W/Q Avv. Aadam Bile
Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa 12 Ogosto 2015, Mooshin Xil ka Qaadis Madaxweyne u dhiibay Guddoonka Baarlamaanka. Mooshinka oo sida la sheegay ka dhashay wadatashiyo badan oo soo socday bilooyin badan oo dhex maray xlldhibaannada iyo ururada siyaasadda iyo kuwa bulshada rayidka ah, ayaa waxaa lagu sifeeyey mid lagu badbaadinayo jiritaanka iyo qarannimada dalka Soomaaliya. Ma aha markii ugu horreysay ee ay Xildhibaannada Baarlamaanku soo jeediyaan in madaxweynuhu xilka ka dego. Waxay ahayd 5 Maayo 2014 markii ay 115 Xildhibaan u gudbiyeen madaxweynaha codsi (appeal) ah in uu xilka iska casilo, ka dib markii uu si xun ugu fashilmay hoggaaminta dalka. Waxaa xaqiiqo ah oo ay Soomaalida iyo caalamkaba qirayaan in uu madaxweynahu ku fashilmay hoggaaminta dalka.
Xil ka qaadista madaxweynaha waxaa dastuur ahaan lagu saleyn karaa in uu galay khiyaano Qaran ama xadgudubyo culus oo dastuurka iyo shuruucda dalka u deggen. Haddaba, ma galay madaxweynaha khiyaano ama xadgudubyo culus ee Dastuur? Waxaan qabaa oo ay dad badani garowsanyihiin in ay xildhibaannadu la soo daaheen xil ka qaadista, sida:
• Madaxweynuhu wuxuu ku tuntay Dastuurka iyo shuruucda dalka,
• Wuxuu shaki geliyey jiritaanka iyo madaxbannaanida Soomaaliya,
• Wuxuu maroorsaday awooddii Fulinta ee Xukuumadda,
• Wuxuu abuuray oo nooga tegayaa dhaqan musuqmaasuq nooc cusub ah oo aan horay loo arag iyo
• Wuxuu horseed ka noqday burburinta, kala qaybinta iyo colaad hurinta gobollada iyo degmooyinka dalka.
Madaxweynaha waa Ilaaliyaha Dastuurka iyo Astaanta Qaranka, waxaana looga baahnaa in uu xilkiisa u guto sida ku cad Dastuurka oo uu ka shaqeeyo dhowrista Dastuurka iyo sharciga iyo mideynta dalka iyo dadaka si looga baxo xaaladaha siyaasadeed ee adag. Nasiib darro, madaxweynaha wuxuu caadeystay in uu Dastuurka iyo Sharciga ku tunto, dalka iyo dadkana ka dhex abuuro colaado sokeeye iyo kala fogaansho siyaasadeed iyo mid bulsho. Xaaladaha ka abuurmay Puntland, Jubbaland, Shabellaha Hoose, Hiiraan, Galgaduud iyo deegaanno kale, waxaa sabab u ah fashilka uu madaxweynaha ku fashilmay in uu guto xilkiisii Dastuuriga ah ee Ilaaliyaha Dastuurka iyo mideyaha dalka iyo dadka.
Marka aan fiirino qodobbada ugu muhiimsan Mooshinka, madaxweynuhu wuxuu soo saaray Xeer Sharciyeed dad badan lagu dilay. Haddaba, Madaxweynuhu ma sharci sameeyaa? Jawaabtu waa MAYA! Dastuurkeenu wuxuu leeyahay hay’adda sharci dejinta waa Baarlamaanka, madaxweynuhuna wuxuu saxiixaa sharciga uu soo gudbiyo Baarlamaanka. Haddaba, sameynta Sharci aan Xukuumadda (Golaha Wasiirada) soo marin Baarlamaankana ansixin waxay noqoneysaa Xadgudub Culus ee Dastuur oo uu madaxweynuhu xilka ku waayi karo.
Madaxweynuhu wuxuu warqad u qoray Bangiga Keydka ee New York, USA, isagoo ka codsaday in ay u soo caddeyaan hantida Soomaaliya u taal Bangigaasi una xilsaaray shirkad Mareynkan ah oo la yiraahdo Esq. of Shulman, Rogers, Gandal, Pordy iyo Ecker, P.A. Hantida Soomaaliya u taallo Bangigaasi ee uu madaxweynuhu isku dayey in uu boobo ayaa ah Dahab qiimihiisu lagu qiyaasay $350 Malyan. Nasiib wanaag, waxaa codsigaasi is hortaagay oo diiday dowladda Mareykanka inta ay ka imaneyso dowlad Soomaaliyeed oo doorasho xor ah ku timid. Warqadda Madaxweynuhu qoray waxaa lahaa Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo diiday in uu warqaddaasi qoro. Haddaba, maadaama aanu madaxweynuhu lahayn awoodda Fulinta, wuxuu galay Xadgudub culus oo Dastuur, oo haddii lagu helo uu xilkiisa ku waayi karo.
Qodobka gelidda heshiisyada sharci darrada ah, sharci darro waxaa ah wixii aan Baarlamaanka soo marin, iyo bixinta qandaraasyo aan la marsiin waddadii sharciga ahayd ayaa ah mid xiiso badan. Qodobkan wuxuu xusayaa heshiisyo lala galay dowlado ama shirkado shisheeye sida Soma Oil & Gas, UK, iyo shirkadaha Turkiga ee haysta Garoonka Diyaaradaha iyo Dekedda Muqdisho iyo shirkadaha kalluumeysiga ee sida tooska ah u hoos timaada Madaxtooyada. Labada shirkadood ee Turkiga waxaa joojiyey Baarlamaanka oo qaraar ka soo saaray inta laga waafajinayo Sharciga. Madaxweynuhuna waa jebiyey qaraarkii Baarlamaanka. Jebinta qaraarka Baarlamaanka waa xadgudub culus ee Dastuur. Shirkadahaasi iyo qaar kale oo Xafiiska madaxweynaha laga maamulo ayaa ah dhammaantood kuwo sharci darro ah.
Qodobka kale ee muhiimka ah waxaa weeye in uu madaxweynuhu abuuray dhaqan Musuqmaasuq oo aan horay loo arag isagoo boob la mid ah Kufsi ku haya hantida Qaranka. Intii uu xilka hayey wuxuu madaxweynuhu, isagoo isticmaalaya Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, Mudane Mungaab, iibiyey dhul iyo hanti badan oo ay lahayd ummadda Soomaaliyeed. Ilaa hadda dhulalka la iibiyey ee lacagaha lagu iibiyey aanan khasnadda dowladda ku dhici, waxaa ka mid ah dhulka garoonka diyaaradaha ku teedsan oo ay lahaayeen dad Soomaali ah oo inta laga burburiyey qaarna shirkado laga iibiyey qaarna la siiyey qoyskiisa iyo saaxibadiis; dhulkii ciidanka Asluubta iyo kii Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo darjiinooyinkii magaalada Muqdisho iyo weliba guryo ay dowladda lahayd oo la siiyey dad ay qaraabo ama saaxiibo yihiin. Lacagta hantidaasi la iibiyey laga helay ee aan khasnadda dowladda ku soo dhicin ayaa lagu qiyaasay $25 Milyan. Waxaa kaloo madaxweynuhu bixiyey Warshaddii Snay ee Jowhar oo laga iibiyey dad qaraabadiisa ah qiimo aad u jaban. Kufsiga iyo boobka lagu hayo hantida dalka ayaa la mid ah khiyaano Qaran.
Xadgudubyada kale ee faraha badan ee uu madaxweynuhu galay waxaa ka mid ah:
1- Jebinta Sharciga Dhismaha maamulada iyo Gobollada ee Baarlamaanku ansixiyey;
2- Kala diridda Guddgia Adeegga Garsoorka oo aanu madaxweynaha awood u lahayn;
3- Ceyrinta Xeer Ilaaliye iyo Magacaabista Xeer Ilaaliye iyadoo aan la marin waddada Sharciga ah;
4- Amaro khasnadda dowladda looga saaray lacago malaayiin doolar ah iyadoo aan la marin sharciga;
5- Joojinta guddi Ra’iisul Wasaaraha iyo Barlamaanka u saareen hubinta Darbiga ay sheegtay in ay Kiinya ka dhiseyso xadkeenna, taasoo loo fasiri karo in Madaxweynuhu wax ka ogyahay darbiga kana dhigeyso in uu galay khiyaano qaran;
6- Xadgudubyada iyo caburinta loo geysto muwaadiniinta, siyaasiyiinta iyo saxaafadda xorta ah marka ay ka hadlaan arrimaha khuseeya dalkooda iyo dadkooda;
7- Fashilka ugu weyn wuxuu ku yimid dib u dhiska Ciidamada, Booliska iyo Nabadsugidda Qaranka. Madaxweynaha si bareer ah ayuu daboolka u saaray qorshayaashii amniga dib loogu dhisi lahaa ee ay soo gudbiyeen Wasaaradaha Amniga iyo saraakiisha Soomaaliyeed. Waxaa intaa dheer, in uu Madaxweynaha boobo mushaarkii yaraa ee ay lahaayeen ciidamada. Ka hor imaanshaha in ciidamada dib u dhis iyo dib u habeyn lagu sameeyo waxay u dhigantaa khiyaano qaran, waayo wuxuu si toos ah iyo si dadbanba u taageeray nabaddiidka hubeysay iyo cadowga dibedda.
Intaasoo qodob ah marka la eego, waxaa soo baxaysa in xildhibaannada la soo daaheen Mooshinka Xil Ka Qaadista Madaxweynaha. Waxaan taageerayaa Mooshinka anigoo u hiilinaya dalkeyga iyo dadkeyga. Hadda ka hor ayaa saaxiibkey Dr. Cabdinuur u soo jeediyey madaxweynaha in uu iscasilo maadaama uu ku fashilmay hoggaaminta dalka. Dad badan oo kale oo Soomaali ah sida Dr. Culusow na waa soo jeediyeen. Haddii hadda Xildhibaannada garowsadeen, waxaa ummad ahaan nala ka rabaa in aan taageerno Mooshinka oo aan dalka badbaadino. Mooshinka waa mooshin Badbaado ayaan leeyahay.
Avv. Aadam Bile
Email: bile.adam3@gmail.com