WardheerNews (WDN)- Madaxweynaha wakhtigiisu dhamaaday Md. Xasan Sheekh, ayaa codsaday in dib loogu dhigo wakhtiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado in ay dhacdo dabayaaqada bishan Janaayo, si uu uga qeyb galo shir madaxeedka Urur-ka Midowga Afrika oo bishan Jan 22-31, 2017, Addis Ababa lagu qabanayo.

Qorshaha Xasan Sheekh ayaa ku aadan:
- Si uu ol’olehiisa doorashada taageero uga heli lhaa madaxda wadamada Kenya iyo Itoobiya oo shirkaasi lagu wado in ay ka qeyb galaan.
- Si uu u seeto dheereeyo wakhtiga doorashada, islamarkaana u qaboojiyo dardarta ka dhanka ah in uu mar kale noqdo madaxweynaha Soomaaliya.
Waxa socda ol’ole lagu rabo in shir madaxeedka Midowga Afrika aanu ka qeyb galin Xasan Sheekh, bal se la diro cid kale.
Wararka naga soo gaadhaya Muqdisho, ayaa sheegaya in xubno ka tirsan xildhaabanada cusub iyo murashaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya, ay aad uga soo horjeedaan in dib loo dhigo doorashada Madaxweynaha oo aanay ka dambeyn bishan Janaayo.
Mawjadaha isbedel doonka Soomaaliya ayaa hadda sii kordheya, iyada oo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo xildhibaanada cusub ee golaha Baarlamaanka ee ka soo horjeedka soo noqoshada Xasan Sheekh, ay sii kordheyso oo ay ka siman yaihiin.
Waxa kale oo jira warar sheegaya sida uu dastuurka Soomaaliya dhigayo, in Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya Md. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari, si ku meel gaadh ah loogu doorto Madaxtinimada Soomaaliya ilaa inta la dooranayo Madaxweyne Cusub.
WardheerNews
