Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqdey ciidamada Soomaalida ee tababarka u jooga Ereteriya

Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii 2aad booqasho rasmi ah ku jooga dalka Ereteriya, ayaa maanta booqdey ciidamada xooga dalka ee tababarka u joogey dalkaasi muddo laba sano ah.

Madaxweyne Xasan oo uu weheliyo dhiggiisa Ereteriya essias efewerk, ayaa salaan ka qaatay ciidamo Soomaali ah oo dalkaas tababar u joogay, kuwaasi halkaa la geeyey xilligii uu talada hayey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Md. Xasan sheekh oo booqday ciidamada xooga dalka Soomaaliya, ee tababarka u joogey Ereteriya muddo laba sano ah,

Ciidamadaan ayaa muddooyinkii danbe arrinkooda uu muran badan ka taagnaa, waxaana jirey warar sheegayey in loo adeegsadey dagaalada sokeeye ee ka dhex qarxey ciidamada Ethiopia iyo TPLF, gobolka Tigree.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalinkii uu xilka wareejinayey, sheegay in tirada ciidamada Soomaalida ee tababarka Ereteriya loogu qaadey ay gaarayaan 5 kun oo askari.

Md. Xasan Sheekh ayaa la filayaa in booqashadiisa Ereteriya uu kusoo xaliyo arinta ciidamadan Soomaalida ee tababarkoodu dhamaystay, laakiin keenistooda dalka ay waqti dheer qaadatey. Madaxweyne Xasan ayaa horey u balanqaadey in ciidankaasi dalka la keeni doono, ay laf dhabarna ay u noqon doonaan duulaanka ka dhanka ah xag jirka Alshabaab ee dawladnimada Soomaalida kasoo horjeeda.

Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho