Alshabaab oo beegsatey kolonyo gaadiid gargaar u siddey degmada Mahadaay

Alshabaab oo beegsatey kolonyo gaadiid gargaar u siddey degmada Mahadaay

Muqdisho (WDN)- Ugu yaraan 5 askari oo ka mid ah ciidamo Xoogga Dalka, ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhimatey tiro intaasi ka badanna way ku dhaawacantey, kadib markii lala beegsadey kolonyo gaadiid ah oo gargaar u sidey degmada Mahadaay oo qarax miino wadada loogu aasay. 

Gaariga qaraxa lala beegsadey ayaa ka mid ahaa kolonyo gaadiidka dagaalka ah, oo galbinaysay gaadiid xamuul ah oo sidey gargaar raashiin iyo daawo isugu jirey oo hay’adda maareynta masiibooyinka ugu talo gashay in loogu gurmado dadka abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamuud Cilmi Raage oo warfidiyeenada la hadlay, ayaa sheegay in qaraxa kadib ciidamadda dawladda federaalka ay hawlgalo ka sameeyeen deegaanka.Kuwaasi oo lagu xaqiijinayey amaanka, mana uusan bixin faahfaahin kale oo intaasi ka badan.

Alshabaab ayaa sheegatey masuuliyadda qaraxaasi, waxa ayna tilmaamtey in qaraxaasi ay ku dishay toboneeyo ka tirsan ciidamada dawladda federaalka oo ku wajahnaa degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Qaraxa lala beegsadey kolonyadaan isugu jira gaadiidka ciidamada iyo gargaarka, ayaa caqabad ku ah dadaalada loogu gurmanayo dadka abaaruhu ay dhibaateeyeen ee ku dhaqan gobolada koonfurta Soomaaliya. Deegaanadaasi oo inta badan maleeshiyaadka Alshabaab saamaynta ku leeyihiin,waxaana Alshabaab caqabad ku tahay in gargaar lala gaaro malaayiin Soomaali ah oo la daalaa dhacaya saamaynta abaaraha.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho