Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Aragtidayda “Qaamuuska Casriga Ah ee Maahmaahda Soomaaliyeed” ee uu Qoray Georgi Kapchits

Aadan Makina

Waxaan maqli jiray ilaa yaraanteydii, maahmaahda ah “ma anaa waalan mise Cadan baa laga heesayaa.” “Dhegaheyga kuma maqal dhaayahayga kuma arag”, in aqoonyahan u dhashay dalka Ruushka in maanta oo Axad ah (Oktoobar 11, 2020) uu ila soo xidhiidho asagoo ila socodsiinaya in Qaamuuska Casriga Ah ee Maahmaahda Soomaaliyeed oo uu ku hawlanaa gu’yaal badan la daabacay. Buugga kuma qorna afkiisa hooyo ee Ruuska balse waa mid ku qoran afkeena hodanka ah ee Soomaaliga. Qaamuuska wuxuu aqoonyahanku ku ururiyay ilaa 5,000 oo maahmaahyo soomaaliyeed ah. In kastoo horey loo yidhi “Soomaali been kuma maahmaado”, qoraaga oo ah Dr. Georgi Kapchits wuxuu mudan yahay in ciddaan aqoon hadda loo bandhigo taariikh nololeedkiisa si mowlac aan loo kala hadhin loogu casumo goortay noqotaba, laguna shubo caano dhaay ah, taas oo muujineysa qaddarinta iyo qiimaha ay u hayso ummadda Soomaaliyeed.

Intaanan u gudaggelin dulucda Qaamuuska Casriga Ah ee Maahmaahda Soomaaliyeed, waxaan jecleystay bal inaan idinla wadaago taariikha Qoraa Dr Georgi Kapchits oo in dhoweyd maqaal aan qoray, welina aan la soo saarin ku taagtaagsaday qaybta ama doorka lixaadka leh ee uu ka cayaaray horumarinta af Soomaaliga. Magac dhawgii Georgi maqaalkaygii hore waa mid iila eg xusuus kedis ah (coincidence). Taasi waxay muujineysaa, anoo qalbiga ku hayo ayuu si kedis ah iila soo xidhiidhay. Georgi oo iigu yeedha “Gacaliye Aadan” ama “Walaalkayga iga yar” goortaan isweydaarsaneyno qoraallada xidhiidhka elektirooniga ah, waa mid igu weyn dhanka aqoon isweydaarsiga. Muddo ka badan 10 sano ayaanu is naqaanay, waxaan ka faa’ideyna lama soo koobi karo. Waxaa jidha odhaah afka qalaad ee ah “lean on the shoulders of giants” oo la micne ah ‘ku tiirso garbaha maadaanleyaasha/maadiinleyaasha.’ Waxaan u soo qabsaday odhaahdaa in Georgi yahay garab Soomaali oo dhammi ay ku tiirsan kadho.

Taariikh kooban Georgi Kapchits

Georgi waa Aqoonyahan ku talaxtegey afafka Amxaariga iyo ka Soomaaliga, wuxuuna ku dhashay dhulkii baaxadda weynaa ee la odhan jiray Midowga Sofyeeti sannadkii 1939, waana xilli ku aadan billowgii Dagaalkii Labaad ee Adduunka. Sannadkii 1967 ayuu ka qalin-jebiyey Jaamacadda Lomonosov oo ku taalley magaalada Moosko. “Walaalkeyga iga weyn” waa sida aan ugu jawaabo e, Dr Georgi, sida aan ka dhuuxay taariikhdiisa, wuxuu sannadkii 1967 ku biiray Raadiyaha Moosko, asagoo noqday wartebiye iyo tarjubaan, wuxuuna hawshaas waday ilaa 1994. Sannadihii 1994 illaa 2014 ayuu “Idaacadda Codka Ruushka” daadihinayey Qaybta faaqidaadda iyo faallada. “Waa yaab, yaabkiis iyo ammakaage”, “walaalkeyga iga weyn” “wuu ku dhalan gaadhay” waxyaabaha la halmaala idaacadaha iyo wartebinta, waana sida ay Soomaalida tidhaahdo goortuu qof meel ku raago.

Cilmi raadis da’ ma celisee, sannadkii 2000 ayuu gacanta ku dhigay shahaadada PhD, taas oo ku saabsaneyd naxwaha af Soomaaliga. Waxaa intaas u sii dheer in uu af Soomaaliga ka dhigi jiray jaamacado ku kala yaal magaalooyinka Moosko iyo Baarliin. Halkaas yeynan kaga tagine, ugu dar toban buug oo af Soomaali ah oo uu qoray, kuwaas oo yaalla maktabado iyo degellada ganacsiga caalamiga. Sidoo kale, wuxuu qoray maqaallo aan tiro lahayn oo dhammaantood ku saabsan suugaanta Soomaaliyeed. Intaa aynu ku dhafno milicsiga kooban ee taariikhda Dr Georgi aynuna u leexanno dhanka falanqeynta buuggiisa dahabiga ah.

U-kuurgalka Buugga Cusub ee Diiwaanka Maahmaahda Soomaaliyeed

In shakhsi uu isku xilsaaro dhigaal socday sanooyin badan waa arrin culeyskeeda leh. Dr Georgi in uu qoro qaamuus xambaarsan 5,000 oo maahmaahood waa dhaxal ay isla wadaagi doonaan Soomaali weyn iyo inta qaddarisa af Soomaaliga ku sugan baylahda weyn. Kala-guurkii billowgii 1991 markii dawladdii dhexe ay burburtay ayaa sababtay in ay meesha ka baxdo muhimaddii af Soomaaliga lahaakaalintiisiina ay baddeleen afaf qalaad siiba Carabiga iyo Ingiriisiga inkastoo dad tiro yar dadaal u galeen in ay badbaadiyaan. Isweydiin ma leh in ay jiraan luuqado sii baaba’aya sannad walba. Matalan, bishii labaad sannadkii 2010, jasiiradaha Andaman (Andaman Islands) oo hoos yimaadda dalka Hindiya waxaa ku geeriyootay haweeney la odhan jiray Bo Sr oo da’deedu ahayd 80 jir, taas oo ahayd qoftii ugu dambeysay ee ku hadasha af qaddiimi ahaa ummaddii ku hadli jidhayna cudurro is daba joog ah cidhibtireen. In luuqad baa’ado kuma saleysna baaba’a dadka ku hadla keliya. Waxaa sababi kara afafkii gumeystayaashii ay ku khasbeen ummadihii ay dhulkooda qabsadeen sida Ingiriiska, Faransiiska, Isbaanishka, Boortuqiiska iyo kuwo kale. Loolankii kala-qaybsiga Afrika ee afka qalaad loo yaqaan The Scramble for Africa ama The Partition of Africa ee kulankiisa lagu qabtay magaalada Baarliin sannadihii 1884 – 1885 ee ay hor boodaayeen madaxdii Beljiyam iyo Jarmalka, wuxuu sababay dhaawac weyn oo gaadhay luuqado badan oo looga hadlo qaaradda Afrika.

Wax kasta oo ku saabsan dhigaal ama qoraal wuxuu u baahan yahay maareyn wakhti (time management) illeyn wakhti lumay dib looma soo celin karo e. Waxaad u baahan tahay waxyaabo badan sida cunto, cabbitaan, ama dhaqaale kugu filan inta aad ku hawlan tahay dhigaalka. Waxaa kuu sii dheer cilmibaadhid, saaxiibbo kaa caawiya waxaad garan weydo ama kula qabta hawlo kala geddisan. Dalbashada buuggaagta kuu sahlaysa geeddisocodka dhigaalka, waxaad ka raadin maktabadaha iibiya buuggaagta taxan degellada, kuwa jaamacadaha oo mararka qaar u baahan inaad sugto muddo iyo kuwa dukaammada caadiga ah ee buuggaagta lagu gado. 

 Isbeddelka cimilada sida xilliga qaboobaha ayaad ku turunturoon kadhaa oo kaa reebaya socdaal kastood damacdo. Gurmad iyo tacsi qaraabo iyo ehel ama deris aad booqato waa waxaan laga tegi karin haddaad leedahay damqasho aadminnimo. Sideedaba, qof waliba wuxuu gabbadaa (libiqsadaa) 15 illaa 20 jeer daqiiqaddii ama 900 ilaa 1,200 saacad walba. Wadar ahaan waa 20,000 maalinkii, ilaa 130,000 toddobaadkii, iyo 5 ilaa 7 malyuun sannadkii. In aad dul fadhido aalad iftiin bixinaya saacado badan, waxay dhaawici kadhaa nuurka indhahaaga, in kastoo gabbashadu ay caawiso aragga indhaha. In la daryeelo indhaha waa waajib, waayo, waa xubinta keliya jirka aadmiga aan la beddeli karin (transplantation).   

Waa maxay maahmaah?

Maahmaah waa hadal gaaban oo si dadban loo yidhi, kuna fadhiya micne dadban. Maahmaahyada af Soomaaliga waa kuwo hore iyo kuwo hor leh. Maahmaahda “rag waa raggii hore, hadalna waa intuu yidhi” waa hadal qadiimi ah, laakiin “rag waa shaah, dumarna waa sheeko” waa odhaah cusub, waayo shaah wuxuu na soo gaadhay ‘sannadkii biyo fuud’ oo ku beegan 1920 markii imberedooriyaddii Ingiriiska ee fadhiday Kiiniya billowday beerashada qasabka iyo caleenta shaaha. Sannadka loogu magac daray “biyo fuud” ujeedduu leeyahay. Maadaama dadka aysan haysan fiijaamo, koobab ama bakeeriyaal, waxaa la isticmaali jiray ‘xeero’ oo marna loo yaqaan ‘kur’ iyo ‘fandhaal’ oo isna magaciisa kale yahay ‘mooqa’. Labadaasi weel ayaa lagu fuudi ama cabbi jidhay shaaha waagaa.

Haddaad maqasho odhaahda ah “horaa loo yidhi”, waa in aad ogaataa in waxa soo socda yahay maahmaah. “Af daboolan, waa dahab” waxaa lagu micneyn karaa oo kale “hadal badan haan ma buuxsho.” Hadal badnaan awgeed yaan lagu dhaleeceynine, adoo iska aammusa ayaa kuu dhaanta, weeye ujeeddadu. “Abuur iyo waano, abuur baa horreeyay” waa hadal ku saleysan in waanadu aanay qofka dabeecaddiisa waxba ka beddeli karin. “Aan wada hadalno, waa aan heshiinno” waa xaalka aynu ka wada xaajoono si aan heshiis uga gaadhno.

“Af jooga looma adeego” ama “nimaan hadlin habartiisna wax ma siiso” way isa shabbahaan. Uma baahnid in laguu hadlo, adoo awoodo in aad baahidaada u soo bandhigto qofka aad wax ka dooneysid. Carruurta yaryar way ooyaan goortay gaajoodaan ama xanuunsadaan, hooyaduna way dareentaa, deetana tallaabo qaaddaa.

Soomaalaay, haddaad horey u maqasheen “kab iyo xaarkeedba waa laysla tuuraa”, kolley ma habboona in cagta kugu jidho kab xaar ku larnaato, waayo, urka xaarka ka hor waa cayb in rag kula mid ah aad la xaajootid, adoo cagtaada seyreysa ur aan loo adkeysan karin. Hadalkaa waxaan uga golleeyahay, waa in aad iska tuurtaan heeryada guumeysiga ee aad sida biyaha u qudhqudhineysaan, waana afafka shisheeye ee hooyadii caloosha 9-bilood kugu sidday aysan kula fahmeyn. Sow wax laga yaqyaqsooda ma aha in boqol wiil oo Soomaali ah oo laga soo kala ururiyay dhowr waddan oo ka tirsan Yurub in la geeyo geyi Soomaali si ay ugu tartamaan kubbadda cagta, deetana loo kala tarjumo maadaama ay ku kala hadlayeen afaf shisheeye?

Gunti iyo gebagebadii, “waayeel wedkiisa wuu yaqaannaa.” Inta goori goor tahay, dhaxalka “walaalkeyga iga weyn” yaanan loo deymo la’aan. Buug qaamuus ah oo ka kooban 347 bog ma aha wax la dhayalsan karo. Dr Georgi Kapchits waxa uu inoo qabtay hawl weyn oo aan Soomaali ahaan innagu baylihinay. Aad bay u mahadsanyihiin aqoonyahan Dr Geoergi iyo madbacadda Laashin oo iyadu daabacday suurtana gelisay soosaarista buuggan qiimaha weyn ugu fadhiya ummadda Soomaaliyeed.

W.Q. Aadan Makiina

Email:[email protected]

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.