Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Xaaska iyo Suuqa!

W.Q. Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq)

Sidii xoolo jeellan oo carro loo dhigay baa kobtan lagu soo wada qamaamay. Bulshadu waa mid wax iibsanaya, mid wax baayacaya, mid wax iibinaya iyo mid wax dayacan eeganaya. Wax waliba waa cusub yahay, qurux badan yahay, waana qaali. Inkasta oo ay cidhiidhi tahay haddana labadii is taqaan ee iska soo hor baxdaa gaadada ayay is yar gelinayaan, kuwii aan is garanaynna in garabkooda ama gacantoodu isku yar dhacaan la arkee, la ismase dhibsanayo oo waa la isku cudur daarayaa. Wax iibiyuhu wuxuu ku fooggan yahay kasbasho iyo soo dhawayn iyo jeeb furasho, wax iibsaduhuna wuu ka feejigan yahay oo wax tayo leh oo le’eg buu intaa ku raad joogaa. Doodda ugu badani waxay ka dhalanaysaa qiimaha oo intaa iga sii iyo intaa iska bixi baa la isku wada hayaa. Waxaynu joognaa suuqa.

Haddaba haddii ay haweenku yar juucjuucsan yihiin oo suuqa iyo moolka la geeyo waxaad arkaysaa iyaga kala badbadatay oo shaydaanna ka caafimaad badan oo kolba shay indhaha la sii raacaya ama mid isku qiyaasaya. Raggase haddii moolka la geeyo iyaga oo caafimaad qaba waxay u badan tahay inay ku dawakhaan oo madaxu ku xanuuno. Madax-xanuunkaasi bakhaylnimo jeeb wuu noqon karaa, maxaa yeellay wuxuu arkayaa qoftii oo marba isku qaadaysa wax qaali ah oo aannu lacagtoodiiba hayn. Haween iyo wax qaali ahna loo kala taagwaa, rag iyo wax jabanna loo kala taagwaa. Waxa kale oo uu noqon karaa inaanu wax iibsiga iyo suuqa jeclayn ee uu iska qasban yahay amaba in xaraaro maqaaxi iyo asxaab la fadhiisi ay hayso.

Inta badanna haddii aad aragto nin iyo gabadh suuqa wada socda oo si xamaasad leh uga wada adeeganaya, waxaad ogaataa inay ku jiraan bil malabtii, way noqon wayday isma qabaan ee sheeko ayaa u socota, ninkuna iska dhis buu ku jiraa, haddiise aad aragto nin cagaha jiidaya iyo gabadh xamaasaddeedii qabta ogow way is qabaane.

Xiisahaa haweenkana waxa keenaya dhal dhalaalka iyo waxa cusub ee la soo dhex galiyay. Waxa ay iibsanayaanna inta badan baahi uma gayso, ee balwad baa u gaysa, oo kolba wixii soo baxa ayay isaga suuxaan, iyaga oo mar ku leh magac hebel kama haysto midabkaa, mar kalena ku leh waa noocii u danbeeyay. Markaas baad hoos u odhanaysaa; Nacalaa magac hebelkiina iyo maalaayacniga aad tihiinba ku yaal. Waxyaabaha lagu sirana waxa ka mid ah sicir dhimis been ah, oo ay boqolkiiba konton ku sheegaan, waxaanad ka dareen qabtaa xayaysiiska wax iibsi ee ugu badan waxaa loogu talogalay haweenka iyo carruurta, maxaa yeellay inta badan raggu wax ma gataan ee lacagta wax lagu gato ayaa laga qaadaa. Waxayna u badan tahay haddii biilka oo idil farta laga saaro in haweenka qaar dhar, dhaldhalaal iyo wax aan dhaamin ku wada iibsan lahaayeen. Dharkaa in badan oo ka mid ah waxa laga yaabaa in marar kooban la xidho ee uu guriga iska tuullan yahay.

Waxa kale oo yaab kugu dilaya marka ay xaasku ku tidhaa: munaasabad baan aadayaa oo dirac cusub baan u baahanahay. Oo midkii aad bishii dhawayd soo iibsatay aaway? Xafladdii heblaayo waanigii ku tegay oo xaflad kale kuma tegayo. Haddii aad ku tagtayna maxaa ku jaban? Maxaa ku jabnaan waayay sow la illa yaabi maayo. Oo maxaa lagu odhanayaa? Xaflad walba intan bay ku taagan tahay qoftu ee miyaanay dhar kale lahayn. Dee dharkaaga kaleba xidho ilayn Alle kuguma yarayne maxad mid cusub ku falaysaa?. Uff; horta ima jeclid adigu ee xaggaa iiga baydh waan ku nacaye. Naa balaayo ku jeclaataye naga baydh oo caqli yeello. Waan ogahay inaadan i jeclayn ee halkaad soo arkootay baad sheegi doontaa. Naa bello ku arki waydaye Alle iyo aadmigiisa iyo adiguba waad ogtahay inaan ku jecelahay, ee wax iibsigaaga uun caqli ku yara dar. Waxba ku dari maayo’e hadda moolka ma ii raacaysaa? (Maqaaxida tag oo asxaabta la soo cawee baan is lahaa, laakiin dacwad hadhow uma taag hayo sidaa darteed waa inaan raacaa) intan niyadda ayaan iska idhi oo iyadu ma maqlayso, waxanan ku idhi; haye inna mari. Haye sug waan diyaar garoobayaaye” ayay hal haleel ku tidhi. Waa cilmi Alle’e, laba saacadood baa la diyaar garoobayaa, oo marba shay la xidhanayaa, haddana la bixinayaa, ka dibna lagu waydiinayaa kan ka warran? Wuu qurux badan yahay? Inuu qurux badan yahay kuma waydiine ma ku soo baxayaa? Haa, waad ku soo baxday. Haddana wax is marmarin iyo isqurxin baa saacad kale lagu sii jirayaa. Naa bal dhakhso dee. Uf ha i dedejine sug waryaa. Haye gacaliso ayaad afka ka odhanaysaa, uurkana waxaad ka leedahay; war bal nasladdan iyo inkaartan eega.

Is hagaajin iyo lebisba marka ay dhammaysato ayay adiga kugu soo jeedsanaysaa, shaadhka giigtir, badhanka iska xidh, suunka dhinaca kale u rog, dhexda ka saar sida kale ayaa qurux badane, cadarka si wanaagsan isugu shub. Markaas baad ninkaagii yar kacsanaa degaysaa oo aad hoos isku odhanaysaa adduunyadu haween la’aan; caraf iyo udgoon ma lahaateen, nadaafad iyo qurux ma lahaateen, farxad iyo ildoogsina ma lahaateen. Sidaas baad idinka oo faraxsan oo laydhsanaya, oo gacmaha is haysta, oo kaftamaya ku baxaysaan. Haddaba, suuqa ama moolka marka la tago ayay xaaskii maanku ka tegayaa oo ay kolba meherad gelaysaa, kolba wax baayacaysaa, kolba wax isku eegaysaa, cabbaar marka aad dabo socoto ayaad odhanaysaa hore inoo saar, ka dib bay ku odhanaysaa hadda ayaan soo galnay ee sug, halkaa waxa laga yaabaa in is dhibsi iyo isku dhac yari ka yimaad.

Haddaba maxaa xal ah? Waxa xal ah marka aad suuqa tagtaan ha dabo socon ee maqaaxi iska fadhiiso, iyaduna suuqa xorriyadeeda ha ku soo wareegto, marka ay soo dhammaysatana isa soo raaca. Boorsada lacagtana ha u dhiibin, yaanay iyada oo madhan kugu soo celinin oo aanad magaalada dayn uga bixine.

W.Q. Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq)
Email: [email protected]

 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.