Wednesday, April 24, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

BILILIQADII WAYNEYD

W/Q Axmed Khaliif

Muqdisho ma aha, mooryaantiina ma ha, waa Baqdaad iyo Bayruud, waa Ingiriis iyo Faransiis.

Qaybsigii dhulalkii Carabta, ee laga qabsadey Imbaradooriyaddii Cusmaaniyiinta (Ottoman Empire) kadib markii ay ku jabtey Dagaal-Waynihii Koowaad ee Aduunka, ay kala qaybsadeen waddamadii loo yaqaanney Isbahayga Ingiriiska, Faransiiska, iyo Ruushka, inkastoo Ruushku uusan ka qaybgalin qaybsiga – ayey ugu yeedhaan Bililiqadii Darnayd (The Great Loot).

Sykes iyo Picot treaty

Kadib markii Imbaradooriyaddii Cusmaaniyiinta, oo ay hoos imaanayeen ummadaha islaamka intii ka madax banaanayd gumaystayaashii reer Yurub, ay go’aansatay in ay Dagaalkii Koowaad ee Aduunka ka gasho dhinaca isbahaysigii la oradhan jirey Quwadihii Dhexe  (Central Powers) Jarmalka, Ustariya-Hangari, Bulgaariya, ayaa Khaliifkii Islaamku ku dhawaaqay in dagaalku yahay Jihaad u dhaxeeya muslimiinta adduunka oo dhan iyo Gaalada oo uu hor kacayo Ingiriisku. Khaa’inkii-waynaa ee Ingiriiska (The Perfidious Albion) oo ka cabsadey in ay ku kacaan, oo ka horyimaadaan, muslimiinta ku nool wadamadii uu gumaysanayey sida Masar, Yemen, Hindiya ayaa doonay khiyaamo uu uga hor tago jihaadkaas uu iclaamiyey Khaliifka Islaamku. Tabtii ugu wanaagsannayd ee uu heley, si uu khatartaa uga hor tago, waxay noqotey: in si islaamka la isugu jabiyo, oo Carabta laga horkeeno Turkiga, iyadoo loo marayo oo la isticmaalayo, wadaad la odhanjirey Shariif Xuseen, oo imaam ka ahaa Masaajika Xaramka.

Wadaadkaas oo isla waqtigaas loo magacaabey Iimaamnimada masaajidka, ayaa sheeganayey in uu yahay Shariif, qabiil ahaan reer binu Haashim ah, oo uu ku abtirsado nabiga Muhammad (scws). Ingiriiska ayaa, isagoo ka duulaya xushmadda ummadda islaamku u hayso Xaramka iyo waliba dadka loo yaqaan Ashraafta, waddaadkaas u doortey inuu u isticmaasho kala qaybinta islaamka. Isla markiiba dowladda Ingiriisku waxay u dirtey Makka askarigii Weelishka ahaa ee la odhanjirey Edward Thomas Lawrence, ee markii dambe ku caan baxay Lawrance-gii Caraabiya (The Lawrence of Arabia), si waddaadkaa u laaluusho, ugana dhaadhacsho, in uu ummadda islaamka ah u fidwoodo in dagaalku uusan ahayn jihaad u dhaxeeya muslimka iyo gaalada, ee uu yahay dagaal muslimka iyo gaaladuba ay labada dhinac ee isdagaalamaysa ku kala jiraan.

Shariif Xuseen markii uu ku dhawaaqey in dagaalku uusan ahayn jihaad, isaga iyo dowladdii islaamka ee Cusmaaniyiintuna iska horyimaadeen, ayaa waliba waxaa laga dhaadhacsiiyey in isaga (Carabta) iyo Ingiriisku wada leeyihiin cadow guud oo dowladda Cusmaaniyiinta ee Turkiga ay cadow u tahay Carabta iyo Ingiriiska. Waxaa laga gaddey in haddii dagaalka isaga iyo Carabtu ay ka galaan dhinaca Ingiriiska oo ay la dagaalamaan Turkiga, uu Ingriisku ka taageeridoona dhinaca tababarka, hubka, iyo dhaqaalaha, Carabtu-na ay ka xoroobi doonto Turkiga, isaguna (Sharif Xuseen) uu boqor ka noqon doono dhulalka Carabta oo dhan.

Isla waqtigaas, uu socday Dagaalkii Koowaad ee Aduunka, ayey ahayd markii Ingiriisku oddeyaasha iyo wadaaddada Soomaalida ah u qaadey Makka iyo Masar (oo isagu gumaysanayey), si uu uga dhaadhacsiiyo in dagaalkii Daraawiishtu ku la jirto Ingiriiska uusan ahayn jihaad, Sayidkuna uusan ahayn Muslim sax ah. Dhinaca Soomaalidana khiyaamadaas way u shaqaysay, kadib markii oddeyaashii Soomaalida la soo tusay Ingiriiska iyo muslimiinta Carabta oo wada socda, dagaalkana isku dhinac uga jira oo Turkiga ka soo hor jeeda. Isla mar ahaantaa Ingiriisku wuxuu heshiis kula galey Sayid Mohamed iyo daraawiishtiisa iney iyagu xukumaan oo dawlad ka yihiin, oo aan lagu soo faro galin doonin Waadiga Nugaal— si ay rabshada uga daayaan inta uu dagaalka kula jiro Turkiga iyo Jarmalka.

Sikastaba ha ahaatee, Lawrence-gii Caraabiya wuxuu ka la dhexbaxay Faysal wiilashii Shariif Xuseen, oo ahaa sadex, in uu hogaamiyo dagaalka Carabta ee looga soo horjeedo dowladdii Cusmaaniyiinta ee Turkiga. Kadib markii ay mid mid u la shireen oddeyaal qabiilleedka Carabta ee dhulkaas degganaa, Lawrence iyo Faysal waxay ku guulaysteen in ay soo abaabulaan Jabhad, isugu jirta qabiillada Carabta ee degaankaas, oo lagu dagaal gelinayo in ay ka xoroobayaan Turkiga iyo waliba abaal marina agab adduun (Lacag/Dahab) oo lagu abaal marinayo qofkasta inta qof Turki ah ee uu dilo.

Lawrence wuxuu buuggiisa ‘Seven Pillars of Wisdom’ ku xusey, in kadib markii nin ka mid ah Jabhada qabiilada Carabta uu diley ninkale oo ay kala qabiil ahaayeen, uu isagu gacantiisa ku diley gacan-ku-dhiiglihii, isagoo ka baqey in haddii la sii daayo ama nin kale oo Carab ah uu toogto gacan-ku-dhiiglahaas uu dagaal qabiilo Jabhada (Carabta) ka dhexbilawdo. Waxa kale oo uu isla buuggaas ku sheegay in isaga iyo qaar ka mid ah madaxdii Jabhada Carabta gadaal iska fuuli jireen.

Faransiiska, oo ay Ingiriiska isku xulufo ahaayeen, ayaa isagu ka biyo-diidey in Ingiriisku tabobar ciidan iyo hub siiyo jabhad Carab Muslim ah, isagoo ka cabsi qabey in ay iyaga kula soo jeestaan hubkaas iyo tabobarkaas, hase ahaatee Ingiriisku ayaa isagu ku adkeystey arrintaas. Faransiisku ayaa markuu arkey in khiyaamada Ingiriisku shaqaynayso ka dalbadey Ingiriiska in, maadaama ay dagaalka ku wada jiraan, ay qaybsan doonaan dhulalka Carabta marka Cusmaaniyiinta (Turkiga) laga qabsado. Sidaa ayaa bartamihii dagaalka, bilowgii sanadkii 1916, labadii wasiir ee arimaha dibadda ee Ingiriiska iyo Faransiisku ku kala saxiixdeen heshiiskii loo yaqaaney Heshiiskii Sykes iyo Picot (treaty), oo ay ku heshiiyeen in ay kala qaybsan doonaan dhulalka carabta. Dagaalkii oo wali socda, Carabtiina kaga jirto dhinaca Ingiriiska ayaa, 2dii Noofeembar 1917, wasiirkii arimaha dibadda ee Ingiriisku ku dhawaaqay in dowladda Ingiriisku ay taageerayso in Yahuudda adduunka ku kala firidhsan dhul u gaar ah laga siiyo dalka Falastiin. Arrinkaas oo loo yaqaan Baaqii Balfour.

Ruushka, oo markii hore xulufo la ahaa Ingiriiska iyo Faransiiska, laakiin Kacaankii 1917kii ka dib dhexdhexaad ka noqday dagaalka, ayaa u gudbiyey Cusmaaniyiinta sirta heshiisyada Ingiriiska, Faransiiska, iyo Yahuuda, balse Shariif Xuseen ma aaminin Cusmaaniyiinta markii ay sirtaas u gudbiyeen.

Waxaa dagaalkaas Imbaradooriyaddii Cusmaaniyiinta looga qabsadey dhulalka Carabta oo dhan – Xijaas (Sacuudi Caraabiya), Sham (Suuriya, Falastiin, Urdun, Lubnaan), iyo  Ciraaq (Ciraaq iyo Kuweyt)  kadib markii Carabta laga hor keeney, oo loo addeegsadey in ay la dagaalamaan Turkiga. Ingiriisku markii uu ku guuleeystey dagaalkii wuxuu fuliyey heshiisyadii uu la galey Faransiiska iyo Yahuudda labadaba laakiin waxba kama soo qaadin kii uu la galey shariifkii Makka. Sidaas ayaa dhulalkii Carabta, ee Shariif XUSEEN loo balan qaadey inuu boqor ka noqon doono ay u kala qaysadeen Faransiiska (Suuriya iyo Lubnaan) iyo Ingiriiska (Ciraaq, Urdun, Sacuudi Caraabiya, iyo Falastiin).

Dhulalkii Carabta ee Ingiriiska iyo Faransiisku qaybsadeen waxay ka bililiqaysteen hanti aan xisaab la hayn oo isu jirta dahab, dhayman, farshaxan iyo waliba aqoon iyo taariikh qoto dheer oo ummadda islaamku lahayd—Bililiqadii wayneyd.

FALASTIIN – BILILIQADII UGU WAYNEYD

Falastiin oo ka mid ahayd dhulalkii Carabta ee laga qabsadey dowladdii Cusmaaniyiinta Turkiga ayaa la galiyey waxa lagu magacaabey xaalad xukun-gaar ah (special status) oo ay dowladda Ingiriisku si gaar ah ugu maamulayso ogolaanshaha Qaramada Middoobey. Dowladdii Ingiriiska ayaa bilowdey markiiba in ay Falastiin ku soo daadgureyso Yahuuddii aduunka ku kala firirsanayd, gaar ahaan kuwii Yurubta Bari oo kasoo cararayey dhibaatooyin loogu geysan jirey halkaas. Yahuudda ayaa iyaguna markiiba bilaabey inay samaysataan ururro argagixiso ah oo si qarsoodi ah u hawlgala, shaqadooduna tahay in ay argagax ku ridaan shacabka Carabta ah ee Falastiin si ay u barokiciyaan oo dhulkooda uga saaraan, dhimasho ama nolol.

Ururradaas oo ay ka mid ahaayeen, Irgun, Lehi, Haganah, iyo Stern Gangs, ayaa qaakood sheegan jireen in ay yihiin Falastiiniyiin u dagaalamaya xoriyadda iyo xuquuqda dadka reer Falastiin,  iyagoo waliba ku hadlaya afka Carabiga; balse shaqada qudha ee ururradaas ay lahaayeen waxay ahayd in dadka falastiiniyiinta ah ay ka dabar-gooyaan dhulkooda, iyagoo sida alShabaab, adeegsan jirey qaraxyo aan loo meel dayin, iyo dilal qorshaysan; si dadka Falastiin inta dhimata ma aha ee inta kale naftooda ula cararaan oo dhulkooda uga baxaan. Markii 30 sano lagu waday dil iyo qarax joogto ah, dadkii reer Falastiin waxay noqdeen in dhimatey, in dalal kale u qaxay, iyo waliba in Falastiin gudaheeda xeryo qaxooti ku xeraysan.

1947kii ayaa Qarammada Midoobey iyo Ingiriiskii wakiilka u ahaa soo jeediyeen in dhulkii Falastiin loo kala qaybiyo Carabta Falastiin iyo Yahuuddii lagu soo daadgureeyey. Markii ay Falastiiniyiintu diideen qaybtaa ayaa 1948 la isaga dhexbaxay Falastiiniyiintii oo 30 sano qarax iyo qaxootinimo ku jirey iyo Yahuuddii Saayoonistaha ee aduunka  laga soo ururiyey oo aqoon iyo dhaqaalo intaba ka badan. 14 May 1948dii ayaa Saayoonistihii Yahuuddu ku dhawaaqeen in ay yihiin qaran madaxbanaan oo Yahuud ah, halka Falastiiniyiintu ay isla  maalintaas u aqoonsadeen maalintii hoogga iyo ba’a Falastiin:  al Nakba.

SOOMAALIYA— BILILIQO HADDA SOCOTA

Soomaaliya, oo maanta dhinacyo badan u eeg Falastiintii qarnigii 20aad  ayaa laga cabsi qabaa inay noqoto bililiqadii qarnigan 21aad.

Iyadoo la ogyahay, lagana duulayo, xushmada Soomaalidu u hayso diinta islaamka iyo magaca ‘Shariif’, oo loo yaqaan dadka ku abtirsada Nebi Muxamad (scws), ayaa cadowgii Soomaaliya u samaystay ururro argagaxiso ah oo sheeganaya inay yihiin urur-diineedyo Soomaaliyeed – sida Al Shabaab, Daacish iwm – iyo waliba shaqsiyaad loo soo xidhay magaca Shariif oo loogu soo dhuunto. Ururradaas ayaa – sida kuwii Yahuudda – iyagoo afka Soomaalida ku hadlaya sheegta in ay yihiin Soomaali, kuna andacooda inay u dagaalamayaan xoriyadda iyo xuquuqda dadka Soomaaliyeed ee ay maalin walba sida naxariisdarroda ah u gumaadayaan, balse ay shaqadooda dhabta ah tahay inay Soomaalida dhulkeeda ka saaraan dhimasho ama nolol.

Si aynu si fiican ugu fahamo ururradaan waa in aan dib ugu noqono waqtigii ay samaysmeen iyo sidii ay u samaysmeen. Ka dib markii muddo labo sano ah shir dib-u-heshiineed uga socday qabqableyaashii dagaalka ee qabiillada Soomaalida, magaalada Nayroobi ee dalkaasi Keenya, ayaa waxaa halkaa lagu soo dhisay dowlad kumeelgaar ah oo uu madaxwayne ka yahay Cabdullaahi Yuusuf. Isla markiiba waxaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ka bilaabmay kacdoon qabyaaladeed oo looga soo hor jeedo dawlada Cabdullahi Yuusuf. Kacdoonkaas, oo ay horkacayeen urur-diimeedyo qabyaalladaysan oo la magac baxay Maxkamadaha Qabiillada iyo qaarka mid ah qabqablayaashii dagaalka qabiillada, ayaa ka hor istaagay dowladdii ku-meel-gaarka ahayd inay soo cagadhigato caasimaddii dalka. Sida la sheegay,  sanadkii 2006dii, dowladda Maraykanka ayaa agab aduun ku siisay qaar ka mid ah qabqablayaashii dagaalka qabiillada ee Muqdisho in ay u soo qabqabtaan qaar ka mid ah madaxda maxkamadaha qabiillada oo lagu sheegay in ay yihiin xagjir-diineed. Arintaa ayaa waxay keentay in dagaal dhexmaro maxkamadihii qabiillada oo isu tagey iyo qabqablayaashii dagaalka qabiillada. Qabqablayaashii dagaalka oo looga adkaadey dagaalkaas ayaa gebi ahaanba laga jafay caasimaddii dalka.

Maxkamadihii qabiillada ee isu tagay, oo la magac baxay Midowga Maxaakiinta Islaamka, ayaa markii ay ka guulaysteen qabqablayaashii dagaalka qabiillada, ku andacooday inay si dhib yar ku qabsan doonaan Addis Ababa,  ayna Itoobiya ku xukumidoonaan shareecada islaamka. Cid kasta waa garan kartey, xitaa Maxaakiimta naftooduna waa ogaayeen in aysan wax dhib ah  u gaysan karin Itoobiya, balse hanjabaaddaasi waxay ahayd oo kaliya  baaq ay Maxaakiimta qaar ka mid ah, oo markii dambe loogu yeedhay ‘Qunyarsocodka’, u dirayeen Itoobiya inay ku soo duusho oo qabsato Soomaaliya. Ciidamada Itoobiya oo iyagu horey u sii diyaar garoobey, taageero buuxdana ka heleya ciidamada Maraykanka, ayaa si dhaksi ah ugu soo duuley Soomaaliya oo Muqdisho qabsadey.Midowgii Maxaakiimtii Islaamka ee ciidamada Itoobiya ku casuumay Muqdisho ayaa markiiba magacii u badashey Al Shabaab, oo duurka galey iyagoo af ahaan ballan qaadey in ay ciidamada Itoobiya ka xorreyn doonaan Soomaaliya, ficil ahaanse  waxay – sidii ururradii Yahuuda ee Carabta iska dhigijirey – shaqadooda koowaad ka dhigteen xasuuqa iyo barokicinta maatada Soomaaliyeed ee dagaalku daashadey.

Itoobiya iyo Maraykanka ayaa markii dambe si wadajir ah uga wadashaqeeyey in lagu khasbo Cabdullaahi Yuusuf inuu iscasilo, xukunka dalkana loo dhiibo kooxda Maxaakiimta ‘Qunyarsocodka’ ah ee ciidamada Itoobiya u dirtey casumaaddii ay ku soo galeen Muqdisho. Dowladdii Maxaakiimta ‘Qunyarsocodka’ ah ee Sh. ‘Sharif’ (iyo ‘Sharif’ Xasan, Gudoomiyihii Baarlamaanka ) ayaa mar kale u ogolaadey in  ciidamadii Itoobiya iyo waliba kuwa Keenya si sharci ah ku soo galaan Soomaaliya iyagoo sheeganaya in ay ka mid yihiin ciidamada AMISOM – Qorshaha Afrika ee Soomaaliya.

Waxaa la isku raacsan yahay in duulaankii Itoobiya ay ku soo duushey Soomaaliya iyo qabsashadii ciidamadeedu ay Muqdisho qabsadeen, uu dhalay Al Shabaab. Balse su’aalahan ayaa muddan in laga  jawaabo: Al Shabaab ma Soomaali baa Itoobiya u samaysatey, mise Itoobiyaa Soomaaliya samaysatey? Hadii Soomaali samaysatey maxay siday balan qaadeen u la dagaali waayeen Itoobiya? Hadii aysan Itoobiyaanka la dagaali karin maxay maatada Soomaalida u xasuuqayaan? Maxaa dan ugu jira xorreynta Soomaaliya laga xorreynayo Itoobiya in maatada Soomaalida ah la xasuuqo?

Qarammada Midoobey ayaa u xilsaartey (sidii ay Ingiriiska ugu xilsaaratey Falastiin) dhaqaale farabadanna ku siisa, ciidamo ka kala socda wadamo Afrika ah – oo ay ka mid yihiin Itoobiya iyo Keenya oo colaad taariikhi ah ka dhexayso iyo Soomaaliya – in ay Soomaaliya ka caawiyaan dhinaca nabadgalyada. Ciidamadaas Afrikaanka ayaa aad looga shaki qabaa inay Al Shabaab gacan ku siiyaan dabargoynta ay ku wadaan ummadda Soomaaliyeed. Dhowr goor ayaa ciidamada Yugaanda lagu qabtay iyagoo hub u gudbinaya Al Shabaab. Kuwa Itoobiya, Keenya, iyo Al Shabaab iyagu waaba isku ciidan. AMISOM waa waraabihii ariga la raacshey.

Marka la eego ficillada Al Shabaab: xasuuqa ay shacabka Soomaalida ku hayaan, argagixisonimada ay Soomaalida ku shaabadaynayaan, iyo  marmarsiinyaha ay u samaynayaan cadowga Soomaaliya (Itoobiya, Keenya, iwm) inay ku soo duulaan; marka la eego cida dan ugu jirto ficillada Al Shabaab, waxaa caddaanaysa in aysan Soomaali ahayn; in ay yihiin ciidankii cadowga (Itoobiya iyo Keenya) Soomaaliya oo calan-diineed been ah ku hawlgalaya; in ay yihiin oo kaliya xeel dagaal oo Soomaalida dhulkeeda looga dabar-goynayo.

Shacabkii Soomaaliyeed oo 40 sano ka badan ku jirey dagaal iyo qalalaaso ayaa maanta u badan wax dhintey iyo wax qaxooti ku ah wadamo shisheeye. Waxaa taa ka sii daran, oo xaqiiqo ah in — sidii qaxootiga Yahuudda loogu soo daadgurayn jirey Falastiin— ay Soomaaliya ku soo qulqulayaan Itoobiyaan aad u farabadan. Waxaa la qiyaasayaa in maalin walba Soomaaliya ay soo galaan kumanyaal Itoobiyaan- Oromo oo dhaliyaro u badan. In badan oo dadkaas ah ayaa muddo gaaban ku barta afka Soomaaliga dabadeedna dhexgala oo isaga dhexmilma Soomaalida, iyagoo sheeganaya gobollada Bay iyo Bakool. Dadkaas ayaa laga shaki qabaa  in qaarkood ay ku biiraan Al Shabaab iyo Daacishta ku jirta buuraha Galgala, ee gobolka Bari.

Waxaa hubaal ah in Soomaaliya ay ka socdaan wax ka badan inta indhaha Soomaalida u muuqata, wax badan oo inoo muuqdana aysan ahayn sida ay inoogu muuqdaan. Haddii taariikhda wax laga barto Soomaaliya waxay maanta haysaa wadadii ay Falastiin martey qarnigii hore. Soomaalida iyo Falastiiniyiinta labadaba waxaa sabab u ah in si hawl yar dhulkooda loo la wareego sida doqonnimada jaahilnimada ah ee ay u aamineen, oo isugu dhiibeen, cadowgooda: WAXAYSAN AQOON KHIYAAMO.

GUNAANAD

War hayaay Soomaalaay hayaay, hayaay ka kacaay hayaay.
Maandeeq hasheenii, aan caanaheeda lulan jirney
Intaan xalayto hurudnaa, horar habar dugaagoo
Waraabihii horkacayoo, Dacawo iyo Libaaxiyo
Weerkiiyoo ku dabo jira, ka galeen hareera
Hadii aynan is dabo qaban, hurdadana ka sara kicin
Yur ka odhan Waraabaha, Maandeeq inuu cunin
Xaqiiq weeye aan hubno
Inagana kolkaasaa hoog iyo ba’eenii, halaaggeeni [al-nakba] soo galey
Oo xeryaha qaxootigaan ku abaadi doonaa —(Allahuma najaynaa)

Axmed Khaliif
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.