Xubnaha Golaha Wasiirrada oo La Shaaciyay

Iyadoo tan iyo saacadda Muqdisho markii ay ahayd 5tii galabnimo la dhawrayay ku dhawaaqista golaha xukuumadda cusub ee ra’iisalwasaare Cabdiwali Sheekh Axmed, ayuu goor dhawayd uu  ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. C/weli Sheekh Axmed Maxamed uu shaaciyay xubnaha  wasiirrada cusub ee xukuumaddiisa ka midka noqonaya.

Ra’isulwasaaraha oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda, ayaa sheegay in magacaabistani ay ka dambeysay wadatashi ballaaran, islamarkaana uu ka ogolaaday madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud iyadoo uu islamarkaana ka codsaday Xildhibaannada Baarlamaanku iney ansixiyaan  golaha wasiirrada cusub.

Golaha Wasiirrada cusub ayaa ka kooban 25 wasiir, Shan wasiirudowle iyo 25 Wasiir Ku xigeen, waxaanan halkan  magacyadooda idiinku soo gudbinaynaa liiska wasiirrada, waana sidan:-

  1. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane C/laahi Goodax Bare
  2. Wasiirka Maalliyadda Mudane Xuseen Cabdi Xalane
  3. Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud
  4. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle
  5. Wasiirka Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed
  6. Wasiirka Waxbarashada Mudane Axmed Maxamed Guraase
  7. Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Mudane Yuusuf Cali Aamiin
  8. Wasiirka Qorsheynta Mudane Saciid C/laahi Maxamed
  9. Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed
  10. Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Mudane Jaamac Axmed Maxamed (Oday)
  11. Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow
  12. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulinta Hawada Mudane Saciid Jaamac Maxamed Qoorsheel
  13. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Nucmaan Sheekh Ismaaciil
  14. Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Maxamed Ibraaahin Xaaji Aadan
  15. Wasiirka Beeraha Mudane Cabdi Axmed
  16. Wasiirka Sportiga iyo Dhalinyarada Mudane Khaalid Cumar Cali
  17. Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare Mudane Ducaale Aadan Maxamed
  18. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Aadan Maxamed Nuur
  19. Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska Eng Nadiifo Maxamed Cusmaan
  20. Wasiirka Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha Khadiijo Maxamed Diiriye
  21.  Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Mudane Maxamed Coloow Baroow
  22. Wasiirka Macdanta Mudane Daa’uud Maxamed Cumar
  23. Wasiirka Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa Mudane Saalim Caliyoow Ibroow
  24. Wasiirka Caafimaadka Mudane General Axmed Maxamed Maxamuud
  25. Ku XIgeenka Ra’isulwasaaraha ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed

Liska wasiirudawlayaasha iyo wasiir kuxigeennada halkan ka akhriso.

WardheerNews