Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Xildhibaan Cabdulqaadir Jirde: Somaliland iyo Soomaaliya waxay yeelan karaan qarannimo-wadaag

W.Q. Maxamuud Cabdillahi Axmed

3dii bisha Ogost 2020 ayaa machadka ISIR (Institute for Strategic Insights and Research), ee fadhigiisu yahay Hargeysa, uu soo qabanqaabiyey kulan lagu gorfeynayo wada-hadalladii Soomaaliland iyo Soomaaliya ee ka dhacay Djibouti bartamihii bishii Juun 2020ka. 

Kulankaas waxa ku marti ahaa Xildhibaan (Xldh) Cabdulqaadir Jirde oo xubin ka ah Baarlmaanka Soomaaliland, oo kulankaas ka jeediyey hadal dadkii madasha fadhiyey u dhego-raariciyeen, ka qayb-gelayaashii kulankana halqabsi u wada noqday (point of reference), baraha bulshadana aad loogu baahiyey.   

Xldh. Jirde waxa uu ibo-furay feker-curin cusub oo aan hore saaxadda siyaasadda Soomaalida loogu hayn oo ku aaddan furayaasha wadahadallada Soomaaliland iyo Soomaaliya; kuwaas oo ah, sida uu u yidhi: Qarannimo-wadaag (shared sovereignty), kalsooni dhisid (confidence building) iyo aaminka in mustaqbal wacani innaga horeeyo (leap of faith), Ilaah idankii.

Xldh. Jirde waxa uu tusaale ku bixiyey in Soomaaliland (SL) iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya (DFS) wada maamulaan duulista hawada (civil aviation) ay ka dhigan tahay Qarannimo-wadaag.

Ka qayb-gelayaashii kulanka qaar ka mid ahina waxay ku dareen in arrinka Baasaboorada lagu xallin karo dariiqadaas Qarannimo-wadaagta ah. Ogoow, shacabka Soomaaliland waxay badi Baasaboorada u doontaan Garoowe, waxayna kaga dhoofaan Hargeysa. 

Tusaalayaasha kulanka lagu xusay waxay badi u dhacayeen in la wada maamulo astaamaha Qaran ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed sida cirka, badda iyo kaalmada caalamiga ah. Waxa kale oo lagu dari karaa rasmiyeynta caawimada caalamiga ah ee ay hadda Soomaaliland kaga qayb-qaadato dhuumashada dhabarku muuqdo. Liisku waa dheeraan karaa, laakiin waa inay ahaadaan heshiisyo rasmi ah oo labada Baarlaman-ba laga ansixiyo. 

Inkastoo Xldh. Jirde uusan toos u qeexin erayga Qarannimo-wadaag (shared sovereignty), haddana waxan qiyaasayaa inay ka duwan tahay “joint sovereignty” (qaramo wax-wada-leh). Laakiin qasdiga ka raacoo waa madax-banaanida qarannimo ee caalamku aqoonsan yahay (de jure) ee Xamar taal waanu idin la leenahay. Waa run, waana hal gar ah.

Fasiraad ayaa -se ka soo bixi karta, kolay dadka qaar odhan karaan, taasoo ah in haddii sidaa Xldh. Jirde soo jeediyey la yeelo  inay  madax-banaanida DFS nuqsaamayso. Jawaabtu waa goorma ayaa madax-banaanimo buuxda Soomaaliya ugu dambaysay! Maalin walba waxaynu maqalnaa doorka  weyn ee ay AMISOM, UNSOM, beesha caalamka, EU, ciidamada Itoobiya, ciidamada Kenya iyo Maraykanka ay ku leeyihiin arrimaha gudaha Soomaaliya, iyagoon cidna waxba isaga tirin.

Waxa habboon inay dhammaan dalalkaas iyo UNSOM ba ka soo  baxaan gadaasha daaha ay ku dhuumanayaan oo soo fariistaan miiska talada. Hubaal Soomaaliya waxay ku hoos jirtaa, ugu wacnaan, wisaayadda (trusteeship) dalal ajenebi ah.

Fasiraad kale ayaa waxay iyana noqon kartaa in haddii fikradda Xldh. Jirde la qaato ay noqonayso tallaabo Hargeysa ku dhawaynaysa xagga ictiraafka. Jawaabtu waa faraq baa u dhexeeya dawladnimo (statehood) iyo qaran madax-banaan (sovereign state). Kol haddii aan ilaa hadda cidina aqoonsan, Soomaaliland waxay weli hoos harsataa madax-banaanida Qarannimo ee  Soomaaliya. Joogsi. 

Inkastoo ay sidaa tahay, haddana in waxyaabaha qaar la wadaagaa ma xalinayso arrimaha masiiriga ah ee dhexyaal SL iyo DFS, waa meel-ku-gaar uun. Maxay Hargeysa ku falaysaa dheef yar oo la isa soo dhaafiyey oo aysan cod ku lahayn qorshaynteedii hore! 

Qarannimada Soomaaliya waxay taal Baarlamanka Federalka Soomaaliya (BFS). Kolkaa Hargeysa diyaar ma u tahay inay xildhibaano u soo dirsato BFS si ay cod ugu yeelato arrimaha qaranka? Hargeysa waa inay la timaadaa sidii ay cod ugu yeelan lahayd arrimaha ay rabto inay la wadaagto DFS, aysan noqon qaate keliya, sidii ruux tuugsanaya. 

Xildhibaano SL u soo diratay BFS ayaa fariisan kara meel gooni ka ah xildhibaanada kale, waxayna yeelan karaan codka diidmada (minortiy veto/double majority), oo ku aaddan arrimaha la isla gartay in labada dhinac wadaagaan.

Waxa iyana habboon in la helo dariiqo lagu kala baxo haddii muran ka yimaado arrimaha la wadaagayo sida maxkamad (tribunal) gaar ah ama maxkamad dastuuri ah.

Xldh. Jirde waxa uu inoo tilmaamay agab sahlan, kharash lahayn,  innagu hagi kara xal waara: in lala yimaado is-aamin iyo niyad-sami. Labaduba waa hanti aan la’aantood aadamiga macaamilkiisu  jiri karin.

Xldh. Jirde wuxu summad ku dhigtay inuu yahay siyaasi aragti dheer, fekerkiisuna sanduuqa ka baxsan yahay. Saaxaddu waa u furan tahay qofkii wax ku darsanaya ra’yigan wax-ku-oolka ah. Ilaahay ta san ha ina waafajiyo.

Wa Bilaahi Towfiiq

Maxamuud Cabdillahi Axmed
Email: [email protected]

Tixraac

" Arinta Somaliland Iyo Somaliya Mustaqbalka Waxay Ku Danbeyn Doontaa Dagaal Dhex Mara Labada Dhinac …" Gudoomiye…

Posted by Ilays News on Thursday, August 13, 2020

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.