Xukuumadda cusub ee Soomaaliya oo markii ugu horeysay beenisey in ciidamada Ereteriya tababarka ug maqan loo adeegsadey dagaalada Tikreega

Muqdisho (WDN)- Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Md. Cabdikariim Cali Kaar,  ayaa beeniyey wararka sheegaya in ciidanka Soomaaliya loogu soo tababarayo dalka Ereteriya loo adeegsadey dagaaladii ka dhacey gobolka Tikree ee u dhaxeeyey dowladda Itoobiya iyo jabhadda Tikreega.

Md. Cabdikariim ayaa tilmaamay in wararkaasi ay beenoobeen kadib markii Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud uu booqasho ku tagey dalka Ereteriya dhawaan, kulamana lasoo qaatey askarta Soomaalida ee dalkaasi Tababarka u jooga.

Askarta Soomaalida ee Ereteriya Tababarka u jooga.

Afhayeenka ayaa intaa ku darey in Madaxweynaha booqashadaas kadib kulan uu la qaatey waalidiinta askartaas Ereteriya ku maqan isla markaana ay suurto gashay in qaar ka mid ah askarta waalidkooda lasoo hadlaan.

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa ka mid ahaa tiro siyaasiyiin ahaa oo xilligii qabanqaabada doorashada madaxtinimada Soomaaliya socotey ku eedeeyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Md. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in ciidanka Soomaalida uu ka qeybgaliyey dagaalada gobolka Tikree, ayagoo garab siinaya Dawladda Federaalka Itoobiya, ee u madaxda u yahay Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed.

Eeddaas ayaa sababtey walaac fara badan oo ay muujiyeen waalidiinta ciidanka tababarka ugu maqan Ereteriya. Waxaana dhawr jeer magaalada Muqdisho ka dhacey dibadbaxyo Farmaajo looga codsanayey in ciidankaas dalka dib loogu soo celiyo, warbixin buuxdana laga helo xaaladdooda nololeed.

Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.