London, Abril 13, 2014 (WDN)- Kulan baroor-diiq ah oo lagu xusayay ilaah naxariistii janno ha siiyee marxuum Danjire Shariif Saalax Maxamed Cali oo ay soo qabanqaabisay Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) laanteeda London, ayaa maalintii Sabtida oo ay taariikhdu ku beegnayd 12ka Abril lagu qabtay magaalada London ee xarrunta Boqortooyada Biritayn.
Marxuum Danjire Shariif Saalax Maxamed Cali oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu ahaa aqoonyahan si aada isugu taxaluujiya cilmibaarista iyo kobcinta Afka Soomaaliaga, waxaanu xilal kala duwan ka soo qabtay dawladda Soomaaliyeed. Kuwaas oo ay ka mid ahaayeen guddoomiyihii guddidii Af Soomaaliga, wasiirka hiddaha iyo tacliinta sare iyo guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda soomaaliyeed , isagoo islamarkaana danjire ka noqday waddamo kala geddisan oo uu qaranka Soomaaliyeed wakiil uga ahaa.
Haddaba munaasabaddan baroordiiqda oo ahayd mid si aada loo soo agaasimay ayna ka soo qayb galeen aqoonyahanno iyo waxgarad ka kala yimid meelo kala geddisan, ayaa waxaa ugu horreyntii codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay guddoomiyaha Akadeemiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax oo fadhigiisu yahay magaalada Jabuuti haatanna booqasho shaqo ku jooga magaaladan London.
Md. Afrax oo goobta hadal ka jeediyay, ayaa waxa uu si baahsan uga warramay taariikh nololeedkii marxuum Shariif Saalax Maxamed Cali oo uu ku tilmaamay in uu ahaa halyay ummadda Soomaaliyeed ka baxay.
Guddoomiyaha AGA Dr. Maxamed Daahir Afrax, ayaa waxa uu xusay in marxuumku uu ka mid ahaa xubnaha ugu waayo aragsan uguna firfrcoon Akadeemiyada isagoo islamarkaana waxqabad badan ka geystay cilmibaadhista iyo horumarinta afka Soomaaliga.
Dr Afrax ayaa waxa kaloo uu sheegay in marxuumku uu qoray buuggaag fara badan oo aan ku tilmaami karno dhaxal qiimo leh oo uu uga tegay ummadda soomaaliyeed.
Md. Maxamed Daahir Afrax, ayaa waxa uu goobta ka sheegay in marxuumku ahaa halyay loo baahanyahay in ummadda Soomaaliyeed meel kastoo ay joogtaba weynayso
Waxaa isna goobta ka hadlay Danjire Maxamed Cismaan Cumar oo ay muddo badan soo wada shaqeeyeen marxuumka . Danjire Maxamed Cismaan Cumar, ayaa waxa uu sheegay in marxuumku ahaa diblomaasi aad looga qadariyo wasaaradda arrimaha dibadda islamarkaaana uu waddamo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen Talyaaniga iyo Biritayn uu danjire ka noqday.
Marxuum Shariif Saalax oo intii burburka ka dambeysay isagu ku noolaa magaalada Muqdisho kana mid ahaa bulshada Rayidka ah, ayaa doorkii uu ka soo qaatay dibuheshiisiinta waxaa ka warramay Cabdilqaadir Suufi oo loo yaqaan Muriidi Golf oo hore u ahaan jiray qunsulka Soomaaliya ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.
Guud ahaanba munaasabaddan baroordiiqda ah ee loo sameeyay Danjire marxuum Shariif Saalax Maxamed Cali, ayaa dadkii kale ee goobta ka hadlay oo u badnaa dad ay muddo dheer isyaqaanneen soona wada shaqeeyeen, waxay isla qireen in marxuumku ahaa shaqsi abaal badan u galay ummaddiisa oo aan marnaba la ilaawi Karin, mudanna in taallo lagu xasuusto loo dhiso.
Waxaa marxuum Shariif Saalax ay Akadeemiyadu ku maamuustay shahaado sharaf taasoo uu guddoomay guddoomiyaha AGA Dr Maxamed daahir Afrax.
Munaasabadda oo si qurux badan u dhacday, ayaa waxaa soo gunaanaday Md. Rashiid Sh. Cabdillaahi (Gadhweyne) oo ka mid ah guddida Akadeemiya Goboleedka Afka Soomaaliga, waxaana barnaamijka si habsami leh u daadihinayay Cabdiraxmaan Abtidoon oo isna ka tirsan AGA faraca London oo munaasabddan soo qabanqaabisay.
WardheerNews oo munaasabaddan ka qaybgashay, ayaa waxa u suurto gashay in ay wareysi la yeelato guddoomiyaha AGA Dr. Maxamed Daahir Afrax iyadoo wareysigaasna aad ku maqli doontaan Barnaamijka RaadRaac ee Raadiyo Wardheer maalmaha foodda innagu soo haya haddii Alleh yidhaa.
Khaliil Cabdiraxmaan Xasan
WardheerNews, London
Leave a Reply