Alshabaab oo uga digtey shirkadaha Internetka Soomaaliya in ay u hoggaansamaan awaamiirta dawladda federaalka

Alshabaab oo uga digtey shirkadaha Internetka Soomaaliya in ay u hoggaansamaan awaamiirta dawladda federaalka

Muqdisho, Kadib markii uu shaaciyey wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya Md. Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala in hawada laga saarey 40 bog oo Internetka oo kooxda Alshabaab wararkeeda ku baahin jirtey, isla markaana amar adag duldhigey warbaahinta, kaasi oo ku aaddan ineysan fidin karin wararka kooxdaasi ayey kooxda digniin  kulul u dirtey shirkadaha Internetka dalka gudihiisa ka hawlgala.

Alshabaab ayaa uga digtey shirkadaha isgaarsiinta in ay u hogaansamaan amarrada dawladda federaalka ah ee lagu xirayo baraha shabakadda Internetka ku leedahay, waxa ayna ku hanjabtey in tallaabooyin adag ka qaadi doonaan shirkadaha u hoggaansama amaradaas dawladda kasoo baxey.

Kooxdu ma caddeynin tallaabooyinka shirkadahaasi ay ka qaadi doonto laakiin bayaanka kooxda ayaa u muuqdo hanjabaad aad u adag. Lamana oga sida shirkadaha Internetka Soomaaliya ay isu waafajin doonaan amarrada is diidaya ee uga kala imaanaya dawladda federaalka iyo xarakada Alshabaab.

Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa u muuqata in si adag ay u wajahayso dagaalka ay kula jirto maleeshiyaadka Alshabaab, waxa ayna doonaysaa in ay hawada ka saarto aaladda warbaahineed ee kooxda oo ah mid casriyeysan oo la jaanqaadaysa horumarka baraha bulshada, islamarkaana si wayn u faafisa dacaayadaha kooxda ayadoo adeegsanaysa tiknolojiyadda casriga an.

Alshabaab ayaa leh aalad warbaahineed, waxa ayna siyaabo kala duwan ugu adeegsataa shabakadda Internetka qeybaheeda kala duwan inkastoo caqabado faraha badan ay wajahdo haddana waxa ay u muuqataa kooxda mid saamayn ku leh baraha bulshada.

Haddaba dawladda federaalka Soomaaliya oo garawsatay saamaynata ay baraha bulasha Alshabaab leedayay ayaa go’aan adag ku gaartey in kooxda xayiraad dhanka Internetka lagu soo rogo wallow la is waydiinayo sida go.aankaan ku fuli karo maadaama adeega Internetka dalka ay maamulaan ganacsatada gaarka ah kooxdana ay awood u leedahay in ay beegsato shirkad walba oo xayiraad kooxda saarta, dawladda federaalkuna aanay balanqaadi karin amniga shirkadaha Internetka dalka ka hawlgala.

Horey ayey maleeshiyaadka Alshabaab waxa ay xayiraad Internetka mobilada laga isticmaalo dalka ugu soo rogtey taasi oo hirgashay maadaama dawladda federaalka ay shirkadaha isgaarsiinta siin waysay dammaanad dhanka amniga ah haddii ay ka hor yimaadaan amarka xayiraadda ah ee uga yimid maleeshiyaadka Alshabaab sanadii 2014.

Maxamed Cumar

WardheerNews, Muqdisho