London, Jan. 16, 2014 (WDN)- Wararka aan ka helaynno magaalo madaxda dalka Jabuuti ee Jabuuti, ayaa sheegaya in maanta barqadii xabsiga la dhigay xubno ka mid ah hoggaamiyayaasha mucaaradka Jabuuti ee iyagu ku midaysan dalladda USN.
Sida ku cad qoraal uu saxaafadda soo gaadhsiiyay Axmed Reyaale oo ka mid ah mucaaridka Jabuuti, xadhiga mas’uuliyiintan ayaa ka dambeeyay markii ay maanta isugu soo baxeen dabbaaldegga xuska aasaaska dallada muccaradka Jabuuti oo ku beegnaa maanta.
Warka ayaa waxa uu intaas ku darayaa in ay isku gadaameen goobtii uu xusku ka socday ciidanka nabadgelyadu si ay u kala kaxeeyaan dadweynihii goobta ku sugnaa.
Kadib goortii ay soo gaaidheen madaxda USN-ta goobtii xusku ka socday, waxa qaqabtay ciiddanka Booliska, waxaana loo taxaabey xabsi Boolis oo ku yaal Nagaadh, xilliga ay goorsheegtu ku abaarneyd 09,00 subaxnimo.
Waxa ka mid ah madaxda maanta loo taxaabey Jeelka
1- Ismaciil Geeddi Xareed
2- Axmed Yuusuf
3- Daahir Axmed Faraax
4- Cumar Cilmi Kheyre
5- Cabduraxmaan TX
Iskudhac dhex maray ciiddanka booliska iyo taageerayaasha mucaaradka ee goobta joogay, ayaa la sheegayaa in ay ka dhasheen dhaawacyo soo gaadhay dad badan oo uu ka mid ahaa nin garyaqaan ah oo lagu magacaabo Jaamac Amareh sida lagu xusay qoraalka.
Illlaa hadda ma haynno warar madaxbannaan oo dhacdadan ka hadlaya.
Waddanka jabuuto oo 27 Juun 1977 ka qaatay xornimadiisa waddanka Faransiiska, ayaa tan iyo xilligaas ay hoggaanka u hayaan hal qoys, iyadoo madaxweynaha hadda Md. Ismaaciil Cumar Geelle uu xilka ka dhaxlay adeerkii Xaaji Xasan Guuleed Abtidoon oo isagu hoggaanka dalkaasi qabtay markii uu ka xorroobay Faransiiska.
WardheerNews
Leave a Reply