Sunday, May 19, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tagey Ereteriya

Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqasho rasmi ah oo qaadanaysa muddo afar maalmood ah ugu ambabaxay dalka Ereteriya, ka dib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Isaias Afwerki.

Md. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Isaias Afwerki.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa qaadan doona wada-hadallo dhinacyo badan taabanaya, arrimaha ciidamadii tababarka loogu qaaday dalka Ereteriya labo sano ka hor oo war iyo wacaalkooda muddo la la’aa.

Madaxweyne Xasan ayaa horey u balanqaadey in ciidamadaasi si degdeg ah dalka ugu soo celin doono, isla markaana qeyb ay ka noqon doonaan olo’laha lagula dagaalami doonno kooxda xag jirka ah ee Alshabaab oo deegaano ballaaran gacanta ku haysa.

Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.