Jahawareer Ka Jira Xarunta Villa Soomaaliya oo Caawa la Filayay In Lagaga Dhawaaqo Xubnaha Golaha Wasiirrada

villaWaxaa muuqanaysa in khilaaf aan hore loogu sii talogelin uu saacadihii ugu dambeeyay  ka dhex qarxay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisalwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, si ay isula meel dhigaan xubnaha golaha wasiirrada ee caawa loo ballansanaa in lagaga dhawaaqo munaasabad ka dhacaysa xarrunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.

Wararka aan ka heleyno ilo ku sugan xarrunta Villa Soomaaliya, ayaa sheegaya in marti shraf kala geddisan iyo bahda saxaafadda oo lagu casuumay xarrunta madaxtooyada si ay goobjoog uga ahaadaan munaasabadda ku dhawaaqista xubnaha xukuumadda cusub ay kuwa badani iskaga hulleeleen maadaama ilaa maanta galabnimadii fadhiyaan madasha iyadoo hadda dad kooban weli ku suganyihihiin goobta.

Isjiidjiidad iyo ismariwaa ka dhex aloosnaa madaxweyne Xasan iyo ra’iisalwasaare Cabdiweli labaatankii maalmood ee aan soo dhaafnay ayaa la sheegayaa in shalay laxliyay ka dib markii uu u kala dabqaaday guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Md. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Wararka ay WardheerNews ka helayso ilo ku dhawdhaw madaxtooyada ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu faragelin aan sharcidarro ah ku hayo xilka ra’iisalwasaaraha ee magacaabista wasiirrada xukuumadda isagoo raba in uu saamayn weyn ku yeesho arrintaas. Taasi oo caqabad ku noqotay si uu ra’iisalwasaaruhu u soo dhiso xukuumadda.

Iyadoo ilaa hadda lagu hawlanyahay dhammaynta khilaaf jira ayaa la rajaynayaa in inta aannu waagu beryin lagu dhawaaqo golaha wasiirrada cusub oo ay ku jiraan xubno awood badan oo ka mid ahaa xukuumaddii Saacid oo madaxweyne Xasan aad ugu dhawdhaw.

Dadka siyaasadda Soomaalida ka faallooda ayaa aaminsan in ra’iisalwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ay ku adkaan doonto in uu la shaqeeyo madaxweyne Xasan maadaaama uu xidhiidhkoodu durtaba ku bilaabmay khilaaf, sidaa darteena ay u sharaf roonaan lahayd in uu isu casilo si la mid ah sidii ay yeeshay haweenaydii guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Yusur Abraar.

Jahawareerka caawa ka jira Villa soomaaliya ayaa faddeexad iyo foolxumo weyn ku ah mas’uuliyiinta ugu sarraysa dawladda siiba madaxweynaha iyo ra’iisalwasaaraha.

Iyadoo ilaa hadda la sugayo magacaabista golaha wasiirrada waannu idiin soo gudbin doonnaa hadba sida ay u dhacdo.

 

WardheerNews