Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Bari: Kalluumaysato ku filnaaday nolosha qoysaskooda marki lagu caawiyay qalab ay ku shaqaystaan

Todobaatan ka mid ah kalluumaysatada deegaanka Bendersiyaadaqow ee gobolka Bari ayaa ku filnaaday nolosha qoysaskooda oo danyar ah markii hay’adda cunnada iyo beeraha ee FAO ay siisay qalab ka saacidaya kaydinta kalluunka, 13-kii Febraayo.

Cabdiqafaar Maxamuud Cabdi waxa uu muddo 20 maalin ah si welwel la’aan ah badda uga soo saaranayaa nolol maalmeedka qoyskiisa oo siddeed qof ka kooban. Waa markii ugu horaysay ee qoyskiisa ay isbeedal nololed dareemayo siddeed sano oo uu badda u kalahayay.

“Nolol maalmeedkeenu hadda waa fiican yahay waayo wax ayaan soo saaranaa, hadda aad ayay noloshu noloshii hore uga beddelan tahay, dhan walbaba. Meel shaqo leh iyo meel aan shaqo lahayn aduguba farqiga u dhexeeya waad garan kartaa, wax isku dhaw maahan magaaladii kalluunkeedii iyo ganacsigeedii aad ayuu u fiican yahay,” Ayuu yiri Cabdiqafaar.

Cabdiqafaar waxa uu todobaad walba labo maalin iibgeeyaa wax soo saarkiisa badda isaga oo ka hela lacag u dhaxaysa $15-$20. Arrintaas ayaa u suuragashay markii lagu caawiyay tallaagad uu kalluunka ku kaydsado si uusan uga hallaabin, alaab uu ku shiilo hilibka iyo shamaago uu ku soo dabto.

Waxa uu ka maarmay shirkado lacag uga qaadan jiray kaydinta iyo shiilidda kalluunka. Waxa uu sheegay in halkii kiilo ay ka qaadi jireen $2, hal dollarna uu ka qaadan jiray gaariga u safriya Boosaaso oo 45 km u jirta deegaanka. Balse waxa uu tilmaamay in hadda hawlahaas oo dhan uu isagu ku filnaaday.

Ninkaan marka laga soo tago doon yar oo uu u gaday nin ay qaraabo yihiin qalabka kale ee uu ku kaluumaysan jiray waxa ay ahaayeen kuwo laga kireeyo. Waxa uu xusay in maalintii laga qaadi jiray $10 taas oo meesha ka saaraysay faa’iidadii uu heli lahaa. Hadda waxa uu si buuxda ugu filnaaday biilka reerkiisa oo markii hore ku adkeed inay hal waqti wax cunaan.

“Wax isku dhaw iyo wax la isbarbar dhigikaro maahan noloshii hore iyo tan hadda maahan oo dadka oo dhan in baddii la galo oo magaalada laga shaqo-tago ayay noqotay, laakiin awal dhiirananaantuba waa iska yareed. Wax badan ayay noo tareen oo wax dayac nagu ahaa ayaan helaynaa, soofahii, mididii, miiskii, kaydintii oo tallaagaddii ah oo aana haysan oo hadda aan haysanno, shiilitaankii oo aan hadda haysanno, faa’iido aad u badan ayaan ka helnay.” Ayuu yiri Cabdiqafaar.

Cabdiqafaar waxa uu xusay in dhaqaalaha soo gala uu u kala qaybiyo saddex meel oo kala ah, biilka qoyska, in uu ugu talogalo socodsiinta shaqadiisa maalinlaha ah iyo in uu meel u dhigo in uu iskaga gudo dayn $700 ah oo uu ku leeyahay baqaar ay macaamiil yihin aa markii ugu horaysay ee ay soo galaan dhaqaalo uu kala qorsheeyo muddo 8 sano ah oo kalluumaysato ahaa.

Labo wiil oo ugu wayn carruurtiisa ayuu qorshaynayaa in markii ugu horaysay uu ku daro dugsi waxbarasho oo uu aaminsanyahay in uu awoodo bixinta qarashka Iskuulka.

Dadka qalabkan ka faa’idaystay kalluumaysatada kali ah maahan ee waxaa sidoo kale la siiyay ganacsatada yaryar ee maqaaxiyaha lagu kariyo kalluunka deegaanka ku leh.

Waxaa ka mid ah Intisaar Nuur Siciid oo maqaaxi cuntada bisil lagu iibiyo ku leh deegaanka. Waxa ay heshay tallaagad yar oo nuuca barafka ku shaqaysa ah iyo maacuun ay ku shiisho hilibka kalluunka. Waxa ay xustay in muddada ay alaabtan haysatay meheradeeda laga dareemayo koboc dhaqaale.

“Waxaan maalintii shaqeeyo awal waxa ay ahaan jirtay wax yar oo kalluunka markaan helo iskuma badin karin oo iima kala dhigmayo, kallunka aan markaas wada shiilana iima wada baxayo. Marka wax yar oo dhaqalo ah ayaan ka heli jiray, balse, hadda alxamdu lilaah kalluun badan ayaan soo qaataa. Labo xabo oo waawayn oo kale markaan soo qaato midna waan jarjaraa talaagadda ayaan ku ritaa midna waan shilaa, lacagta iiga soo baxda oo aan maalintaa ka shaqeeyana waxna kallunka aan soo iibsado iyo xaabada ayaan iskaga maareeyaa, waxii kalana nolosheena iyo iskuulka ilmaha iyo bareeggooda saddex meel ayaan u kla qaybiyaa waxii maalintaas iga soo gala.”

Haweenaydaan waxay suuqa ku soo gashay kiilo sonkor ah oo dayn ah oo ay ku billawday shaah karinta, kaas oo ay ka iibin jirtay ragga kalluumaysatada ah marka ay soo jillaabtaan ee ay ku soo noqdaan xeebta.

Qoyska Intisaar oo ah lix carruur ah iyo labada waalid waxay ku tiirsan yihiin wax soo saarka meheradda. Aabbaha reerka ayaa hadda ah baagamuuddo muddo afar bil ah markii ay xirantay xarun caafimaad oo ku taal magaalada Boosaaso oo uu waardiye ka ahaa. Waxa ay xustay in ay culays ku qabtay biilka reerka iyo waxbarashada carruurta labo ka mid ah oo bishii laga bixin jiray $14 sidii ay ku heli leheed, balse hadda ay ku filnaatay.

“Annaga nolol maalmeedkeenu waxa uu ku tiirsan yahay baddaas. Kalluunka baddaas ku jira ayaan ku xisaab tannaa oo waagu markuu baryo raadinnaa sidaan ku soo heli lahayn si aan u shiilno, oo qoyska noloshiisa aan ka maareeyo maalintaas, waxii aan shiilo dadka qadada aan ku siiyo oo aadina layga gato marka nolosheenu waxa ay ku tiirsantahay waxaa weee waxaan baddaas ka helno. Hadda waxa la taaban karo oo iska kay beddalay wax la taaban karo. Muddo yar ayaan hadda qalabka haystaa intaas yarba waxaan dareemay in saddex meelood meel ay iigu korodhay, waxii aan shaqayn jiray markii hore in ay wax iska kay beddeleen ayaan dareemayaa.”

Waxa ay xustay in markii hore carruurta habeenkii oo kali ah ay dabka ugu shidi jirtay $1-1.5 ay ka soo heli jirtay shaaha oo aan suuq u lahayn. Hadda meheraddeeda waxa ay maalinkasta ka heshaa faa’iido u dhaxaysa $6-8 taas oo ka dhigtay qoyska Intisaar mid saddex waqti wax cuna.

Intisaar waxa ay hadda qabtaa rajo ah inay ku biirto kalluunaysatada balse, Waxay tilmaamtay in aysan weli heli karin dhaqaalaha maalgashiga qalabka kalluumaysiga oo qaali ah iyo hubanti la’aanta ka jirta badda oo ay joogaan doonyo iyo maraakiib jiriif ah oo qalabka ka burburiya kalluumaysatada.

Gudoomiyaha eegaanka Cabdirisaaq Maxamed Cabdi waxa uu sheegay in 240 qof oo kalluumaysato ah laga soo xulay 70 qof ee qalabka la siiyay. Waxa uu xusay in lagu soo doortay sida ay dadku u kala liitaan. Waxa uu talmaamay in ay u kuurgaleen xaaladda dadka taasna ay u suuragalisay in ay ogaadaan dadka mudan caawinaadda.

Waxaa la siiyay tallaagado yar-yar oo ay kalluunka ku kaydsadaan, maacuun ay ku karsadaan iyo miisaskii lagu qali lahaa. Waxa uu sheegay in weli ay jiraan dad gaaraya soddon qof oo aan haysan qalab ay ku shaqaystaan, balse hadda kula shaqaysta kuwa helay oo ay iscaawiyaan.

Arrintan waxa ay suuragalisay in dad badan oo aan awoodin in ay badda ka soo saartaan nolol maalmeedkooda qalab la’aan darteed ay awood u yeesheen in ay iskood u shaqaystan.

“Badda hadda waa loo wada shaqo tagay, nin shamaag dhigta oo doomaha kale ayay la raacaan maalintaas oo dhan ayay la maqnaanayaan waxii ay ku soo helaan ayay quudaraynayaan (qorshaynayaan). Abaaraha baahsan ee jira ayaan aaminsanahay in xiligaan ku soo beegtay in badda xoogga la saaro. Marka waqtigeedii ayay ku soo beeggantay iyo bahideedii.”

Xigasho: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.