin Calasow iyo askari ka tirsan ciidanka amniga, halka dhaawacyo kala duwan ay ka soo gaareen dad rayid ahaa oo goobta ka ag dhawaa.
Dhanka kale ciidamada dawladda federaalka ee ku sugan degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha dhexe, ayaa beegsadey goob ay ku shirayeen saraakiil ka tirsan kooxda Alshabaab oo ku dhaw degmadaasi, halkaasi oo uu ka dhacey dagaal xooggan oo sababey dhimasho iyo dhaawac.
Qoraal kasoo baxay xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgalkaasi ay ku beegsadeen saraakiisha Alshabaab ay ku dileen saraakiil sarsare iyo maleeshiyaadkii la socdey, dhankoodana uusan kasoo gaarin wax khasaaro ah.
Alshabaab ayaa guuldarooyin xoog leh kala kulantey hawlgalada ciidamada dawladda iyo kuwa deegaanka ka wadaan deegaanada maamulka Hir Shabeelle, ayadoo lumisay degmadii ugu muhiimsanayd ee saldhiga ugu wayn ku lahayd ee Aadan Yabaal iyo deegaano kale.
Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho