Al shabaab oo sheegatay qarax Muqdisho ka dhacay oo ay ku dhinteen Soomaali iyo Ajaanib

Al shabaab oo sheegatay qarax Muqdisho ka dhacay oo ay ku dhinteen Soomaali iyo Ajaanib

Muqdishu (WDN) – Maqribnimadii maanta oo ku beegan Isniin, Seb 21, ayaa waxaa afaafka hore ee xarunta madaxtooyada Soomaaliya ka dhacay weerar loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo uu watay ruux ismiidaamiye ah. Gaadhigaasi oo lala eegtay kolonya gaadiid ah oo kasoo baxayay madaxtooyada. Waxaana qaraxa ku dhintay dad lagu qiyaasay 9 qof, oo isug jira 2 askari, 4 shicib Soomaali ah iyo 3 Ajaanib.

Qarax MadaxtooyadaWeerarkaasi ayaa waxaa wararku sheegayaan in ajaaninbta ku dhimatay ay kamid ahaayeen mawaadiniin u dhashay dalka Turkiga, inkasta oo aan wali la xaqiijin. Dadka dhaawacmay ayaa waxaa kamid ah gudoomiyaha degmada Wardhiigleey ee gobalka Banaadir, Yaasiin Nuur Ciise, isaga oo la dhigay mid kamid ah Isbitaallada Magaalada Muqdishu, sida ay noo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonyahay.

Gaadiid aad u badan ayaa waxa ay ku burbureen weerarka, iyada oo darbiga Hoteelka SYL uu ka dumay dhanka xigta Madaxtooyada. Waxaana wararka qaar ay sheegayaan in dadka qaarkood ay ku dhinteen gudaha Hoteelka.

Kooxda Al Shabaab ayaa waxa ay sheegatay masuuliyadda weerarka, inkasta oo si rasmi ah aysan u xaqiijin cidda ay la beegsadeen.

Weerarka ayaa waxa uu dhacay inyar uun kadib markii uu soo dhamaaday kulanka Wadatashiga ee higsiaga doorashada 2016‏. Waxa uuna ahaa weerarkii ugu horeeyay ee nuuciisa ah ee Muqdisho ka dhaca wixii ka danbeeyay weerarkii qasaaraha badan dhaliyay ee lagu qaaday Hoteelka Jazeera ee kaabiga ku haya Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Waxaa joogto noqotay in Muqdisho qarax lagu hoobto uu ka dhoco, kadibna ay goobta soo buuxiyaan ciidamo badan oo xira wadooyinka, wariyaashana u diida in ay tebiyaan wixii dhacay, taa bedelkeeda taleefannada gacanta ee ay wataan ku qaada sawirro aad u badan, iyada oo ay xigto tacsi ay u diraan madaxda Soomaalidu dadkii goobta ku dhintay iyo laamaha amaanka oo sheega in cid kasta oo ka danbeysay ay soo qaban doonaan caddalad hor geyn doonaan . Arimahaasi oo ka gadaal iyada oo aan cidna loo qaban la iska iloobo, oo ka gadaal qarax kale dhaco oo markale dhcadooyinkii ay si joogta ah u soo noqnoqdaan.

WardheerNews, Muqdishu