Muqdisho (WDN)- Marwo Ilhaam Cumar oo ah Xildhibaanad ka tirsan Aqalka Hoose ee Golaha Baarlmaanka dalka Mareykanka, ayaa maanta waxa ay booqasho ku timid magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland. Xil Ilhaam ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee General Maxamed Abshir kusoo dhaweeyay guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha wakiillada Puntland Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, mas’uulyiin ka tirsan maamulkaasi iyo shacab aad u farabadan.

Xil. Ilhaam Cumar inta ay ku sugan tahay magaalada Garoowe waxa ay kulamo la qaadan doontaa madaxweynaha maamulka Puntland iyo masuuliyiin ka tisan Golah Wakiilada, maamulka, iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka. Waxaana Ilhaam Cumar ay il gaar ah u yeelan doontaa xaaladda bini aadanimo ee deègaanada maamulkaasi ka jirta.
Xildhibaanad Ilhaam ayaa ah xildhibaanad Soomaaliyeed oo laga soo doorto gobolka Minisota oo Soomaalidu ku badantahay, ayadoo noqotey qofkii ugu horeeyey ee asal ahaan Soomaaliya kasoo jeeda oo ku guuleysta xubinnimada Aqalka Hoose ee Goalha Baarlmaanka Marayknaka. Xil Ilhaam ayaa ku guuleysatey in markii 2-aad loo soo doorto in ay xubin ka noqoto Aqalka Hoose. Waxa ayna xubin muhiim ah ka tahay xisbiga Dimuqraadiga ee iminka haya talada dalkaasi Mareykanka.
Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply